Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Dersiga Siddeedaad - Sayid Ciise Masiix

Toddobadii dersi ee hore waxaynu ka soo barannay waxyaalo badan oo run ah oo lagamamaarmaan ah. Haddaba bal aynu waxyaalahaas dib u fiirinno.

Dersigii kowaad oo ku saabsanaa Ilaah keliya.

Dersigaas waxaynu ku aragnay in Ilaaha runta ahu uu dunida uumay. Waxaynu kaloo barannay dabeecooyinka Ilaah qaarkood. Ilaah wuu naxariis badan yahay oo naxariistiisa badan aawadeed ayuu inoogu naxariisan karaa.

Dersigii labaad oo ku saabsanaa Xaawa iyo Aadan.

Waxaan isna ku barannay qisadii Xaawa iyo Aadan oo dembaabeen markay Ilaah ku dhega'adkeen. Waxaynu aragnay sidii Ilaaha naxariista badanu ugu keenay wax ay xirtaan. Neef aan dembi qabin ayaana u dhintay inuu haraggiisa ay Xaawa iyo Aadan xiran lahaayeen noqdo.

Dersigii saddexaad ee ku saabsanaa Qaabiil iyo Haabiil.

Dersigan waxaynu ka barannay inaynu Ilaah u keenno allabbari qumman si uu inoo aqbalo aawadeed. Kaasoo aan ahayn allabbarigii Qaabiil oo kale (shaqadiisa), maxaa yeelay, Ilaah aqbali maayo allabbarigaas oo kale. Waa inuu ahaadaa sidii allabbarigii Haabiil (waqdhaaca dhiigga leh) oo kale. "Dhiig daadin la'aanteed dembidhaaf ma jiro."

Dersigii afraad oo ku saabsanaa nebi Nuux.

Wixii nebi Nuux xukunkii halaagga ee Ilaah uga magangalay waxay ahaayeen doonni. Innaguna waa inaynu xukunka Ilaah ee ciqaabta dembiga magangal ka helnaa.

Dersigii shanaad oo ku saabsanaa nebi Ibraahim

Dersigan waxaynu ku aragnay in wan dhintay meeshii wiilkii Ibraahim ka dhiman lahaa. Wanku beddel buu isaga u ahaa, sidaas oo kale innaguna waa inaynu beddelaad helnaa.

Dersigii lixaad oo ku saabsanaa nebi Muuse.

Dersigan waxaynu ka barannay sidii addoomihii reer banii-Israa'iil ay masiibada kaga baxsadeen. Iyagu dhiig bay mariyeen albaabadii aqaladooda. Haddaba innaguna waa inaynu dhiig helno si aynu kaga baxsanno xukunka Ilaah.

Dersigii toddobaad oo ku saabsanaa nebi Daa'uud.

Nebi Daa'uud wuxuu ka hadlay midka dembigeenna u silci doona. Haddii aynu doonayno in Ilaah ina aqbalo, waa inaynu helno mid karaya inuu kaamilo waxyaalaha looga baahan yahay oo dhan.

  • Qofkaasu waa inuu noqdo haraggii huwiska Xaawa iyo Aadan la huwiyey oo kale.
  • Qofkaasu waa inuu noqdaa sidii allabbarigii Haabiil Ilaah u keenay oo kale.
  • Qofkaasu waa inuu noqdo meel la magangalo sidii doonnidu ay magangalka ugu noqotay nebi Nuux iyo qoyskiisii.
  • Qofkaasu waa inuu noqdaa beddel sidii uu wankuba beddel ugu noqday wiilkii Ibraahim oo kale.
  • Qofkaasu waa inuu dhiig marsadaa sidii ay addoomuhu dhiigga albaabkooda u mariyeen qarnigii nebi Muuse oo kale.
  • Qofkaasu waa inuu la yimaadaa waxyaalihii uu nebi Daa'uud sii sheegay oo dhan, in lagu majaajillooday oo la yasay oo la dilay, isagoo gacmaha iyo cagaha laga daldalooliyey.

Bal, qofkaasii yuu noqona karaa? Ma garanaysaa qof waxaas oo dhan ka soo bixi kara? Waxaa jira qof wada kaamili kara waajibaadka laga rabo. Qofkaasuu waa Ciise Masiix. Ma jiro qof kale oo heerka gaari karaa. Ilaah wuxuu yiri:
"Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno."
- Falimaha Rasuullada 4:12

Goormuu Ciise Masiix waxyigaas oo dhan oofiyey? Goormuu harag huwin ahaa? Goormuu beddel ahaa? Goormuu dhiig marsaday? Ma intuu noolaabaa? Maya. Isagu waxba dhiig ma u marsan intii uu noolaa.

Haddaba goormuu waxyaalahaa oo dhan wada sameeyey? Hal jawaab oo qura ayaa jirta taasuna waa: Markii iskutallaabta lagu qodbay. Markuu dhintay ayuu hugeenna noqday. Markuu dhintay ayuu allabbari noqday. Markuu dhintay ayuu dhiig marsaday. Markuu dhintay ayuu wada kaamilay wixii ay sii sheegeen Aadan iyo Haabiil, nebi Nuux, nebi Ibraahim, nebi Muuse iyo nebi Daa'uudba.

Sidaas daraaddeed Masiixa waxaa hal mar loo bixiyey inuu qaado dembiyada kuwa badan. Dhiigga Ciise Masiix, oo ah Inankii Ilaah, wuxuu innaga nadiifiyaa dembi oo dhan.

Dhimashadiisu guuldarro ma ay ahayn, laakiinse guul weyn bay ahayd. Dhimashadiisu guul weyn bay ahayd, maxaa yeelay, markaasay adiga kuu suurowday in Ilaah ku aqbalo. Dhimashadii Ciise Masiix mooyaane, si kale oo Ilaah kuu aqbali karaa ma jirto. Ilaah wuxuu kaa doonayaa inaad qalbiga ka aqbashid dhimashadii Ciise Masiix, haddii kale, weligaaba waad hallignaanaysaa.

Dhimashadii Ciise Masiix ma aysan ahayn dhammaadkiisii. Ilaahay wuu ka sara kiciyey dhimashadii. Taasu waxay ahayd waqti la yaab leh oo taariikhdu caddaysay. Ciise Masiix wuxuu ka soo sara kacay kuwii dhintay oo wuxuu ku noqday jannada oo wuxuu la joogaa Eebbe.

Haddaba adiga waxaa kuu eg in Ciise Masiix aad u aqbashid inuu yahay beddelkaagii kuu dhintay. Waa inaad Ilaah ku tiraahdaa, "Ilaahow, anigu dembi baan qabaa, oo waxaan doonayaa inaad adigu i aqbashid. Waan ogahay in sida keliya oo aad igu aqbali kartaa ay tahay inaan Ciise Masiix u aqbalo beddelkayga. Waan ogahay inuu isagu bixiyey qaamihii dembigayga oo dhan."

Haddii aad sidaas tiraahdid oo ay daacad ka tahay, Ilaah wuu ku aqbali doonaa. Markii aad saas yeeshid, waxaad dooni doontaa inaad ku noolaato nolol aammin ah oo nadiifsan. Ilaah wuu kugu caawimi doonaa inaad nolol saas oo kale ah ku noolaato. Haddii aadan Ciise Masiix aqbalin weligaaba waad hallignaan doontaa.

Tijaabada Siddeedaad - Sayid Ciise Masiix

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Su'aalahan dhawr oo erayada dersiga ku jira kaga jawaab:

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: