Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Dersiga Sagaalaad - Dembi

Ilmaha dunidan ku dhasha kii ugu horreeyey wuxuu ahaa wiil. Waalidkiis oo ahaa Xaawa iyo Aadan waxay u bixiyeen Qaabiil. Haddana waqti kaddib waxaa u dhashay wiil kale. Wiilkii labaad waxaa u bixiyeen Haabiil.

Dembi waa cadowgeenna kan u xun. Wuxuu kaa celin doonaa in Ilaah ku aqbalo. Wuxuu kaa celin doonaa jannada geliddeeda. Wuxuuna kugu ridi doonaa cadaabta. Haddaan dembigaaga la cafiyin waxaa lagaa fogayn doonaa Ilaah runta ah. Bal yaa dembiyo cafiyi kara, Ilaaha keliya mooyee? Bal ogow, xagga Ciise Masiix ayaa si aad dembidhaaf u hesho, kugu wacdiyey cafinta dembiga.

WAA MAXAY DEMBI?

Dembigu gaf oo keliya ma ahan. Dembi dabeecad xumo oo keliya ma aha. Dembi waa gaarid la'aan aan gaari kari waaynay xaqnimada Eebbe. Haddii aynan wada kaamilin xaqnimada Ilaah wax alla wixii aan niraahno iyo wixii aan samaynaba waynu ku dembaabnay. Dadka oo dhammi way wada dembaabeen. Ilaah wuxuu yiri, "Dembi waa sharci darro". Haddii aynu hal mar oo keliya sharciga Ilaah jebinno waynu dembaabnay. Haddii aan Ilaah ku caasiyoowno waynu dembaabnay. Waxaynu dembaabnaa markii aynu feker xun ku fekerno, ama aynu erayo xunxun niraahno, amase aynu samayno waxyaalo aan Ilaah jeclayn.

IMMISA QOF BAA DEMBAABAY?

Nebi Daa'uud wuxuu yiri, "Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi." -Sabuurka 51:5 Nebi Daa'uud wuxuu ahaa dembile. Ilaah wuxuu yiri,
"Dhammaan way wada dembaabeen"
- Warqaddii Rasuul Bawlos u qoray dadkii Rooma 3:23.

Waxaa jira qof qura oo aan weligiis dembaabin. Qofkaasna waa Ciise Masiix. Waxaa qoran:

  • "in kastoo uusan dulmi samayn, khiyaanona aanay afkiisa ku jirin."
    - Kitaabkii Ishacyaah 53:9

  • "Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga."
    - Warqaddii labaad ee Rasuul Bawlos u qoray dadkii Korintos 5:21

  • "Oo idinku waad og tihiin in isagu u muuqday inuu dembiyadeenna inaga qaado, oo isagu dembi ma leh."
    - Warqaddii kowaad oo Yooxanaa 3:5

Sayidka Ciise Masiix mooyaane qof kastaba waa dembile. Tan iyo markii Aadan laga soo bilaabo iyo ilaa ilmaha yaryar oo haddeer dhashay, banii-aadmiga oo dhammi wuu wada gaari waayey xaqnimada Rabbiga.

WAA MAXAY DEMBIGA CIQAABTIISU?

"Mushahaarada dembigu waa dhimashada." - Warqaddii Rasuul Bawlos u qoray dadkii Rooma 6:23. Aadan daqiiqaddii uu dembaabay ayuu xagga ruuxa ka dhintay. Ilaah buu ka go'ay. Aadan wuxuu dhaxal u helay dhimasho xagga jirka ah. In kastoo uusan isla markiiba dhiman, waxaa lagu xukumay inuu aakhirka dhinto. Innaguna sidaas oo kalaynu nahay. Innaguna dembigeenna awadiis aynu heli doonaa waxaynu galabsanno. Mushahaaraddeenuna waa dhimasho. Taas micneheedu waxaa weeye inaynu Ilaah ka fogaan doonno oo aynu dembigeenna aawadiis naarta geli doonno. Waa inaynu helnaa jid wanaagsan oo aynu naarta kaga baxsanno.

SIDEE BAAN DEMBIGAYGA UGA XOROOBI KARAA?

Waxaan dembigayga kaga xoroobi karaa haddaan Ciise Masiix weyddiisto inuu ii noqdo Badbaadiyahayga iyo Sayidkayga. Sayidkayga Ciise Masiix ayaa dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jirkiisii iskutallaabta saarnaa. Bal aynu waxyaalahan ka fekerno:

Ilaah aad buu Qaabiil uga xumaaday oo waxaa waajib ahayd in la ciqaabo. Kaddibna Ilaah Qaabiil wuu inkaaray sharkii iyo fidnaddii uu sameeyey awgiis. Qaabiil inkaar baa ku dhacday intii cimrigiisa ka hartay oo dhan, maxaa yeelay, walaalkiis buu dilay.

  • Kulligeen waxaynu nahay dembiileyaal. "Waayo, dhulka laguma arko nin xaq ah oo wanaag fala, oo aan dembaabin."
    - Wacdiyaha 7:20

  • Ilaah waa qoduus oo dembi ma fiirin karo. "Waxaad tahay mid indhihiisu ka sii daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid"
    - Xabaquuq 1:13

  • Weligeen Ilaah waannu ka fogaan doonnaa haddii aan dembiyadeenna la cafiyin. Ilaah wuxuu innagu oran doonaa,"Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow."
    - Injiilka sida Matayos u qoray 7:23

  • Ciise Masiix wuxuu u dhintay inuu dembiga cafiyo aawadeed. "Waayo, innagoo weli itaal daran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn."
    - Rooma 5:6

  • Ilaah wuxuu inoo sheegay in haddii aynu Ciise Masiix u aqbalno sida badbaadiyaheenna oo kale, uu inoo dembidhaafi doono. "Ilaah intuu dunida jacayl u qabay, ayuu siiyey. Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin, laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah."
    - Injiilka sida Yooxanaa u qoray 3:16

Ilaah wuxuu inoo sheegay inuu jiro JID KELIYA uu inagu aqbali karo. Jidkaasuna waa in la aammino Ciise Masiix. Ma doonaysaa in dembigaaga lagaa cafiyo? Ilaah weyddiiso inuu ku cafiyo oo u sheeg inaad rumaysanaysid Sayidka Ciise Masiix.

Hadda yeel, Ilaah weyddiiso.

Tijaabada Sagaalaad - Dembiga

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Su'aalahan dhawr oo erayada dersiga ku jira kaga jawaab:

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: