Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 4

Aqbalidda Runtu Waa Ficil Shakhsi ama Qof Ahaaneed

Waxaynu Ilaah ka baryi karnaa inuu ina siiyo waxgarasho dheeraad ah oo ku saabsan Eraygiisa iyo qorshaha uu inoo hayo, sidii Daa'uudba kaga baryey erayadan ku qoran Kitaabka Sabuurrada, Sabuurka 119, aayadaha 89 iyo 169:

"Rabbiyow, Eraygaagu weligiisba
Wuxuu taagan yahay samada.

Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada,
Oo waxgarasho ii sii si Eraygaagu waafaqsan."

Laakiin xitaa, nebiyadii ayaa siyaabo kala duduwan inoogu sheegay in fahamka dadku uusan marna kaamil ahayn. Jidadka Eebbe aad bay uga sarreeyaan jidadka dadka. Suuraggal inoo ma aha inaan caqligeenna banii-aadanka ku fahanno faallo kasta oo ku saabsan qorshaha Ilaah ee furashada, kaasoo ku yimid Ciise Masiix. Weli waxaa jira qarsoodi iyo la yaab ku saabsan jacaylkiisa qotada dheer iyo dabeecada waaqdhaaciisa. Xiriirka aynu Ilaah la leenahay waa inuu ku salaysan yahay kalsooni. Waana inaynu aqbalno isaga inagoo rumaysad leh.

Maadaama aynu nahay abuuristiisa, ulajeeddadeennuna tahay inaynu farxad iyo sharaf u keenno isaga, wuxuu ina siiyey sifadii uu nebi Ishacyaah ugu yeerey harraad. Waxaad xusuusataan inuu yiri, "Ii kaalaya, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya." Innagoo dhan waxaynu leenahay baahi weyn oo aan Ilaah u qabno. Waxaynu leenahay dareen murugo iyo hubaal la'aan ah markii xiriirka aynu isaga la leenahay uusan hagaagsanayn. Harraadkeenna xagga gudaheenna, ayaa inoo sababa inaan isaga doondoonno. Bacdamaa uu innagu abuuray harraadka ruux-ahaaneed, innaguna casuumay inaan u nimaadno, ina cayrin maayo. Wuxuu innagu caawin doonaa inaynu fahanno waxa uu doonayo inaan garanno. Waxaa taas ka sii muhiimsan inuu innagu caawin doonaa inaynu isaga rumaysanno oo ku kalsoonaanno. Wuxuu ina siin doonaa rumaysad aynu ku aqbalno muujintiisa naxariista leh ee dadka oo dhan.

Mid kastoo aqbala naxariista Eebbe wuxuu oran karaa, "Wuxuu qaatay dembigayga. Aniga ayuu ii silcay. Waaqdhaaciisa awgiis, baan ku heli karaa nolol. Waxaa keliya oo layga baahan yahay waa inaan aqbalo runtan oo ku noolaado sida runtan waafaqsan."

Waxaa kaloo jira xaqiiqo dhab ah oo aan si buuxda loogu macnayn karin hadallada dadka. Waxaana weeye: "Ciise Masiix wuxuu ka weyn yahay waaqdhaac beddelaad ah. Uguma uusan silcin oo keliya meesheennii si uu inooga xoreeyo hoos-u-dhicidda iyo dabka naarta. Kan aan dembiga lahayn wuxuu kaloo u istaagay inuu noqdo qareenkeenna, iyo dhexdhexaadiyaheenna, si waaqdhaaciisii dhaqan-galka ahaa xal ugu noqdo kala-fogaantii dadka iyo Ilaah ee uu keenay dembigu. Wuxuu naftiisii u bixiyey si uu u soo celiyo xiriirkii aynu Ilaah la lahayn. Wuxuuna ina siiyey xorriyad aan eedda kaga xorowno, xoog aynu dembiga iyo jirrabaada kaga adkaanno, iyo weliba awood aan isaga ugu noolaanno kulana soconno si nabad iyo farxad leh weligeen.

Markii aad rumaysato oo aqbasho hadiyadda ama deeqda Eebbe ee badbaadada dembiga, waxaad markaas xor ka noqonaysaa ciqaabtiisa, bacdamaa Ciise Masiix adiga beddelkaaga u silcay. Mar kalena eed ma lihid, waayo ganaaxii waa la bixiyey. Waxaad tahay qof cusub, oo xiriirkii uu Ilaah la lahaa la soo celiyey. Hadda waxaa jira wehelnimo iyo is-dhexgal ka dhexeeya ruuxaaga iyo Ruuxa Ilaah.

Haddii aad maanta niyaddaada ka dareento hubaal la'aan, degganaan la'aan, iyo walaac ha is-moogeysiin. Waa harraadkaas aad Eebbe u qabtid, kii ay nebiyadu ka hadleen. Waxaad u qayshataa Ilaah adigoo ku baryootamaya hadalladii Daa'uud ee ku qoran Sabuurka 51 oo leh:

"Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
Ilaahow iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir
Sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
Waayo anigu waan og ahay xadgudubyadayda,
Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
Adiga keliya ayaan kugu dembaabay,
Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun...
Xumaantayda iga wada maydh,
Oo iga nadiifi dembigayga."

Waxaad Ilaah ka baridaa inuu furo indhahaaga si aad u aragtid Muujintiisa; inuu furto maskaxdaada si aad u garatid Muujintiisa; uuna furo niyaddaada si aad u heshid Muujintiisa.

Waxaad Eebbe ka baridaa inuu shakhsi ahaan kuugu muujiyo runtiisa ku saabsan waaqdhaaca ama allabbarigii iyo sarakiciddii ammaanta lahayd ee Ciise Masiix. Waxaad weyddiisataa inuu ku siiyo rumaysad aad ku aqbasho badbaadadiisa kaamilka ah. Niyadda ka dhegayso oo mar kale maqal erayadii Ciise Masiix ee ahaa: "Aniga i rumaysta, waayo waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha."

MAANTA CIISE MASIIXA WAXAA WEEYE

MUUJINTA NAXARIISTA ILAAH EE NAFTAADA