Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Dersiga Saddexaad - Qaabiil iyo Haabiil

Ilmaha dunidan ku dhasha kii ugu horreeyey wuxuu ahaa wiil. Waalidkiis oo ahaa Xaawa iyo Aadan waxay u bixiyeen Qaabiil. Haddana waqti kaddib waxaa u dhashay wiil kale. Wiilkii labaad waxaa u bixiyeen Haabiil.

Markii labadii wiil oo walaalaha ahayd ay weynaadeen, waxay isku taxallujiyeen shuqullo kala duwan. Haabiil wuxuu jeclaaday inuu ilaaliyo idihii aabbihiis. Wuxuuna u foofin jiray meel naq badan oo wuxuu u aroorin jiray meel biyo leh. Weliba wuxuu ka celin jiray bahallada iyo dugaagga.

Qaabiil xoolaha iskuma uu taxallujin jirin. Wuxuu jeclaa inuu dhulka qodo oo uu beero, uuna iska fiirsado miraha iyo khudradda baxaysa.

Inkastoo ay shuqullo kala duwan lahaayeen haddana labadooduba waxay ku qiran jireen inay caabudaan Ilaaha runta ah. Waxay ku tashadeen inay Ilaah waqdhaac u bixiyaan, maxaa yeelay, waxay rabeen inuu isagu iyaga wanaag u falo. Laakiinse waxay doorteen allabbariyo kala duwan. Qaabiil wuxuu aaday beertiisii, oo wuxuu dhulka ka soo guray khudrad, markaasuu allabbari ahaan Rabbiga ugu bixiyey. Haddii si loo eego Qaabiil allabbarigiisu, wuxuu ahaa dhididkiisii, waayo, isagu dhulkuu qoday oo wuu beeray oo mirihii buu soo guray markii ay bislaadeen. Wuxuuna noqday sidii mid Ilaah ku leh, "Bal eeg, waxanu waa wixii aan sameeyey e."

Haabiil allabbarigiisii wuxuu ahaa mid kaas kulligiis ka duwan. Isagu wuxuu qalay wanankiisii midkood oo wuxuu u bixiyey Ilaaha runta ah. Ilaah wuxuu ku farxay waaqdhaacii Haabiil, wuuna aqbalay. Laakiinse Ilaah wuu diiday inuu aqbalo kii Qaabiil, maxaa yeelay, Qaabiil wuxuu keenay allabbari qalad ah oo aan qummaneen. Haabiil Ilaah buu aamminsanaa, laakiinse Qaabiil wuxuu ku kalsoonaa awooddiisa iyo shuqulka gacmihiisa.

Dabadeedna Qaabiil wuu hinaasay, maxaa yeelay, Ilaah wuxuu aqbalay wankii Haabiil, laakiinse wuxuu diiday mirihii Qaabiil. Aad buuna u carooday ilaa uu ku tashaday inuu Haabiil dilo. Maalin maalmaha ka mid ah iyagoo beertii joogay ayaa Qaabiil wuxuu dilay Haabiil. Taasuna waxay ahayd diliddii qof la dilo dunida ugu horreeysay.

Ilaah aad buu Qaabiil uga xumaaday oo waxaa waajib ahayd in la ciqaabo. Kaddibna Ilaah Qaabiil wuu inkaaray sharkii iyo fidnaddii uu sameeyey awgiis. Qaabiil inkaar baa ku dhacday intii cimrigiisa ka hartay oo dhan, maxaa yeelay, walaalkiis buu dilay.

Qaabiil iyo Haabiil labaduba Ilaaha waaxidka ah oo keliya bay rumaysnaayeen. Oo labadooduba waxay qireen inay caabudaan Ilaahaa runta ah. Qofna kuma dhana inuu iska rumaysto in Ilaah qura jiro. Kumana dhana inuu jeclaysto inuu caabudo Ilaaha runta ah. Sidii Haabiil oo kale waa inaynu keennaa allabbari nooc qumman, haddii aynu doonayno in nala aqbalo. Qaabiil waxaa waajib ku noqotay inuu doorasho sameeyo. Waxayna ahayd inuu doorto allabbarigii uu doonayey inuu Ilaah u bixiyo. Laakiinse wuxuu ku tashaday inuu keeno mirihii dhulka, kuwaas oo muujinayey ficiladiisii. Wuxuuse doortay doorasho qalad ah.

Adiguna waa inaad doorasho samayso. Waa inaad goosato qurbaankii aad Ilaah u keeni lahayd caynka uu noqonayo. Waxaad samayn kartaa doorasho la mid ah sidii Qaabiil oo shuqullada gacmahaaga u keen Ilaah. Hase ahaatee, Ilaah inama aqbalayo, mana yeeli doono innaba allabbariga caynkaasi oo kale ah. Waxaad yeeli kartaa sidii Haabiil oo kale, oo waxaad keeni kartaa allabbari Ilaah aqbalayo. Haddii aad doonaysid in Ilaah ku aqbalo, waa inaad u keentaa allabbari qumman oo Ilaah aqbalo.

Tijaabada Saddexaad - Qaabiil iyo Haabiil

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Su'aalahan dhawr oo erayada dersiga ku jira kaga jawaab:

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: