Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Cutubka 1

Qurbaanka La Gubo

1 Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi,

2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha.

3 Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo.

4 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud.

5 Oo dibiga waa inuu Rabbiga hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan, oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka horteeda taal.

6 Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa.

7 Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka,

8 oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

9 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

10 Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn.

11 Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga.

12 Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

13 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

14 Oo haddii qurbaankiisa uu Rabbiga u bixinayo uu yahay haad qurbaan la gubo ah, markaas qurbaankiisa ha u bixiyo qoolleyo ama xamaam yaryar.

15 Oo wadaadku ha keeno meesha allabariga agteeda, oo madaxa ha ka maroojiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, oo dhiiggana ha lagaga miiro meesha allabariga agteeda.

16 Oo waa inuu ka soo bixiyaa gulgulada iyo baalasheeda oo ha ku tuuro meesha allabariga dhinaceeda bari, kaasoo ah meeshii dambaska.

17 Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 2

Qurbaanka Hadhuudhka Ah

1 Oo markii qof qurbaan hadhuudh ah Rabbiga u bixinayo, qurbaankiisu ha ahaado bur, oo waa inuu saliid ku shubaa, oo fooxna saaraa.

2 Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

3 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

4 Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray, ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay.

5 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray.

6 Waa inaad cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah.

7 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray.

8 Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha keeno.

9 Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

10 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

11 Qurbaan hadhuudh ah oo aad Rabbiga u bixinaysaan waa inaan khamiir lagu samayn, waayo, waa inaydaan khamiir iyo malab toona sidii qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo u gubin.

12 Iyaga waa inaad Rabbiga ugu bixisaan sidii qurbaan midhaha ugu horreeya ah, laakiinse waa inaan meesha allabariga loogu dul gubin caraf udgoon aawadeed.

13 Oo qurbaan kasta oo ah qurbaankaaga hadhuudhka ah waa inaad cusbaysaa, oo waa inaadan innaba u oggolaan in cusbadii axdiga Ilaahaaga ay ka maqnaato qurbaankaaga hadhuudhka ah. Qurbaannadaada oo dhan waa inaad cusbo la bixisaa.

14 Oo haddaad Rabbiga u bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo midhaha ugu horreeya ah, qurbaankaaga hadhuudhka ah oo midhaha ugu horreeya ah waxaad u bixisaa sabuul qoyan oo la dubay oo la tumay.

15 Oo waa inaad saliid ku shubtaa, fooxna saartaa, waayo, taasu waa qurbaan hadhuudh ah.

16 Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan, waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 3

Allabariga Qurbaannada Nabaadiinada Ah

1 Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah, oo uu lo'da ka bixinayo, lab ama dhaddig midduu yahayba, waa inuu Rabbiga hortiisa ku bixiyaa neef aan iin lahayn.

2 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

3 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

4 iyo labada kelyood iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.

5 Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

6 Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef aan iin lahayn.

7 Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.

8 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

9 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydhiisa iyo badhidiisa oo dhan, taasoo uu ka gooyo meesha ay lafta dhabarka ka haysato, iyo xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

10 iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.

11 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.

12 Oo haddii qurbaankiisu neef riyo ah yahayna, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.

13 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka, oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

14 Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

15 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.

16 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh.

17 Tan iyo ab ka ab waa inuu qaynuun joogto ah ku ahaadaa meel kastoo aad deggan tihiinba inaydaan cunin xaydh iyo dhiig midnaba.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 4

Qurbaanka Dembi Lagu Bixiyo

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii mid kama' ugu dembaabo waxyaalihii Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu sameeyo waxyaalahaas qaarkood,

3 iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.

4 Oo dibiga waa inuu Rabbiga ugu hor keenaa iridda teendhada, oo waa inuu gacanta saaraa madaxa dibiga, oo uu dibiga Rabbiga hortiisa ku gowracaa.

5 Oo wadaadka subkanu waa inuu dhiigga dibiga qaarkiis qaadaa oo uu teendhada shirka keenaa,

6 oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah.

7 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.

8 Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

9 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado,

10 sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.

11 Oo dibiga haraggiisa iyo hilibkiisa oo dhan, iyo madaxiisa, iyo addimmadiisa, iyo uurkujirtiisa, iyo uuskiisa,

12 iyo xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan, taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.

13 Oo ururka reer binu Israa'iil oo dhammu hadduu qaldamo, oo ay waxaasu indhaha shirka ka qarsoon yihiin, oo ay sameeyaan wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo ay saas eed ku leeyihiin,

14 dembigii ay dembaabeen markii la ogaado, shirku waa inuu dibi yar qurbaan dembi u bixiyaa, oo uu dibiga keenaa teendhada shirka horteeda.

15 Oo odayaasha ururku waa inay Rabbiga hortiisa gacmahooda ku saaraan madaxa dibiga, oo dibiga Rabbiga hortiisa ha lagu gowraco.

16 Oo wadaadka subkanu waa inuu dibiga dhiiggiisa keenaa teendhada shirka,

17 oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka.

18 Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.

19 Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa.

20 Oo dibiga ha ku sameeyo siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.

21 Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka dembiga.

22 Markii qof madax ahu dembaabo oo uu kama' u sameeyo mid ka mid ah waxyaalihii Rabbiga Ilaahiisa ahu uu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,

23 haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid lab oo aan iin lahayn.

24 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa orgiga, oo uu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo oo Rabbiga hortiisa ah, waayo, kaasu waa qurbaan dembi.

25 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis ku qaadaa fartiisa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiiggana waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga qurbaanka la gubo.

26 Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii xaydhii allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo kale, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii, oo isna waa la cafiyi doonaa.

27 Oo dadka dhulka mid ka mid ahu hadduu kama' ku dembaabo, oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,

28 haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid dhaddig oo aan iin lahayn, dembigiisii uu dembaabay aawadiis.

29 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka ah qurbaanka dembiga, oo waa inuu neefka ah qurbaanka dembiga ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo.

30 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.

31 Oo xaydhiisa oo dhanna waa in laga bixiyaa sidii xaydha looga bixiyo allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, si ay Rabbiga ugu ahaato caraf udgoon; oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna waa la cafiyi doonaa.

32 Oo hadduu neef ido yar ah u keeno qurbaanka dembigana waa inuu neef dhaddig oo aan iin lahayn keenaa.

33 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka dembiga ah, oo waa inuu qurbaanka dembiga ugu gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo.

34 Oo wadaadku waa inuu qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo lagu baxsho, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.

35 Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 5

1 Haddii qof ku dembaabo cod dhaar ah oo uu maqlay, ee uu isagu marag ka yahay, hadduu arkay iyo hadduu gartayba, hadduusan sheegin waa inuu dembigiisa qaataa.

2 Ama haddii qof taabto wax nijaas ah, hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis, ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.

3 Ama hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.

4 Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh.

5 Oo markuu ahaado mid waxyaalahan midkood eed ku leh waa inuu qirtaa wixii uu ku dembaabay,

6 oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii.

7 Oo haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn inuu neef baraar ah keeno, markaas dembigii uu dembaabay aawadiis waa inuu qurbaankii xadgudubkiisa Rabbiga ugu keenaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, oo mid qurbaan dembi ha ka dhigo, midda kalena qurbaan la gubo.

8 Iyaga waa inuu wadaadka u keenaa, oo isna marka hore ha bixiyo tan qurbaanka dembiga ah, oo madaxa ha ka maroojiyo, laakiinse waa inuusan kala dillaacin.

9 Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi.

10 Oo tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

11 Laakiinse haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn laba qoolley amase laba xamaam oo yaryar, markaas wixii uu ku dembaabay aawadood qurbaankiisa ha u keeno eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah, kaasoo qurbaan dembi ah, oo waa inuusan saliid ku shubin, waana inuusan waxba foox saarin, waayo, waa qurbaan dembi.

12 Oo waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo, sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi.

13 Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.

Qurbaanka Xadgudubka

14 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

15 Haddii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis, kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan xadgudub ha u bixiyo.

16 Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.

17 Oo haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay, oo waa inuu dembigiisa qaataa.

18 Oo isagu waa inuu idaha ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa.

19 Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga hortiisa eed buu ku leeyahay.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 6

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid, amase hadduu deriskiisa dulmo,

3 amase hadduu helo wax lumay oo uu waxaas qarsado oo uu been ku dhaarto, hadduu waxyaalahaas midkood sameeyo oo uu saas ku dembaabo,

4 markaas hadduu dembaabay oo uu eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay, ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay,

5 amase wixii uu beenta ugu dhaartay, waa inuu celiyaa iyagoo kaamil ah, oo weliba waa inuu ku daraa iyada oo shan meelood loo dhigay meesheed. Oo waa inuu siiyaa kii waxaas lahaa maalintii la ogaado inuu isagu eedaysan yahay.

6 Oo isagu qurbaanka xadgudubkiisa aawadiis waa inuu Rabbiga ugu keenaa wan aan iin lahayn oo uu idaha ka soo bixiyey ee aad qiimaysay, oo qurbaan xadgudub aawadiis wadaadka ha ugu keeno.

7 Oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa, oo isna waa laga cafiyi doonaa wixii uu sameeyey oo uu ku eedaysan yahay oo dhanba.

Qurbaanka La Gubo

8 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

9 Haaruun iyo wiilashiisa amar oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga qurbaanka la gubo ku saabsan: qurbaanka la gubo waa inuu habeenkii oo dhan saarnaadaa qoryaha meesha allabariga saaran tan iyo ilaa waagu ka baryo; oo dabka meesha allabarigana waa in laga sii ololiyaa.

10 Oo wadaadkuna waa inuu xidhaa dharkiisa wanaagsan, oo sirwaalkiisa marada wanaagsan laga sameeyeyna waa inuu gashadaa, oo waa inuu qaadaa dambaskii qurbaanka la gubayay oo dabku meesha allabariga dusheeda ku baabba'saday, oo waa inuu meesha allabariga ku ag shubaa.

11 Oo markaas waa inuu dharkiisii iska furaa oo uu dhar kale xidhaa, oo dambaska waa inuu meel daahirsan oo xerada dibaddeeda ah u qaadaa.

12 Oo dabka meesha allabarigana waa in had iyo goor la sii ololiyaa oo waa inuusan marna demin; oo wadaadku waa inuu subax kasta qoryo saaraa, oo uu qurbaanka la gubona ku dul hagaajiyaa, oo xaydha qurbaanka nabaadiinadana waa inuu ku dul gubaa.

13 Oo dab joogto ah waa in meesha allabariga dusheeda laga sii ololiyaa had iyo goorba, oo waa inuusan marna demin.

Qurbaanka Hadhuudhka Ah

14 Oo kanuna waa sharciga qurbaanka hadhuudhka ku saabsan: Wiilashii Haaruun waa inay ku hor bixiyaan meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa ah.

15 Oo isagu waa inuu cantoobadiisa muggeed ka qaadaa burka wanaagsan ee qurbaanka hadhuudhka ah iyo saliiddiisa, iyo kulli fooxa saaran qurbaanka hadhuudhka oo dhan, oo waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa caraf udgoon ee xusuus u ah Rabbiga.

16 Oo wixii qurbaankaas ka hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka.

17 Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka.

18 Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.

19 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

20 Kanu waa qurbaanka Haaruun iyo wiilashiisu ay Rabbiga u bixin doonaan maalintii isaga la subko, waana eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis, oo ah qurbaan hadhuudh oo joogto ah, oo intaas badhkeed subaxdii ha la bixiyo, badhka kalena fiidkii ha la bixiyo.

21 Oo waa in lagu sameeyo digsi oo saliid lagu sameeyo, oo markii la isku qooshay waa inaad gudaha soo gelisaa. Xabbad xabbad la dubay waa inaad u bixisaa qurbaanka hadhuudhka oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

22 Oo waxaa bixin doona wadaadka subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa in dhammaan Rabbiga loogu gubaa.

23 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo wadaadku bixiyoba waa in dhammaantiis la wada guba, oo waa inaan la cunin.

Qurbaanka Loo Bixiyo Dembiga

24 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

25 La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

26 Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka.

27 Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad ku maydhaa meel quduus ah.

28 Laakiinse weelka dhoobada ah oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa.

29 Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan.

30 Oo qurbaankii dembiga oo dhiiggiisa la soo geliyo teendhada shirka si meesha quduuska ah kafaaraggud loogu sameeyo innaba waa inaan la cunin, waase in dab lagu gubaa.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 7

Qurbaankii Xadgudubka

1 Oo kanuna waa sharciga ku saabsan qurbaanka xadgudubka. Kaasu waa kan ugu wada quduusan.

2 Meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka xadgudubkana lagu gowracaa, oo dhiiggiisana waa inuu ku dul rusheeyaa hareeraha meesha allabariga.

3 Oo isagu waa inuu bixiyaa baruurta taasoo ah badhida, iyo xaydha gudaha ku duuban,

4 iyo labada kelyood iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, waa inuu kelyaha la qaadaa.

5 Oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, waayo, kaasu waa qurbaankii xadgudubka.

6 Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

7 Oo qurbaanka xadgudubku waa sidii qurbaanka dembiga oo kale. Oo iyagu isku sharci ayay leeyihiin, oo wadaadkii kafaaraggudka ku sameeyaa ha lahaado.

8 Oo wadaadkii qof qurbaan la gubo u bixiyaa ha iska qaato haragga qurbaanka la gubo oo uu bixiyey.

9 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo foorno lagu dubo, iyo wax alla wixii birdaawe ama digsi lagu sameeyo waxaa iska leh wadaadka bixiya.

10 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo saliid lagu daray amase engeg ah waa inay wiilasha Haaruun oo dhammu lahaadaan, oo sidii mid u cuno kan kalena ha u cuno.

Allabariga Qurbaannada Nabaadiinada

11 Oo kanuna waa sharciga ku saabsan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbiga loo bixiyo.

12 Oo hadduu mahadnaqid aawadeed u bixinayo, waa inuu allabariga mahadnaqidda la bixiyaa moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo moofo saliid lagu daray oo bur la qoyay laga sameeyey.

13 Kibis khamiir leh waa inuu la bixiyaa qurbaankiisa iyo allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah mahadnaqid aawadeed.

14 Oo qurbaan kastana waa inuu ka bixiyaa xabbad ah qurbaanka sare loo qaado oo Rabbiga loo bixiyo, oo waxaa iska lahaanaya wadaadka saydhsaydha dhiigga qurbaannada nabaadiinada.

15 Oo hilibka allabarigiisa qurbaannadiisa nabaadiinada ah oo uu mahadnaqidda u bixiyo waa in dhammaantiis la cunaa maalinta uu qurbaankiisa bixiyo, oo waa inuusan waxba ka gaadhsiin tan iyo subaxda dambe.

16 Laakiinse haddii allabariga qurbaankiisu uu yahay nidar amase qurbaan uu ikhtiyaar u bixiyo, waa in la cunaa maalinta uu bixiyo allabarigiisa, oo wixii ka hadhana maalinta ku xigta ha la cuno.

17 Laakiinse hilibka allabariga wixii ka hadha oo maalinta saddexaad gaadha waa in dab lagu gubaa.

18 Oo haddii hilibka allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah la cuno maalinta saddexaad, markaas la aqbali maayo, oo kii bixiyeyna loo xisaabi maayo, laakiin taasu waxay ahaan doontaa karaahiyo, oo qofkii cunaana isagaa dembigiisa qaadanaya.

19 Oo hilibkii taabta wax nijaas ahna waa inaan la cunin; waase in dab lagu gubaa. Oo hilibkana qof kasta oo daahir ahu wax ha ka cuno.

20 Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa.

21 Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

Cunitaankii Dhiigga Iyo Baruurta Oo La Mamnuucay

22 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

23 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaydaan cunin baruur lo'aad ama mid idaad amase mid riyood.

24 Oo neefkii iska dhinta baruurtiisa iyo neefkii dugaaggu bakhtiisto baruurtiisa toona waa inaydaan sinaba u cunin, laakiinse siyaalo kale waa loogu isticmaali karaa.

25 Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

26 Oo waa inaydaan degmooyinkiinna oo dhan ku dhex cunin dhiig cayn kasta ha ahaadee, hadduu yahay mid haad ama mid xayawaan toona.

27 Ku kasta ha ahaadee qofkii dhiig cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

Qaybta Wadaaddada

28 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

29 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kii Rabbiga u bixiyaa allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaankiisa uga keenaa allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah.

30 Waa inuu gacmihiisa ku keenaa qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; waa inuu keenaa baruurta iyo sakaarka in sakaarka Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo.

31 Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa.

32 Oo allabariga ah qurbaannadiinna nabaadiinada waxaad ka soo bixisaan bowdada midig oo waa inaad wadaadka siisaan, ha ahaatee qurbaan sare loo qaado.

33 Kii reer Haaruun ka mid ah oo bixiya dhiigga qurbaannada nabaadiinada iyo baruurta ayaa qayb ahaan u leh bowdada midig.

34 Waayo, anigu reer binu Israa'iil ayaan allabariga ah qurbaannadooda nabaadiinada kala baxay sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado, oo waxaan reer binu Israa'iil amar kaga siiyey wadaadka Haaruun iyo wiilashiisa weligoodba.

35 Taasu waa qaybtii subkidda oo Haaruun iyo qaybtii subkidda oo wiilashiisa oo la kala baxayo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, maalintii iyaga loo keenay Rabbiga inay isaga uga adeegaan jagada wadaadnimada,

36 kuwaasoo maalintii la subkay uu Rabbigu amray in reer binu Israa'iil iyaga siiyaan, oo taasna ab ka ab baa loo amray.

37 Haddaba kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, iyo kan quduuskadhigidda, iyo kan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah,

38 ee uu Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay maalintii uu reer binu Israa'iil ku amray inay Rabbiga u bixiyaan qurbaannadooda iyagoo jooga cidladii Siinay.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 8

Haaruun Iyo Wiilashiisii Oo La Caleemasaaray

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 Waxaad keentaa Haaruun iyo wiilashiisa oo isaga la jira, iyo dharka, iyo saliidda lagu subkado, iyo dibiga ah qurbaanka dembiga, iyo labada wan, iyo dambiisha ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirto.

3 Oo ururka oo dhanna waxaad ku soo shirisaa iridda teendhada shirka.

4 Oo Muusena waa yeelay wixii Rabbigu isaga ku amray, oo ururkiina waa lagu soo shiriyey iridda teendhadii shirka.

5 Kolkaasaa Muuse ururkii oo dhan ku yidhi, Waxanu waa waxa Rabbigu amray in la sameeyo.

6 Markaasaa Muuse wuxuu soo kexeeyey Haaruun iyo wiilashiisii, oo biyuu iyagii ku maydhay.

7 Oo wuxuu isagii u geliyey jubbaddii, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhka, oo wuxuu u geliyey khamiiskii, eefodkiina wuu u geliyey, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhkii eefodka oo daabaca lahaa, oo kaasuu isagii ku xidhay.

8 Oo haddana wuxuu isagii saaray laabgashigii, oo laabgashigiina wuxuu geliyey Uuriimkii iyo Tummiimkii.

9 Oo madaxana wuxuu u saaray duub, oo duubka dhankiisa horena wuxuu ku dhejiyey waslad khafiif ah oo dahab ah oo ah taajka quduuska ah sidii Rabbigu Muuse ku amray.

10 Markaasaa Muuse soo qaaday saliidda lagu subkado, oo wuxuu ku subkay taambuuggii iyo waxyaalihii gudihiisa ku jiray oo dhan, oo dhammaantoodna quduus buu ka dhigay.

11 Oo qaarkeedna wuxuu toddoba jeer ku saydhsaydhay meeshii allabariga, oo wuxuu subkay meeshii allabariga iyo weelasheedii oo dhan iyo berkeddii weysada iyo salkeedii, si uu dhammaantood quduus uga dhigo.

12 Oo saliidda lagu subkado qaarkeedna wuxuu ku shubay Haaruun madaxiisa, oo isagii wuu subkay si uu quduus uga dhigo.

13 Oo haddana Muuse wuxuu soo kexeeyey wiilashii Haaruun, oo wuxuu iyagii u geliyey jubbado, wuxuuna ugu xidhay dhex-xidho, duubabna wuu u duubay sidii Rabbigu Muuse ku amray.

14 Oo haddana wuxuu keenay dibigii ahaa qurbaanka dembiga, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen dibigii qurbaankii dembiga ahaa.

15 Markaasuu dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud ugu sameeyo.

16 Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse intaasuu ku dul gubay meesha allabariga.

17 Laakiinse dibigii iyo haraggiisii, iyo hilibkiisii, iyo uuskiisiiba wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah sidii Rabbigu Muuse ku amray.

18 Oo haddana wuxuu keenay wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.

19 Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

20 Oo wankii xubin xubin buu u kala googooyay, markaasaa Muuse wuxuu gubay madaxii iyo xubnihii iyo xaydhii,

21 oo isna uurkujirtii iyo addimmadii ayuu biyo ku maydhay, markaasaa Muuse wankii oo dhan ku dul gubay meesha allabariga, waayo, kaasu wuxuu ahaa qurbaan la gubo oo caraf udgoon loo bixiyo, wuxuuna ahaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

22 Oo haddana wuxuu keenay wankii kale, kaasoo ahaa wankii quduuskadhigidda, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.

23 Markaasuu wankii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii oo wuxuu mariyey Haaruun caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig.

24 Oo haddana wuxuu keenay Haaruun wiilashiisii, kolkaasaa Muuse dhiiggii mariyey caaradda dhegahooda midig, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo Muusena wuxuu dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

25 Markaasuu soo qaaday baruurtii, iyo badhidii, iyo xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku yiil, iyo labadii kelyood, iyo xaydhoodii, iyo bowdadii midig.

26 Oo dambiishii ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirtay oo Rabbiga hortiisa tiilna wuxuu ka soo bixiyey xabbad ah kibis aan khamiir lahayn, iyo xabbad ah moofo saliid leh, iyo xabbad canjeero ah, oo wuxuu saaray baruurtii iyo bowdadii midig,

27 oo intaas oo dhan ayuu saaray Haaruun gacantiisii, iyo gacantii wiilashiisa, oo sida qurbaanka la ruxruxo ayaa Rabbiga hortiisa lagu ruxruxay.

28 Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

29 Kolkaasaa Muuse qaaday sakaarkii, oo Rabbiga hortiisa ayuu ugu ruxruxay qurbaan la ruxruxo aawadiis, oo kaasu wuxuu ahaa qaybtii Muuse ku lahaa wankii quduuskadhigidda sidii Rabbigu Muuse ku amray.

30 Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii, iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii iyo dharkii wiilashiisaba.

31 Markaasaa Muuse Haaruun iyo wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.

32 Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.

33 Oo idinkuna waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka intii toddoba maalmood ah, ilaa maalmaha quduus laydinka dhigay ay dhammaystirmaan, waayo, isagu wuxuu quduus idinka dhigayaa intii toddoba maalmood ah.

34 Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay, in kafaaraggud laydiin sameeyo.

35 Oo intii toddoba maalmood ah habeen iyo maalinba waa inaad ag joogtaan iridda teendhada shirka, oo Rabbiga amarkiisa xajiya yeydnan dhimanine, waayo, sidaasaa laygu amray.

36 Oo Haaruun iyo wiilashiisiina way wada yeeleen waxyaalihii Rabbigu amray oo uu gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 9

Wadaaddadii Oo Bilaabay Shaqadooda

1 Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil,

2 oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

3 Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah.

4 Oo dibi iyo wanna waxaad u keentaan qurbaanno nabaadiino in Rabbiga hortiisa allabari ahaan loogu bixiyo, iyo qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray, waayo, maanta ayaa Rabbigu idiin muuqan doonaa.

5 Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.

6 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona Rabbiga ammaantiisa.

7 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray.

8 Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga.

9 Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga.

10 Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.

11 Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah.

12 Oo haddana wuxuu gowracay neefkii qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

13 Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga.

14 Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa.

15 Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii dadka, oo wuxuu soo waday ridii dadka u ahayd qurbaankii dembiga, wuuna gowracay oo u bixiyey dembi aawadiis, siduu kan hore yeelay.

16 Oo haddana wuxuu keenay neefkii qurbankii la gubo ahaa, oo si qaynuunka waafaqsan ayuu u bixiyey.

17 Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.

18 Oo weliba wuxuu gowracay dibigii iyo wankii ahaa allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo dadka aawadiis loo bixinayay; oo markaasay wiilashii Haaruun isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

19 Markaasay keeneen baruurtii dibiga iyo tii wanka, iyo badhidii, iyo xaydhii gudaha ku duubnayd, iyo kelyihii, iyo xuubkii beerka.

20 Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu ku dul gubay meeshii allabariga.

21 Kolkaasaa Haaruun Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo ugu ruxruxay sakaarradii iyo bowdadii midig, sidii Muuse amray.

22 Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada.

23 Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan u muuqatay.

24 Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 10

Dhimashadii Naadaab Iyo Abiihuu

1 Oo Naadaab iyo Abiihuu oo ahaa wiilashii Haaruun ayaa midkood waluba qaatay idankiisii, oo dab bay ku rideen, fooxna way dul saareen, oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad oo uusan ku amrin.

2 Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa ayay ku dhinteen.

3 Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.

4 Markaasaa Muuse u yeedhay Miishaa'eel iyo Elsaafaan, oo ahaa wiilashii Cusii'eel kaasoo ahaa Haaruun adeerkiis, oo wuxuu ku yidhi, Soo dhowaada, oo walaalihiin ka soo qaada meesha quduuska ah horteeda oo waxaad geeysaan xerada dibaddeeda.

5 Sidaas daraaddeed way u dhowaadeen, oo wayna qaadeen iyagoo jubbadahoodii gashan, waxayna geeyeen xerada dibaddeedii sidii Muuse yidhi.

6 Markaasaa Muuse ku yidhi Haaruun iyo wiilashiisii ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, Timaha madaxiinnu yaanay arbushnaan, dharkiinnana ha dildillaacinina yeydnan dhimane, si aan Rabbigu ugu cadhoon ururka oo dhan, laakiinse walaalihiin ah reer binu Israa'iil oo dhammu ha ka ooyeen gubashadii Rabbigu huriyey.

7 Oo idinku waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka yeydnan dhimane, waayo, waxaa korkiinna ku taal saliiddii subkidda oo Rabbiga, oo iyana waxay yeeleen si waafaqsan eraygii Muuse.

8 Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

9 Ha cabbina khamri amase wax lagu sakhraamo, adiga iyo wiilashaada kula jira toona, markaad teendhada shirka gashaan yeydnan dhimane, oo taasu weligiin iyo ab ka ab qaynuun bay idiin ahaan doontaa,

10 oo waa inaad kala dudaan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn, iyo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah;

11 iyo inaad reer binu Israa'iil bartaan kulli qaynuunnadii Rabbigu iyaga kula hadlay oo uu gacanta Muuse ugu soo dhiibay oo dhan.

12 Kolkaasaa Muuse la hadlay Haaruun, iyo wiilashiisii hadhay oo ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, oo wuxuu ku yidhi, Qurbaanka hadhuudhka ah oo ka hadhay qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyey qaata oo isagoo aan khamiir lahayn ku cuna meesha allabariga dhinaceeda, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

13 Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray.

14 Oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado waa inaad meel daahirsan ku cuntaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jiraaba, waayo, kuwaasu waa intii adiga iyo wiilashaada looga amray allabaryada qurbaannada nabaadiinada ah oo reer binu Israa'iil ay bixiyaan.

15 Oo iyagu bowdada sare loo qaado iyo sakaarka la ruxruxo waa inay la keenaan qurbaannada xaydha oo dabka lagu sameeyo, in iyaga Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo, oo markaasay ahaan doonaan inta weligiin laydiin amray adiga iyo wiilashaadaba, sidii Rabbigu amray.

16 Oo Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga, markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi.

17 War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu samaysaan?

18 Bal eega, orgiga dhiiggiisii lama soo gelin meesha quduuska ah gudaheeda. Sida xaqiiqada ah waxaa idiin ekayd inaad meesha quduuska ah gudaheeda ku cuntaan, sidaan idinku amray.

19 Markaasaa Haaruun la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, maantadan ayay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaankoodii dembiga iyo qurbaankoodii la gubayay, oo aniga waxaa igu dhacay wax sidan oo kale ah, oo maanta haddaan cuno qurbaankii dembiga, taasu Rabbiga hortiisa ma ku wanaagsanaan lahayd?

20 Muusena markuu taas maqlay raalli buu ka noqday.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 11

Cuntada Nijaasta Ah Iyo Tan Daahirka Ah

1 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi.

2 Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,

3 Wax alla wixii xayawaan ah oo raafkoodu kala jeexan yahay, oo qanjaafilo leeyahay, oo calyanaqsiga raamsado waa inaad cuntaan.

4 Habase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.

5 Oo waladana ha cunina, maxaa yeelay, iyadu calyanaqsiga way raamsataa, laakiinse raafkeedu ma kala jeexna, haddaba iyadu waa idinka nijaas.

6 Oo bakaylahana ha cunina, maxaa yeelay, isagu calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.

7 Oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, oo qanjaafiluu leeyahay, laakiinse calyanaqsiga ma raamsado, sidaas daraaddeed isagu waa idinka nijaas.

8 Haddaba kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, oo baqtigoodana waa inaydaan taaban, maxaa yeelay, iyagu waa idinka nijaas.

9 Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh oo ku dhex jira biyaha iyo badaha iyo webiyada cuna.

10 Laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn oo ku dhex jira badaha iyo webiyada, iyo waxa biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa oo dhan, iyo kulli waxyaalaha noolnool oo biyaha ku dhex jira oo dhammu waa idinka karaahiyo.

11 Haddaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.

12 Wax alla wixii biyaha ku dhex jira oo aan lahayn baalal iyo qolfo waa idinka karaahiyo.

13 Oo haaddana waxaa idinka karaahiyo ah kuwan, oo iyaga waa inaan la cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo, waana baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,

14 iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,

15 iyo cayn kasta oo tuke ah,

16 iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag,

17 iyo guumaysta yar, iyo xeebajoogta iyo guumaysta weyn,

18 iyo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga, iyo gorgorka,

19 iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.

20 Oo wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waa idinka karaahiyo.

21 Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,

22 iyaga waxaad ka cuntaan kuwa caynkan ah oo ah ayaxa iyo caynkiisa, iyo kabajaanka iyo caynkiisa, iyo jiriqsiga iyo caynkiisa, iyo koronkorrada iyo caynkeeda.

23 Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta cagood lahu, waa idinka karaahiyo.

24 Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,

25 oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

26 Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.

27 Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

28 Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.

29 Oo waxa dhulka ku gurguurta oo dhan kuwanu waa kuwa idinka nijaas ah, waana fadhanfadhka, iyo jiirka, iyo amuurka iyo caynkiisa oo dhan,

30 iyo ilweynta iyo maansalugaleyda, iyo qorratada, iyo mulaca, iyo jirjirroolaha.

31 Oo waxa gurguurta oo dhan kuwaasu waa kuwa idinka nijaas ah, oo ku alla kii taabtaa markay dhintaan nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.

32 Oo wax alla wixii ay ku dhacaan markay dhintaan, nijaas bay ahaan doonaan, hadday yihiin weel qori ah, ama dhar, ama harag, ama joonyad, weelkaasu wax kasta ha ahaadee haddii wax loogu isticmaalo waa in biyo la dhex geliyaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, oo markaas dabadeedna daahir buu ahaanayaa.

33 Oo weelkii dhoobo ah oo mid iyaga ka mid ahu gudihiisa ku dhaco, wax alla wixii weelkaas gudihiisa ku jiraaba way nijaasoobi doonaan, oo weelkiina waa inaad jebisaan.

34 Oo waxa la cuno oo ku jira oo biyo gaadhaanba way nijaasoobi doonaan, oo weelka caynkaas ah waxa la cabbo oo ku jira oo dhammuna way nijaasoobi doonaan.

35 Oo wax alla wixii wax baqtigooda ahu ku dhacaanba way nijaasoobi doonaan, hadday yihiin foorno ama sholad, waa in la burburiyaa, waayo, iyagu waa nijaas, waana inay nijaas idinka ahaadaan.

36 Habase yeeshee il amase god ay biyo badanu ku jiraan daahir bay ahaanayaan, laakiinse wixii baqtigooda taabtaa way nijaasoobayaan.

37 Oo wax baqtigooda ahu hadday ku dhacaan abuur la abuurayo, kaasu waa daahir.

38 Laakiinse abuurka haddii biyo lagu shubo oo wax baqtigooda ahu ay ku dhacaan markaas waa idinka nijaas.

39 Oo xayawaanka aad cuni kartaan midkood hadduu dhinto, kii baqtigiisa taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

40 Oo neefkaas baqtigiisa qofkii cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii, oo kii neefka baqtigiisa qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

41 Oo wax kasta oo dhulka ku gurguurtaaba waa karaahiyo, oo waa inaan la cunin.

42 Wax alla wixii bogga ku socda, iyo wax alla wixii afar addin ku socda, amase wax alla wixii addimmo badan leh, kuwaas oo ah waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, waa inaydaan cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo.

43 Idinku waa inaydaan karaahiyo iskaga dhigin waxa dhulka ku gurguurta oo dhan, oo waa inaydaan iyaga isku nijaasayn si aydaan iyaga ugu nijaasoobin.

44 Waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa.

45 Waayo, anigu waxaan ahay Rabbigii dalkii Masar idinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad quduus ahaataan, waayo, anba quduus baan ahay.

46 Haddaba intaasu waa sharciga ku saabsan xayawaanka, iyo haadda, iyo wax kasta oo nool oo biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa, iyo wax kasta oo dhulka ku gurguurta;

47 si loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 12

Isdaahirinta Dhalmada Kaddib

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii naagu ilmo uuraysato oo ay wiil dhasho, markaas intii toddoba maalmood ah waa inay nijaas ahaataa, oo waxay u nijaasoobaysaa siday nijaasta u ahayd maalmihii dhiiggeeda.

3 Oo maalinta siddeedaadna wiilka buuryadiisa ha la gudo.

4 Oo iyadu waa inay ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda saddex iyo soddon maalmood oo kale, oo waa inayan taaban wax quduus ah, waana inayan meesha quduuska ah gelin ilamaa maalmaha isdaahirinteedu ay dhammaystirmaan.

5 Laakiinse hadday gabadh dhasho, markaas intii laba toddobaad ah waa inay nijaas ahaataa sidii markay xagga dhiigga nijaas ka tahay, oo waa inay ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda lix iyo lixdan maalmood oo kale.

6 Oo markii maalmaha isdaahirinteedu ay dhammaystirmaan wiilkeeda aawadiis ama gabadheeda aawadeed waa inay keentaa wan gu jira oo qurbaan la gubo aawadiis loo bixiyo, iyo xamaam yar ama qoolley oo qurbaan dembi aawadiis loo bixiyo oo waa inay wadaadka ugu keentaa teendhada shirka iriddeeda.

7 Oo isna qurbaankaas waa inuu ku bixiyaa Rabbiga hortiisa, oo waa inuu iyada kafaaraggud u sameeyaa, oo iyana dhiigbixiddeeda way ka daahirsanaan doontaa. Kanu waa sharciga ku saabsan tii dhasha ama wiil ha ahaado ama gabadhe.

8 Oo haddii lacagteedu ayan wan ugu filnaynna waa inay keentaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, oo midkood waa in loo bixiyaa qurbaan la gubo aawadiis, kan kalena waa in loo bixiyaa qurbaan dembi aawadiis, oo wadaadkuna waa inuu iyada kafaaraggud u sameeyaa, oo iyana daahir bay ahaan doontaa.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 13

Qaynuunnadii Baraska

1 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

2 Haddii qof jidhkiisa lagu arko barar, ama qolof, ama bar dhalaalaysa, oo ay jidhkiisa ku noqoto cudurkii baraska, markaas waa in loo keenaa wadaadka Haaruun ah, amase wiilashiisa wadaaddada ah midkood,

3 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa cudurka jidhka ku yaal, oo haddii meesha cudurka leh timaheedu ay caddaadeen, oo cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, markaas waa cudurkii baraska, oo wadaadku waa inuu fiiriyaa oo yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay.

4 Laakiinse haddii barta dhalaalaysaa ay jidhka sare ka cad dahay, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo meeshaas timaheeduna ayan caddaan, markaas waa in wadaadku qofkaas cudurka qaba karantiilaa intii toddoba maalmood ah.

5 Oo haddana wadaadku maalinta toddobaad waa inuu isaga fiiriyaa, oo bal eeg, hadduu indhihiisa ku arko in cudurku joogsaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas waa in wadaadku qofkaas sii karantiilaa toddoba maalmood oo kale.

6 Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii yaraaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa daahir, oo meeshu waa qolof keliya, oo isna dharkiisa ha maydho oo daahir ha ahaado.

7 Laakiinse qoloftu hadday jidhka ku sii faafto markii u daahirintiisa aawadeed wadaadka isu tuso dabadeed, waa inuu wadaadka mar kale istusaa.

8 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii qoloftu ay jidhka ku faafto, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa baras.

9 Oo haddii nin cudurka baraska qabo waa in wadaadka loo keenaa,

10 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii dubka sare barar cadu ku yaal, oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, oo bararkana haddii boog xun ku dhex taal,

11 kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas.

12 Oo haddii barasku dubka ku faafo, oo uu barasku kan cudurka qaba dubkiisa oo dhan qariyo tan iyo madaxiisa iyo ilaa cagihiisa, in alla intii wadaadka u muuqata,

13 markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa, oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday oo waa daahir.

14 Laakiinse mar alla markii boog xumu isaga ka muuqdo, waa inuu nijaas ahaadaa.

15 Oo wadaadku waa inuu boogtii xumayd fiiriyaa oo waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, boogta xumu waa nijaas oo waa baras.

16 Oo boogta xumu hadday mar kale beddelanto oo caddaato, markaas isagu waa inuu wadaadka u yimaadaa,

17 oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii caddaaday, markaas wadaadku kan cudurka qabi jiray ha ku yidhaahdo, Waa daahir, isagu waa daahir.

18 Oo haddii jidhku kasoobax ku leeyahay dubka sare oo uu bogsaday,

19 oo kasoobaxa meeshuu ku yaal haddii lagu arko barar cad ama bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, markaas waa in wadaadka la tusaa.

20 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu hoos u sii dhaafsiisan tahay dubka sare oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cudurkii baraska oo soo baxay.

21 Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo meeshaas timo cad laga waayo, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, illowse uu sii yaraaday, markaas waa in wadaadku karantiilaa intii toddoba maalmood ah,

22 oo haddii cudurku dubka sare ku sii faafo, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudur.

23 Laakiinse bartii dhalaalaysay hadday meesheedii ku joogsatay oo ayan sii faafin, markaas waa astaantii kasoobaxii ka hadhay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir.

24 Amase haddii dubka jidhku dab ku gubto oo jidhkii gubtay uu noqdo bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, amase caddaan,

25 markaas wadaadku waa inuu meeshaas fiiriyaa, oo bal eeg, barta dhalaalaysa timaheedu hadday caddaadeen oo nabarka muuqashadiisuna ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, waa baras kaasu, oo wuxuu ka soo dhex baxay meeshii gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

26 Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo barta dhalaalaysa laga waayo timo cad, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn laakiinse uu yaraaday, markaas wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa intii toddoba maalmood ah.

27 Oo maalinta toddobaad waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

28 Laakiinse bartii dhalaalaysay hadday meesheedii ku joogsatay, oo ayan dubka sare ku sii faafin, illowse ay yaraatay, markaas waa bararkii meeshii gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, taasu waa astaantii gubashada.

29 Haddii nin ama naagu ay cudur ku yeeshaan madaxa amase gadhka,

30 markaas wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, oo meeshaasna ay ku yaalliin timo casuur ah oo khafiif ah, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cambaar oo waa baraskii madaxa iyo gadhka.

31 Oo wadaadku hadduu fiiriyo cudurka cambaarta ah, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo aan timo madoobu meeshaas ku oollin, markaas wadaadku waa inuu karantiilaa kan cudurka cambaarta ah qaba intii toddoba maalmood ah.

32 Oo maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cambaartii ayan sii faafin, oo aan lagu arag timo casuur ah, oo cambaarta muuqashadeedu ayan dubka sare ka sii dhaafsiisnayn,

33 markaas isagu waa inuu xiirto, laakiinse meesha cambaarta leh yuusan xiirin, oo wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa toddoba maalmood oo kale.

34 Oo haddana maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cambaartii fiiriyaa, oo bal eeg, cambaartu haddii ayan dubka sare ku sii faafin, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, oo isna waa inuu dharkiisa maydhaa oo uu daahir ahaadaa.

35 Laakiinse cambaartii haddii ay dubka sare ku sii faafto daahirintiisa dabadeed,

36 markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cambaartu ay dubka sare ku sii faaftay wadaadku yuusan sii doondoonin timo casuur ah, waayo, ninkanu waa nijaasaysan yahay.

37 Laakiinse cambaartu hadday indhihiisa la ahaato inay joogsatay oo timo madoobuna ay ka bexeen, markaas cambaartu waa bogsatay, oo ninkaasuna waa daahir, oo wadaadkuna waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir.

38 Oo haddii nin ama naagu ay dubka jidhkooda ku yeeshaan baro dhaldhalaalaya, oo ah baro cadcad oo dhaldhalaalaya,

39 markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii baraha dhaldhalaalaya oo dubka jidhkooda ku yaallaa ay yihiin caddaan khafiif ah, taasu waa xaajiin jidhka ka soo baxday, oo qofkaasu waa daahir.

40 Oo haddii nin madaxiisa ay timahu ka dhammaadaan, isagu wuxuu leeyahay bidaar, hase ahaatee waa daahir.

41 Oo haddii timihiisu ay foodda hore ka dhammaadaanna, isagu foodda horuu bidaar ku leeyahay, hase ahaatee waa daahir.

42 Laakiinse madaxa bidaarta leh ama foodda bidaarta leh haddii lagu arko cudur guduudan oo caddaan ku jiro, markaas waa baras ka soo baxay madaxiisii bidaarta lahaa ama fooddiisii bidaarta lahayd.

43 Markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, cudurka bararkiisu hadduu yahay mid guduudan oo caddaan ku jiro, oo ku yaal madaxiisa bidaarta leh, ama fooddiisa bidaarta leh, sidii ay tahay muuqashada baraska oo dubka jidhkiisa ku taal,

44 isagu waa nin baras qaba, oo waa nijaasaysan yahay, oo sida xaqiiqada ah wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay; oo cudur buu madaxa ka qabaa.

45 Oo qofkii cudurka baraska qaba dharkiisu wax jeexjeexan ha ahaadeen, oo timaha madaxiisuna ha bannaanaadeen, oo bushintiisa sarena ha daboolo, oo ha ku qayliyo, Waan nijaasaysnahay, waan nijaasaysnahay!

46 Oo in alla intuu cudurkaas qabo oo dhan isagu waa inuu nijaasaysnaadaa, waayo, isagu waa nijaasaysan yahay, oo waa inuu keligiis meel ku hoydaa, oo hoygiisuna waa inuu ahaadaa xerada dibaddeeda.

Qaynuunnadii Caaryada

47 Oo dharkii uu cudurka barasku ku yaal, hadduu yahay dhar dhogor idaad ah amase dhar wanaagsan oo linen ah,

48 hadduu ku jiro dunta fidsan amase tan gudubsan ee dharka wanaagsan oo linenka ah, ama kan dhogorta idaad ah, iyo hadduu ku jiro haragga ama wax alla wixii harag laga sameeyo,

49 haddii cudurku ka cagaaran yahay ama ka guduudan yahay dharka ama haragga ama dunta fidsan ama tan gudubsan ama waxa alla wixii harag laga sameeyo, kaasu waa cudurkii baraska oo waa in wadaadka la tusaa.

50 Oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa cudurkaas, oo waxaas cudurka qabana waa inuu meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood ah.

51 Oo haddana maalinta toddobaad waa inuu cudurka fiiriyaa, oo haddii cudurku dharka kaga sii faafay dunta fidsan ama tan gudubsan, ama haragga dhexdiisa, haraggaas hawl kasta oo loogu isticmaalaba, markaas cudurku waa baras wax xaganaya oo waxaasu waa nijaasaysan yahay.

52 Oo isna waa inuu gubaa dharkaas cudurku ku jiro, hadduu yahay dunta fidsan ama tan gudubsan oo ku jirta dharka dhogorta idaad ah ama kan wanaagsan oo linenka ah, ama wax kasta oo harag laga sameeyey, waayo, kaasu waa baras wax xaganaya, ee waa in dab lagu gubaa.

53 Oo haddii wadaadku fiiriyo, oo markaa cudurkii uusan dharka kaga sii faafin dunta fidsan ama tan gudubsan toona, ama wax harag laga sameeyey,

54 markaas wadaadku waa inuu ku amraa in la maydhaa waxaas cudurka qaba, oo isagu haddana waa inuu waxaas meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood oo kale ah.

55 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, markii cudurka laga maydho dabadeed, oo bal eeg, cudurka midabkiisu hadduusan beddelmin, iyo haddii cudurku uusan faafinba, waxaasu waa nijaas, oo waa inaad dab ku gubtaa, oo haddii meeshii xumayd kaga taal hoosta ama dushaba, taasu waa wax xaganaya.

56 Oo haddii wadaadku fiiriyo, oo bal eeg, cudurku hadduu yaraaday markii la maydhay dabadeed, markaas isagu waa inuu intaas ka dillaaciyaa dharka ama haragga ama dunta fidsan ama tan gudubsan.

57 Oo haddii cudurkii weli dharkii kaga sii muuqdo dunta fidsan ama tan gudubsan ama wax kasta oo harag laga sameeyey markaas waa inaad dab ku gubtaa waxa cudurku ku yaal, maxaa yeelay, cudurku waa soo faafayaa.

58 Oo dharkii ha ahaado dunta fidsan ama tan gudubsan ama wax alla wixii harag laga sameeyey oo aad maydho, haddii cudurku iyaga ka baxo, haddana waa in mar labaad la maydhaa, oo kolkaasay daahir ahaan doonaan.

59 Kanu waa sharciga ku saabsan cudurka baraska ahu markuu dharka dhogorta idaad ah ama dharka wanaagsan oo linenka ah kaga dhaco dunta fidsan ama tan gudubsan, ama waxa kasta oo harag laga sameeyo, in la yidhaahdo, Waxaasu waa daahir, ama in la yidhaahdo, Waa nijaas.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 14

Nadiifintii Baraska

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 Kanu waa inuu ahaadaa sharciga ku saabsan qofkii baras qaba maalinta la daahirinayo: Waa in isaga wadaadka loo keenaa.

3 Oo wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay,

4 markaas wadaadku waa inuu amraa in kan la daahirinayo aawadiis loo keeno laba shimbirrood oo noolnool oo daahir ah, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.

5 Oo wadaadku waa inuu amraa in shimbirraha middood lagu dhex gowraco weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah.

6 Oo shimbirta nool iyo qoriga kedarka ah, iyo waxa casaanta ah iyo geedka husobka ahba waa inuu soo qaadaa oo iyaga iyo shimbirta noolba waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii biyaha socda lagu kor gowracay.

7 Oo wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku sii daayo.

8 Oo kan la daahirinayaana waa inuu dharkiisa maydhaa oo timihiisa oo dhanna iska xiiraa, oo isna biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye, oo markaas dabadeedna waa inuu xerada soo galaa, laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inuu teendhadiisa dibaddeeda ku hoydaa.

9 Oo maalinta toddobaad waa inuu timaha ka wada xiiraa madaxa iyo gadhka iyo suunniyadaba. Xataa timihiisa oo dhan waa inuu iska wada xiiraa, oo waa inuu dharkiisana maydhaa, jidhkiisana biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye.

10 Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu keenaa laba wan oo yaryar oo aan innaba iin lahayn, iyo nayl gu jira oo aan iin lahayn, iyo eefaah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo bur ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan hadhuudh, iyo qiyaas log la yidhaahdo oo saliid ah.

11 Oo wadaadka isaga daahirinayaa waa inuu kan la daahirinayo iyo alaabtiiba keenaa Rabbiga hortiisa, meel iridda teendhada shirka agteeda ah.

12 Oo wadaadku waa inuu soo qaadaa wananka midkood oo waa inuu u bixiyaa qurbaan xadgudub aawadiis, oo weliba waa inuu logga saliidda ah qaadaa oo uu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo.

13 Oo wanka waa inuu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka dembiga iyo qurbaanka la gubo oo ku dhex taal meesha quduuska ah, waayo, sida qurbaanka dembigu uu kii wadaadka u yahay ayaa qurbaanka xadgudubkuna kiisii u yahay. Waa kan ugu quduusan.

14 Oo wadaadku waa inuu qaadaa dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis, oo waa inuu dhiigga taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.

15 Oo wadaadku waa inuu qaadaa loggii saliidda ahaa qaarkiis oo waa inuu calaacasha gacantiisa bidix ku shubaa.

16 Oo wadaadku waa inuu fartiisa midig daraa saliidda ku jirta calaacashiisa bidix, oo waa inuu toddoba jeer saliidda fartiisa kula saydhaa Rabbiga hortiisa.

17 Oo saliidda inteeda kale oo gacantiisa ku hadhayna waa in wadaadku taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo dhiiggii qurbaanka xadgudubka.

18 Oo saliidda inteeda kale oo ku jirta wadaadka calaacashiisana waa inuu taabsiiyaa kan la daahirinayo madaxiisa, oo wadaadku waa inuu isaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu sameeyaa.

19 Oo wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaanka dembiga, oo waa inuu nejisnimadiisii daraaddeed kan la daahirinayo aawadiis kafaaraggud u sameeyaa, oo dabadeedna waa inuu gowracaa neefkii ahaa qurbaanka la gubo,

20 oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul bixiyaa qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka, oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna daahir buu ahaan doonaa.

21 Laakiinse isagu hadduu miskiin yahay oo uusan intaas oo dhan wada heli karin, markaas waa inuu keenaa wan yar oo qurbaankii xadgudubka aawadiis loo ruxruxo si uu kafaaraggud ugu sameeyo, iyo eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah oo saliid lagu daray oo qurbaan hadhuudh ah loo bixiyo, iyo log saliid ah,

22 iyo laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo, oo middood waa inay ahaato qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo.

23 Oo waa inuu maalinta siddeedaad daahirintiisa aawadeed wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka agteeda oo Rabbiga hortiisa ah.

24 Oo wadaadku markaas waa inuu soo qaadaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, iyo logga saliidda ah, oo wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo.

25 Oo waa inuu gowracaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo wadaadku waa inuu dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis soo qaadaa, oo taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.

26 Oo waa in wadaadku saliidda ku shubaa calaacasha gacantiisa bidix.

27 Oo waa inuu saliidda calaacashiisa bidix ku jirta qaarkeed toddoba jeer fartiisa midig kula saydhaa Rabbiga hortiisa.

28 Oo waa in wadaadku saliidda calaacashiisa ku jirta qaarkeed taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo meeshii uu ku yiil dhiiggii qurbaanka xadgudubku.

29 Oo saliidda wadaadka gacantiisa ku jirta inteeda kalena waa inuu mariyaa kan la daahirinayo madaxiisa, si uu isaga kafaaraggud ugu sameeyo Rabbiga hortiisa.

30 Oo markaas waa inuu bixiyaa mid ka mid ah qoolleyaha ama xamaamka yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo.

31 Oo xataa waxaas uu heli karo middood ha u bixiyo qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo qurbaankii hadhuudhka la socda, oo wadaadku waa inuu kan la daahirinayo kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa.

32 Kaasu waa sharciga ku saabsan qofkii cudurka baraska ah qaba, oo aan awoodin inuu keeno wixii daahirintiisa waajibka ku ahaa.

Nadiifintii Caaryada

33 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

34 Idinku markaad gashaan dalka reer Kancaan oo aan hantida idiin siinayo, haddaan cudurka baraska ah ku rido guri ku yaal dalka hantidiinna ah,

35 markaas qofka guriga lahu waa inuu wadaadka u yimaadaa oo u sheegaa isagoo leh, Waxay ila tahay in cuduru guriga ku jiro.

36 Oo wadaadku waa inuu amraa in guriga mid madhan laga dhigo, intaan wadaadku soo gelin markuu cudurka fiirinayo, si aan waxa guriga ku jira oo dhan nijaas looga dhigin, oo dabadeedna wadaadku waa inuu galaa si uu guriga u fiiriyo.

37 Oo waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu ku yaal guriga derbiyadiisa oo ay leeyihiin meelo godgodan oo ah cagaar iyo guduud, iyo haddii muuqashadiisu ay derbiga sare hoos u sii dhaafsiisan tahay,

38 markaas waa in wadaadku gurigaas ka baxo oo albaabka istaagaa, oo waa inuu gurigaas intii toddoba maalmood ah xidhaa.

39 Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku soo noqdaa oo fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurku ku sii faafay guriga derbiyadiisa,

40 markaas wadaadku waa inuu amraa in guriga laga bixiyo dhagaxyada cudurka qaba, oo lagu xooraa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.

41 Oo markaas waa inuu ka dhigaa in guriga gudihiisa oo dhan la wada xoqo, oo malaasta guriga laga xoqayna waa in lagu soo daadiyaa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.

42 Oo waa in dhagaxyo kale la soo qaadaa, oo la geliyaa meeshii ay dhagaxyadaas laga bixiyey, oo malaas kale waa inuu keenaa oo guriga ku malaasaa.

43 Oo haddii cudurku mar kale guriga ku soo noqdo oo uu ka soo dhex baxo, markii dhagaxyada laga bixiyey oo guriga oo dhan la xoqay oo la malaasay dabadeed,

44 markaas wadaadku waa inuu soo galaa, oo fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu guriga ku faafay, waa baras wax xagta oo guriga ku jira, oo markaas gurigu waa nijaasaysan yahay.

45 Oo isagu waa inuu guriga dumiyaa kulli dhagxantiisa, iyo alwaaxdiisa, iyo malaastiisa oo dhanba, oo waa inuu magaalada dibaddeeda u bixiyaa, oo meel nijaas ah ku daadiyaa.

46 Oo weliba gurigu intuu xidhan yahay oo dhan ku alla kii galaaba, nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.

47 Oo qofkii guriga seexdaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii guriga wax ku cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa.

48 Oo haddii wadaadku guriga soo galo, oo uu fiiriyo, oo uu arko inaan cudurkii guriga ku dhex faafin markii guriga la malaasay dabadeed, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Gurigu waa daahir, maxaa yeelay, cudurkii wuu ka bogsaday.

49 Oo isna si uu guriga u daahiriyo aawadeed waa inuu qaadaa laba shimbirrood, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.

50 Oo shimbirraha middood waa inuu ku dhex gowracaa weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah.

51 Oo isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer guriga ku saydhsaydhaa.

52 Oo waa inuu guriga ku daahiriyaa dhiigga shimbirta, iyo biyaha socda, iyo shimbirta nool, iyo qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah.

53 Laakiinse waa inuu shimbirta nool ku sii daayaa berrin bannaan oo magaalada dibaddeeda ah, oo sidaas waa inuu guriga kafaaraggud ugu sameeyaa, oo markaasuu daahir ahaan doonaa.

54 Kanu waa sharciga ku saabsan cayn kasta oo ah cudurka baraska ah, waana cambaarta,

55 iyo weliba baraska dharka gala iyo kan guriga galaba,

56 iyo bararka iyo qolofta, iyo barta dhalaalaysa.

57 Kanu waa sharciga baraska ku saabsan, oo idinkala baraya markay wax nijaas yihiin iyo markay daahir yihiin.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 15

Dheecaannada Wax Nijaaseeya

1 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

2 Dadka reer binu Israa'iil la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Haddii qof leeyahay dheecaan jidhkiisa ka soo dareero, dheecaankiisa aawadiis isagu waa nijaas.

3 Oo nijaastiisuna sidanay ahaanaysaa inta dheecaankiisu ka daadanayo. Haddii dheecaanku jidhkiisa ka daadanayo iyo haddii dheecaanku jidhkiisa ka joogsadayba, waa nijaastiisa.

4 Oo kan dheecaanku ka daadanayo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa, oo wax alla wixii uu ku fadhiistaaba way nijaasoobayaan.

5 Oo ku alla kii sariirtiisa taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

6 Oo ku alla kii ku fadhiisto wixii uu qofkii dheecaanku ka daadanaya ku fadhiistay waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

7 Oo kan dheecaanku ka daadanayo jidhkiisa qofkii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

8 Oo kan dheecaanku ka daadanayaana hadduu ku candhuufo qof daahir ah, markaas ninkaasu waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

9 Oo kan dheecaanku ka daadanayo koore alla koorihii uu fuulaaba nijaas buu ahaanayaa.

10 Oo ku alla kii taabtaa wixii isaga hoostiisa ku jirayna, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa, oo waxyaalahaas qofkii qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

11 Oo kan dheecaanku ka daadanayo isagoo aan gacmihiisa biyo ku maydhin ku alla kii uu taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

12 Oo kan dheecaanku ka daadanayo weelkii dhoobo ah oo uu taabtona waa in la burburiyaa, oo weel kasta oo qori ahna waa in biyo lagu xalaa.

13 Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa.

14 Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaataa oo uu Rabbiga ugu hor yimaadaa iridda teendhada shirka, oo uu iyaga wadaadka u dhiibaa.

15 Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa kafaaraggud isaga ugu sameeyaa dheecaankiisa aawadiis.

16 Haddii nin shahwaddiisu ka timaada waa inuu jidhkiisa oo dhan biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

17 Oo dhar kasta iyo harag kasta oo ay shahwaddiisu ku taalba, waa in biyo lagu maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.

18 Oo weliba nin hadduu naag la seexdo, labadooduba waa inay biyo ku maydhaan, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.

19 Oo haddii dheecaan naag ka daadanayo, oo dheecaanka jidhkeeda ku yaal uu xayl yahay, iyadu waa inay intii toddoba maalmood ah nijaasteeda ku sii jirtaa.

20 Oo intay nijaasaysan tahay wax alla wixii ay ku jiifsataaba way nijaasoobayaan, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba way nijaasoobayaan.

21 Oo ku alla kii sariirteeda taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

22 Oo wax alla wixii ay ku fadhiisato kii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.

23 Oo sariirteeda ama waxay ku fadhiisato haddii xayl ku yaal, markuu taabto, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

24 Oo nin hadduu iyada la jiifsado oo xaylkeedu taabto intii toddoba maalmood ah nijaas buu ahaanayaa, oo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa.

25 Haddii naag uu ka daato dheecaan dhiiggeeda ah maalmo badan oo aan ahayn wakhtigii xaylkeeda, ama hadduu iyada ka daato dheecaan ka badan oo dhaafsiisan wakhtigii xaylkeeda, inta iyada dheecaanku ka daadanayo oo ay nijaasaysan tahay oo dhan waa inay ahaataa sidii maalmihii ay xaylka qabtay oo kale, waayo, way nijaasaysan tahay.

26 Oo inta dheecaanku iyada ka daadanayo oo dhan, sariir alla sariirtii ay ku jiifsataaba, waxay iyada u ahaan doontaa sida sariirta ay ku jiifsato markay xaylka qabto, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba waxay u nijaasoobayaan sida nijaasta xaylkeeda.

27 Oo waxyaalahaas ku alla kii taabtaa wuu nijaasoobayaa, oo waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

28 Laakiinse hadday dheecaankeedii ka daahirsanaato, markaas waa inay toddoba maalmood nafsaddeeda u tirsataa, oo markaas dabadeedna daahir bay ahaanaysaa.

29 Oo maalinta siddeedaadna waa inay laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaadataa oo ay wadaadka ugu keentaa iridda teendhada shirka.

30 Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, oo midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu iyada kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa dheecaankii nijaasteeda aawadiis.

31 Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

32 Kanu waa sharciga ku saabsan kii dheecaan ka daadanayo iyo kii shahwaddiisu ka timaado, oo uu sidaas ku nijaasoobay,

33 iyo naagtii xayl qabta, iyo qofkii dheecaan ka daadanayo nin iyo naag miduu yahayba, iyo kii la seexda tii nijaasaysan.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 16

Maalintii Kafaaraggudka

1 Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay,

2 oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.

3 Haddaba Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo wan qurbaan la gubo ah.

4 Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa.

5 Oo ururka reer binu Israa'iilna waa inuu laba orgi uga soo qaadaa qurbaan dembi, wanna qurbaan la gubo.

6 Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa.

7 Oo waa inuu labada orgi soo kexeeyaa, oo uu soo taagaa meel Rabbiga hortiisa ah oo iridda teendhada shirka u dhow.

8 Oo markaas Haaruun waa inuu labada orgi saami u kala ridaa, oo saami kan Rabbiga ha ahaado, saamiga kalena kan Casaaseel ha ahaado.

9 Oo orgigii saamigu ugu dhacay Rabbiga, Haaruun waa inuu keenaa, oo qurbaan dembi u bixiyaa.

10 Laakiinse orgigii saamigu ugu dhacay Casaaseel waa in isagoo nool Rabbiga hortiisa la taagaa si kafaaraggud looga kor sameeyo, oo Casaaseel aawadiis cidlada loogu eryo.

11 Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa, oo uu gowracaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo.

12 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa.

13 Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane.

14 Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer.

15 Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba.

16 Oo isagu waa inuu meesha quduuska ah daraaddeed kafaaraggud ugu sameeyaa dadka reer binu Israa'iil waxyaalahooda nijaasta ah iyo xadgudubyadooda oo ah xataa dembiyadooda oo dhan aawadood, oo sidaasoo kalena waa inuu u sameeyaa teendhada shirka oo iyaga la deggan waxyaalahooda nijaasta ah dhexdooda.

17 Oo waa inaan ninna teendhada shirka joogin markii uu isagu u galo inuu kafaaraggud ku sameeyo meesha quduuska ah gudaheeda ilaa uu ka soo baxo, isagoo kafaaraggud u sameeyey nafsaddiisa, iyo reerkiisa, iyo shirka reer binu Israa'iil oo dhan.

18 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha allabariga geesaheeda.

19 Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil.

20 Oo markuu dhammaystiro kafaaraggudka uu u samaynayo meesha quduuska ah, iyo teendhada shirka, iyo meesha allabarigaba waa inuu orgiga nool keenaa.

21 Oo markaas Haaruun waa inuu labadiisa gacmoodba kor saaraa madaxa orgiga nool, oo waa inuu korkiisa ku qirtaa xumaatooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo xadgudubyadoodii oo dhan, oo ah xataa dembiyadoodii oo dhan, oo waxaas oo dhan waa inuu kor saaraa orgiga madaxiisa, dabadeedna waa inuu cidlada ugu diraa nin diyaarsan.

22 Oo orgiguna xumaatooyinkoodii oo dhan wuxuu u qaadayaa dhul cidla ah, oo markaas waa inuu orgiga ku sii daayaa cidlada dhexdeeda.

23 Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa,

24 oo waa inuu meel quduus ah ku maydhaa, oo uu dharkiisii soo gashadaa, oo dibadda u soo baxaa, oo bixiyaa qurbaankiisii la gubayo iyo qurbaankii dadka oo la gubayoba, oo kafaaraggudna waa inuu u sameeyaa nafsaddiisa iyo dadka daraaddiisba.

25 Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa.

26 Oo kii Casaaseel orgiga u sii daayayna waa inuu dharkiisa maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada galaa.

27 Oo dibigii qurbaanka dembiga ahaa, iyo orgigii qurbaanka dembiga ahaa oo dhiiggooda loo soo geliyey meesha quduuska ah in kafaaraggud lagu sameeyo, waa in xerada dibadda looga bixiyaa, oo haraggooda iyo hilibkooda iyo uuskoodaba dabka lagu gubaa.

28 Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.

29 Oo waxaa weligiinba qaynuun idiin ahaan doona inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, kiinna waddaniga ah iyo shisheeyaha dhexdiinna degganuba,

30 waayo, maalintaas kafaaraggud baa laydiin samayn doonaa in laydin daahiriyo aawadeed, oo dembiyadiinna oo dhanna daahir baad kaga noqon doontaan Rabbiga hortiisa.

31 Maalintaasu waxay idiin tahay sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Taasu waa qaynuun weligiis jira.

32 Oo wadaadka la subki doono oo quduus looga dhigi doono inuu wadaad ka ahaado meeshii aabbihiis ayaa kafaaraggudka samayn doona, oo isagaa xidhan doona dharka wanaagsan oo linenka ah, oo ah dharka quduuska ah.

33 Oo isagu waa inuu kafaaraggud u sameeyaa meesha quduuska ah, waana inuu kafaaraggud u sameeyaa teendhada shirka iyo meesha allabariga, oo waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wadaaddada iyo dadka shirka oo dhan.

34 Oo kaasu qaynuun weligiis ah buu idiin ahaan doonaa inaad reer binu Israa'iil sannaddiiba mar kafaaraggud ugu samaysaan dembiyadooda oo dhan. Oo isna wuxuu sameeyey sidii Rabbigu Muuse ku amray.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 17

Cabbidda Dhiigga Oo La Mamnuucay

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,

3 Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,

4 isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa,

5 oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay keenaan allabaryadooda ay berrinka bannaan ku bixiyaan, oo iyagu waa inay Rabbiga ugu keenaan iridda teendhada shirka, waana inay wadaadka guddoonsiiyaan, oo ay Rabbiga ugu bixiyaan allabaryo qurbaanno nabaadiino ah.

6 Oo wadaadkuna waa inuu dhiigga ku saydhsaydhaa meesha allabariga ee Rabbiga oo ag yaal iridda teendhada shirka, oo xaydhana waa inuu gubaa si ay Rabbiga u ahaato caraf udgoon.

7 Oo iyagu waa inayan mar dambe allabaryadooda u bixin orgiyada ay caabudaan sida naagu ninkeeda uga dhillowdo. Kaasu qaynuun weligiis ah buu ab ka ab u ahaan doonaa iyaga.

8 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

9 isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

10 Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa.

11 Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed.

12 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu Israa'iil ku idhi, Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig cunin.

13 Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa.

14 Waayo, jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan reer binu Israa'iil ku idhi, Waa inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kastoo uu yahayba, waayo, jiidh kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig cunaba waa la gooyn doonaa.

15 Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa.

16 Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin, markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 18

Galmada Aan Sharciga Ahayn

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

3 Falimaha dalka Masar ee aad degganaan jirteen waa inaydaan samayn, oo falimaha dalka Kancaan oo aan idiin geeynayana waa inaydaan samayn, oo qaynuunnadoodana waa inaydaan ku socon.

4 Waxaad samaysaan xukummadayda, oo waxaad dhawrtaan qaynuunnadayda si aad iyaga ugu dhex socotaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

5 Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

6 Waa inaan midkiinna u dhowaan qof ka mid ah xigaalkiisa u dhow inuu cawradiisa qaawiyo, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

7 Cawrada aabbahaa taasoo ah cawrada hooyadaa waa inaadan qaawin, iyadu waa hooyadaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.

8 Oo waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa, ee waa cawradii aabbahaa.

9 Waa inaadan qaawin cawrada walaashaa oo ah aabbahaa gabadhiisa ama hooyadaa gabadheeda, hadday guriga ku dhalatay iyo hadday meel kale ku dhalatayba.

10 Waa inaadan qaawin cawrada gabadha wiilkaaga, ama cawrada gabadha gabadhaada, waayo, toodu waa cawradaadii.

11 Waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa gabadheeda ay aabbahaa u dhashay, waayo, iyadu waa walaashaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.

12 Waa inaadan qaawin cawrada eeddadaa, waayo, iyadu waa aabbahaa qaraabadiis u dhow.

13 Waa inaadan qaawin cawrada habaryartaa, waayo, iyadu waa hooyadaa qaraabadeed u dhow.

14 Waa inaadan adeerkaa cawradiisa qaawin. Waa inaadan naagtiisa u dhowaan, waayo, iyadu waa aayadaa.

15 Waa inaadan qaawin cawrada gabadha aad soddogga u tahay, waayo, iyadu waa naagtii wiilkaaga, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.

16 Waa inaadan qaawin cawrada naagta walaalkaa, waayo, taasu waa cawradii walaalkaa.

17 Waa inaadan naag iyo gabadheedaba cawradooda wada qaawin, oo waa inaadan kaxaysan gabadha wiilkeeda ama gabadha gabadheeda si aad cawradeeda u qaawisid; waayo, iyagu waa naago qaraabo kuu dhow ah, oo taasu waa shar.

18 Waa inaadan naagtaada walaasheed la guursan oo aadan cawradeeda qaawin intay naagtaadu nooshahay.

19 Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay.

20 Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin.

21 Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

22 Waa inaadan ragga ula seexan sida dumarka loola seexdo oo kale, waayo, taasu waa karaahiyo.

23 Waa inaadan neef xayawaan ah kudin si aadan ugu nijaasoobin, oo naaguna waa inayan neef xayawaan ah is-hor taagin si ay isaga ugu jiifsato, waayo, taasu waa qasnaan.

24 Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen,

25 oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan.

26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba,

27 (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;)

28 si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale.

29 Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.

30 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 19

Qaynuunno Kala Duwan

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 La hadal ururka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan ahay.

3 Oo idinka midkiin kastaaba waa inuu ka cabsadaa aabbihiis iyo hooyadiis, oo waa inaad dhawrtaan maalmahayga sabtida ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

4 Sanamyo ha u jeesanina, oo hana samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

5 Oo markaad allabari qurbaanno nabaadiino ah Rabbiga u bixinaysaan waa inaad bixisaan si laydiin aqbalo.

6 Oo waa in dhammaantiis la wada cunaa maalinta aad bixisaan iyo maalinta ku xigta, oo haddii wax ka hadhaan oo ay gaadhaan maalinta saddexaad waa in dab lagu gubaa.

7 Oo innaba haddii maalinta saddexaad la cuno waa karaahiyo, oo la aqbali maayo,

8 ku alla kii cunaase dembigiisuu qaadanayaa, maxaa yeelay, nijaas buu ka dhigay Rabbiga wixiisii quduuska ahaa, oo qofkaasna dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

9 Oo markaad goosataan waxa dhulkiinna ka soo baxa waa inaydaan midhaha ka wada goosan rukummada beertiinna, oo weliba waa inaydaan soo urursan xaaxaabka beergoosadkiinna.

10 Oo beertiinna canabka ahna waa inaydaan xaaxaabin, oo midhaha beertiinna canabka ah oo dhacayna waa inaydaan soo urursan, laakiinse waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

11 Waa inaydaan waxba xadin, oo aydaan daacadla'aan ku isticmaalin, waana inaan midkiinna midka kale been u sheegin.

12 Oo waa inaydaan magacayga been ugu dhaaran, yeydnan hadal nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

13 Waa inaadan deriskaaga dulmin, waana inaadan waxba ka dhicin. Oo shaqaale aad soo kiraysatay mushahaaradiisu yaanay habeenkii kugu baryin oo kugu gaadhin tan iyo subaxda dambe.

14 Waa inaadan caayin qofkii dhega la', oo kii indha la'na waa inaadan hortiisa dhigin wax lagu turunturoodo, laakiinse waa inaad Ilaahaaga ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

15 Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah.

16 Waa inaadan dadkaaga xan kula dhex wareegin, oo waa inaadan deriskaaga dhiiggiisa hor joogsan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

17 Waa inaadan walaalkaa qalbiga ka nebcaan, oo sida xaqiiqada ah waa inaad deriskaaga canaanataa, yaadan isaga daraaddiis dembi u qaadane.

18 Waa inaadan ninna ka aarsan, waana inaadan dadkaaga u ciil qabin, laakiinse waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay oo kale, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

19 Waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan. Waa inaadan xoolahaaga u dayn inay cayn kale ku beermaan, oo waa inaadan beertaada ku beeran midho laba cayn ah, oo waa inaadan xidhan dhar laga sameeyey laba cayn oo isku darsan.

20 Oo ku alla kii la seexda naag addoon ah oo nin u doonan, oo aan la madax furin ama aan la xorayn, markaas waa in iyaga la ciqaabaa, laakiinse waa inaan iyaga la dilin, maxaa yeelay, iyadu xor ma ay ahayn.

21 Oo isagu waa inuu qurbaankiisii xadgudubka, kaasoo ah wan ah qurbaan xadgudub, Rabbiga ugu keenaa iridda teendhada shirka.

22 Oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo waa inuu Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa dembiguu dembaabay aawadiis, oo isagana waa laga cafiyi doonaa dembigii uu dembaabay.

23 Oo markaad dalka gashaan, oo aad cunto u beerataan dhir cayn kasta ah, markaas waa inaad midhahooda ku tirisaan sidii wax buuryoqab ah, oo intii saddex sannadood ah waxay idiin ahaan doonaan sidii wax buuryoqab ah, oo waa inaan midhahaas la cunin.

24 Laakiinse sannadda afraad midhahooda oo dhammu quduus bay ahaan doonaan, si Rabbiga loo ammaano aawadeed.

25 Oo midhahoodana waxaad cuni doontaan sannadda shanaad, si ay midhahoodu idiinku soo baxaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

26 Waa inaydaan wax dhiiggoodu ku jiro cunin, oo waa inaydaan u tegin falanfallowyo ama aydaan faalna ku noqnoqon.

27 Waa inaydaan timaha madaxa ka jaran dhinacyada, gadhkiinnana waa inaydaan jarin.

28 Waa inaydaan jidhkiinna u gooyn qof dhintay daraaddiis, ama waa inaydaan waxba ku daabicin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

29 Waa inaadan gabadhaada nijaasayn oo aadan dhillo ka dhigin, waaba intaasoo uu dalku noqdaa sino miidhan oo uu shar ka buuxsamaa.

30 Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

31 Ha u jeesanina xagga kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta, oo iyaga ha doondoonina yeydnan nijaasoobine, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

32 Waa inaad qofkii cirro leh u istaagtaa, oo waa inaad ninkii oday ah cisaysaa, waana inaad Ilaahaa ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

33 Oo haddii mid shisheeye ahu idinla deggan yahay dhulkiinna, waa inaydaan xumayn.

34 Shisheeyaha idinla degganu waa inuu idiinla mid ahaadaa sida waddaniga idin dhex jooga, oo waa inaad isaga u jeclaataan sidaad naftiinna u jeceshihiin oo kale, maxaa yeelay, idinkuba shisheeyayaal baad ku ahaan jirteen dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

35 Waa inaydaan xaqdarro ka samayn garsooridda, iyo cabbiridda, iyo miisaamidda iyo beegiddaba.

36 Waa inaad haysataan kafado qumman iyo miisaan qumman, iyo eefaah qumman iyo hiin qumman, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idinka soo bixiyey.

37 Oo waa inaad wada dhawrtaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 20

Ciqaabihii Dembiga

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 Weliba waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama shisheeyayaasha idin dhex deggan ka mid ah, oo carruurtiisa Moleg siiya, sida xaqiiqada ah kaas waa in la dilaa, oo dadka dalka degganu waa inay dhagax la dhacaan.

3 Oo anna qofkaas ayaan ka gees noqon doonaa, oo isagaan dadkiisa ka dhex gooyn doonaa, maxaa yeelay, wuxuu carruurtiisii siiyey Moleg, oo sidaasuu meeshayda quduuska ah ku nijaaseeyey oo uu magacayga quduuska ahna wax nijaas ah kaga sheegay.

4 Oo haddii dadka dalka degganu ay ninkaas indhahooda ka qarsadaan oo ayan isaga dilin markuu carruurtiisa Moleg siiyo,

5 markaas aniga ayaa ninkaas iyo reerkiisaba ka gees noqon doonaa, oo isaga iyo in alla intii raacda inay Moleg u daba galaan sida naagu ninkeeda uga dhillowdo, waxaan ka dhex gooyn doonaa dadkooda.

6 Oo qof alla qofkii u jeesta xagga kuwa ruuxaanta leh iyo saaxiriinta, oo iyaga u daba gala sida naagu ninkeeda uga dhillowdo, sida xaqiiqada ah anigu qofkaas ayaan ka gees noqon doonaa oo isagaan dadkiisa ka dhex gooyn doonaa.

7 Haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

8 Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.

9 Oo ku alla kii caaya aabbihiis ama hooyadiis, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa, waayo, wuxuu caayay aabbihiis ama hooyadiis, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.

10 Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis, kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba waa in la dilaa.

11 Oo ninkii naagta aabbihiis la seexdaana wuxuu qaawiyey cawradii aabbihiis, oo sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la dilaa; oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

12 Oo haddii nin la seexdo gabadh uu soddog u yahay, sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la dilaa; iyagu waxay sameeyeen wax qas ah, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

13 Oo haddii nin nin kaleeto ula seexdo sida dumarka loola seexdo oo kale, labadooduba waxay sameeyeen karaahiyo oo sida xaqiiqada ah waa in iyaga la dilaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

14 Oo haddii nin wada guursado naag iyo hooyadeed, taasu waa shar, oo isaga iyo labadoodaba waa in dhammaantood dab lagu gubaa, si aan sharu idiinku dhex jirin.

15 Oo haddii nin neef xayawaan ah kudo, sida xaqiiqada ah waa in ninkaas la dilaa, oo neefkana waa inaad gowracdaan.

16 Oo naaguna hadday u dhowaato neef xayawaan ah, oo ay u jiifsato, naagta iyo neefkaba waa inaad dishaan, sida xaqiiqada ah waa in labadoodaba la dilaa; oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

17 Oo haddii nin kaxaysto walaashiis oo ah ina aabbihiis ama ina hooyadiis, oo uu cawradeeda arko, oo iyana ay cawradiisa aragto, taasu waa wax ceeb ah, oo iyaga waa in dadkooda hortiisa laga gooyaa, waayo, isagu wuxuu qaawiyey cawradii walaashiis, oo dembigiisana wuu qaadan doonaa.

18 Oo haddii nin la seexdo naag xayl qabta, oo uu cawradeeda qaawiyo, wuxuu qaawiyey ishii dhiiggeeda oo iyana waxay qaawisay ishii dhiiggeeda, oo markaas labadoodaba waa in laga gooyaa dadkooda.

19 Oo waa inaadan qaawin habaryartaa, ama eeddadaa, waayo, kii saas yeelaa wuxuu qaawiyey xigaalkiisa u dhow, oo iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda.

20 Oo haddii nin la seexdo naagta adeerkiis, kaasu wuxuu qaawiyey cawradii adeerkiis; iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda, oo waxay dhiman doonaan iyagoo gablan ah.

21 Oo haddii nin kaxaysto naagta walaalkiis, taasu waa nijaas, waayo, wuxuu qaawiyey cawradii walaalkiis, oo iyagu waxay ahaan doonaan gablan.

22 Haddaba waa inaad wada xajisaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, si dalka aan idin geeynayo inaad degtaan uusan idiin mantagin.

23 Oo waa inaydaan ku socon caadooyinkii quruuntii aan hortiinna ka eryayo, waayo, iyagu waxyaalahaas oo dhan ayay samayn jireen, oo sidaas daraaddeed ayaan u karhay.

24 Laakiinse waxaan idinku idhi, Idinka ayaa dalkoodii dhaxli doona, oo hanti ahaan ayaan idiin siinayaa, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soocay dadyowga.

25 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad kala soocdaan xayawaanka daahirka ah iyo kan nijaasta ah, iyo haadda daahirka ah iyo tan nijaasta ah, oo waa inaydaan nafihiinna wax karaahiyo ah kaga dhigin xayawaan ama haad ama waxa dhulka ku gurguurta oo aan idinka soocay oo aan idhi, Waa nijaas.

26 Waa inaad quduus ii ahaataan, waayo, anigoo Rabbiga ahuba quduus baan ahay, oo dadyowgii baan idinka soocay, si aad kuwaygii u ahaataan.

27 Oo weliba sida xaqiiqada ah waa in la dilaa ninkii ama naagtii ruuxaan leh, ama ku alla kii saaxir ah, oo iyaga waa in dhagax la dhacaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 21

Qaynuunnadii Wadaaddada

1 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,

2 xigaalkiisa u dhow mooyaane, kuwaasoo ah hooyadiis, ama aabbihiis, ama wiilkiisa, ama gabadhiisa, ama walaalkiis,

3 ama walaashiisa bikradda ah oo isaga u dhow, oo aan weli nin guursan; taas wuu isu nijaasayn karaa.

4 Waa inuusan isnijaasayn isagoo dadkiisa madax u ah, yuusan nijaas iska dhigin.

5 Oo waa inaan ninkoodna madaxa xiiran, oo waa inayan gadhkooda xiirin, ama ayan jidhkooda gooyn.

6 Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.

7 Waa inayan guursan naag dhillo ah ama mid la nijaaseeyey, oo waa inayan guursan naag la furay, waayo, wadaadku quduus buu Ilaahiis u yahay.

8 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.

9 Oo wadaad kasta haddii ay gabadhiisu isnijaasayso oo ay dhillowdo, iyadu nijaas bay ka dhigaysaa aabbaheed, oo waa in dab lagu gubaa.

10 Oo kii wadaadka sare walaalihiis ka dhex ah, oo madaxiisa lagu shubay saliiddii subkidda, oo ah kan loo daahiriyey inuu xidho dharka quduuska ah waa inaanay timaha madaxiisu arbushnaan ama uusan dharkiisa dildillaacin.

11 Oo weliba waa inuusan meyd gudaha ugu gelin, oo xataa waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis iyo hooyadiis toona.

12 Oo waa inuusan dibadda uga bixin meesha quduuska ah, waana inuusan nijaasayn meesha quduuska ah ee Ilaahiisa, waayo, isaga waxaa kor saaran taajkii saliidda subkidda ee Ilaahiisa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

13 Oo isagu waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah.

14 Waa inuusan marnaba guursan carmal, ama naag la furay, ama naag nijaasowday oo dhillo ah, laakiinse waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah oo dadkiisa ka dhalatay.

15 Oo waa inuusan dhashiisa ku dhex nijaasayn dadkiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga isaga quduus ka dhiga.

16 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

17 Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Tan iyo ab ka ab ku alla kii farcankaaga ahu, isagoo iin leh, yuusan u dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

18 Waayo, nin alla ninkuu yahayba, kii iin lahu waa inuusan u soo dhowaan, kaasoo ah ninkii indha la' ama curyaan ah, ama kii sankiisu faruuran yahay, ama jidhkiisu leeyahay wax dheeraad ah,

19 ama ninkii cag jaban, ama gacan jaban,

20 ama kii tuur leh, ama kii cilin ah, ama kii ishiisu iin leedahay, ama kii cambaar qaba, ama kii cadho qaba, ama kii xiniinyihiisu burbureen.

21 Wadaadka Haaruun ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay, oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

22 Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.

23 Laakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

24 Muuse sidaasuu kula hadlay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhanba.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 22

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad iyaga u sheegtaa inay iska soocaan waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil, oo ay ii daahiriyaan, iyo inayan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

3 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Ku alla kii ka mid ah farcankiinna oo dhan tan iyo ab ka ab, hadduu isagoo nijaas qaba u soo dhowaado waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil ay Rabbiga u daahiriyeen, qofkaas hortayda waa in laga gooyaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

4 Oo ku alla kii farcanka Haaruun ka mid ah oo baras qaba, ama dheecaan ka daadanayaa, waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah jeeruu daahir noqdo. Oo ku alla kii taabta wax meyd ku nijaasoobay, ama uu taabta nin shahwaddiisu ka daadatay,

5 ama ku alla kii taabta wax gurguurta oo uu isagu ku nijaasoobo, amase qof isaga nijaaso qabadsiin kara, wax kastoo ay nijaastiisu tahayba,

6 qof alla qofkii waxyaalaha caynkaas ah taabtaa wuxuu nijaas ahaan doonaa tan iyo fiidkii, oo waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah, inuu jidhkiisa biyo ku maydho mooyaane.

7 Oo isna markii qorraxdu dhacdo ayuu daahir noqon doonaa, oo markaas dabadeedna isagu wax ha ka cuno waxyaalaha quduuska ah, maxaa yeelay, taasu waa cuntadiisii.

8 Oo isagu si uusan ugu nijaasoobin waa inuusan innaba cunin wax iska bakhtiyey amase dugaagu bakhtiistay, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

9 Oo sidaas daraaddeed iyagu waa inay amarkayga xajiyaan, waaba intaasoo ay dembi u qaataan taas aawadeed oo ay ku dhintaan haddii ay nijaaseeyaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

10 Oo qof qalaadu waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah, oo qofkii wadaadka la deggan, amase shaqaalihii la soo kiraystay waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah.

11 Laakiinse haddii wadaad qof soo iibsado, kii uu lacagtiisa ku soo iibsaday wax ha ka cuno, oo intii isaga gurigiisa ku dhalatayna cuntadiisa wax ha ka cuneen.

12 Oo wadaad gabadhiis hadday nin qalaad guursato, iyadu waa inayan wax ka cunin qurbaanka sare loo qaado ee waxyaalaha quduuska ah.

13 Laakiinse wadaad gabadhiis hadday carmal tahay, ama la soo furay, oo ayan carruur lahayn, oo ay ku soo noqoto gurigii aabbaheed, oo ay halkaas u joogto sidii waagii ay yarayd, markaas iyadu wax ha ka cunto cuntada aabbaheed, laakiinse qof qalaadu yuusan wax ka cunin.

14 Oo waxa quduuska ah haddii nin kama' ku cuno, intii uu cunay oo shan meelood loo dhigay meesheed ha ku sii daro, oo waxa quduuska ah wadaadka ha u dhiibo.

15 Oo iyagu waa inayan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah ee reer binu Israa'iil oo ay Rabbiga u bixiyaan,

16 si ayan uga dhigin inay iyagu qaataan xumaanta eedda keenta, markay cunaan waxyaalahooda quduuska ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

Qurbaannada Aan La Aqbalaynin

17 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

18 Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah,

19 si laydiinka aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah lo'da, ama idaha, ama orgida.

20 Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo.

21 Oo ku alla kii Rabbiga u bixiyo allabari qurbaanno nabaadiino ah, si uu ku oofiyo nidar amase qurbaan ikhtiyaar ah, si looga aqbalo aawadeed waa inuu ka bixiyaa lo'da ama idaha neef dhan oo aan innaba iin lahayn.

22 Waa inaydaan Rabbiga u bixin ama aydaan ka dhigin qurbaan dab lagu sameeyo oo meesha allabariga loo saaro Rabbiga aawadiis neef indha la', ama mid jaban, ama mid naafo ah, ama mid qoon leh, ama mid cambaar qaba, ama mid cadho qaba.

23 Oo dibi yar ama wan yar miduu yahayba neefkii jidhkiisu wax dheeraad ah leeyahay ama xubnihiisa wax ka dhiman yihiin, kaas qurbaan ikhtiyaar ah waad u bixin kartaa, laakiinse nidar daraaddiis loo aqbali maayo.

24 Waa inaydaan Rabbiga u bixin neef xiniinyihiisa la burburiyey, ama la tumay, ama la jejebiyey, ama laga gooyay, oo waa inaydaan dalkiinna sidaasoo kale ku dhex samayn.

25 Oo kuwaas waa inaydaan ka guddoomin qof shisheeye ah gacantiis oo aydaan ku bixin cuntada Ilaahiinna, maxaa yeelay, iyagu wax kharriban bay leeyihiin, oo iin baa ku taal. Sidaas daraaddeed iyaga innaba laydinka aqbali maayo.

26 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

27 Markii uu dhasho dibi ama wan ama orgi intii toddoba maalmood ah waa inuu hooyadiis ku hoos jiraa, oo maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysana waa loo aqbali doonaa in Rabbiga loogu bixiyo qurbaan dab lagu sameeyo.

28 Oo sac iyo lax toona waa inaydaan ilmaheeda iyo iyada isku maalin gowracin.

29 Oo markaad Rabbiga u bixinaysaan allabari mahadnaqid ah, waa inaad kaas u bixisaan si laydiinka aqbalo.

30 Oo isla maalintaas waa in la wada cunaa, oo waa inaydaan waxba ka reebin tan iyo subaxda dambe, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

31 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo yeeshaan amarradayda, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

32 Waa inaydaan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, laakiinse quduus baan ku dhex ahaan doonaa dadka reer binu Israa'iil, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga,

33 oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado aawadeed, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 23

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo aad naadin doontaan inay ahaadaan shirar quduus ah. Xataa kuwanu waa iidahayga la amray.

Maalinta Sabtida

3 Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba.

Kormaridda Iyo Kibista Aan Khamiirka Lahayn

4 Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ah shirar quduus ah, oo ay tahay inaad naadisaan wakhtigooda la amray.

5 Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii Kormaridda.

6 Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.

7 Oo maalinta kowaad waa inaad shir quduus ah yeelataan. Waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

8 Laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta toddobaad waa shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

Mirihii Ugu Horreeyey

9 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi.

10 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin siinaya markaad gashaan oo aad midhaha goosataan, markaas waxaad wadaadka u keentaan xidhmo ah beergooyska midhihiisa ugu horreeya.

11 Oo isna xidhmada waa inuu ku ruxruxaa Rabbiga hortiisa si laydiin aqbalo, oo maalinta sabtida ka dambaysa wadaadku waa inuu ruxruxaa.

12 Oo maalinta aad xidhmada ruxruxdaan, wan yar oo aan iin lahayn oo gu jira waa inaad Rabbiga ugu bixisaan qurbaan la gubo aawadiis.

13 Oo qurbaankiisa hadhuudhka ahuna waa inuu ahaadaa eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo qurbaankiisa cabniinka ahuna waa inuu ahaadaa khamri, kaasoo ah hiin afar meelood loo dhigay meesheed.

14 Oo waa inaydaan cunin kibis, ama hadhuudh duban, ama sabuullo cusub ilaa isla maalintaas, jeeraad keentaan qurbaankii Ilaahiinna. Kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.

Iidda Todobaadyada

15 Oo maalintii aad keenteen xidhmada qurbaanka la ruxruxo, oo ah maalinta ka dambaysa sabtida, waxaad ka tirsataan toddoba toddobaad oo kaamil ah.

16 Oo waxaad tirsataan konton maalmood ilaa maalinta ka dambaysa sabtida toddobaad, oo dabadeedna waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan hadhuudh cusub ah.

17 Oo waa inaad rugihiinna ka keentaan laba kibsood oo ah qurbaan la ruxruxo, oo ah eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood, oo waa inay bur ahaadaan, oo waa in khamiir lagu dubaa oo Rabbiga loogu keenaa qurbaan midhaha ugu horreeya.

18 Oo waxaad kibista la keentaan toddoba wan oo yaryar oo aan iin lahayn oo wada gu jira, iyo dibi yar, iyo laba wan oo waaweyn, oo waa inay Rabbiga u ahaadaan qurbaan la gubo, oo waxaad iyaga la keentaan qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahba, kuwaasoo wada ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.

19 Oo waa inaad bixisaan orgi qurbaan dembi ah iyo laba wan oo yaryar oo gu jira oo ah allabari qurbaanno nabaadiino ah.

20 Oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo iyaga ugula ruxruxaa kibista midhaha ugu horreeya oo raacda labada wan oo yaryar, oo iyagu quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan wadaadka aawadiis.

21 Oo isla maalintaas waa inaad naadisaan inuu shir quduus ah idiin jiri doono, oo waa inaydaan dharaartaas shuqul adag qaban, waayo, kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.

22 Oo markaad beeraha dhulkiinna goosataan waa inaydaan dhammaan wada goosan midhaha ku yaal beertiinna geesaheeda, oo weliba waa inaydaan wada urursan xaaxaabka beergoosadkiinna; waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

Iidda Buunanka

23 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

24 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bisha toddobaad maalinteeda kowaad waxay idiin ahaan doontaa nasasho weyn oo ah buunafuufid xusuus ah, iyo shir quduus ah.

25 Oo innaba waa inaydaan shuqul adag qaban, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.

Maalintii Kafaaraggudka

26 Markaasa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

27 Habase yeeshee bishan toddobaad maalinteeda tobnaad waa maalinta kafaaraggudka. Oo waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan; oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.

28 Oo isla maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, waayo, taasu waa maalintii kafaaraggudka in kafaaraggud laydiinku sameeyo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

29 Oo qof kasta ha ahaadee kii aan maalintaas la dhibin, dadkiisa waa in laga gooyaa.

30 Oo qof kasta ha ahaadee kii maalintaas wax shuqul ah qabtaa cayn kastoo uu yahayba, qofkaas ayaan ka dhex baabbi'in doonaa dadkiisa.

31 Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, oo kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.

32 Oo dharaartaasu waxay idiin ahaan doontaa sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Oo bisha maalinteeda sagaalaad waa inaad dhawrtaan sabtidiinna tan iyo fiid ilaa ka fiid.

Iiddii Waababka

33 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

34 La hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba maalmood Rabbiga loo iidaa.

35 Maalinta kowaad waa inay shir quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.

36 Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah.

37 Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.

38 Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan.

39 Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn.

40 Oo maalinta kowaad waxaad soo qaadataan midhaha dhirta wanaagsan, iyo laamo cawbaar ah, iyo dhir waaweyn laamaheed, iyo safsaafka durdurka, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku rayraysaan intii toddoba maalmood ah.

41 Oo sannaddiiba toddoba maalmood waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan.

42 Intii toddoba maalmood ah waa inaad waabab ku hoyataan, oo kulli reer binu Israa'iilka waddaniga ah oo dhammu waa inay waabab ku hoydaan,

43 si farcankiinna dambe u ogaado inaan reer binu Israa'iil waabab ku hoyiyey markaan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

44 Oo Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 24

Saliidda Iyo Rootiga La Dhigo Rabbiga Hortiisa

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafiya oo saytuun ah oo loo tumay laambadda, in laambad lagu shido had iyo goorba.

3 Oo daaha markhaatiga dibaddiisa oo teendhada shirka gudaheeda ah Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa had iyo goorba ku hagaajiyaa tan iyo fiidkii iyo ilaa subaxdii, oo kaasu waa inuu ahaadaa qaynuun weligiis idiin jiri doona tan iyo ab ka ab.

4 Oo isagu waa inuu had iyo goorba laambadaha ku kor hagaajiyaa laambadda saafiga ah oo Rabbiga hortiisa taal.

5 Oo waa inaad bur soo qaadataa, oo aad ka dubtaa laba iyo toban xabbadood oo kibis ah, oo xabbaddiiba waa inuu eefaah toban meelood loo dhigo labadiis meelood ku jiraa.

6 Oo waa inaad laba saf u dhigtaa oo safkiiba waxaad ka dhigtaa lix xabbadood, oo waxaad saartaa miiska saafiga ah oo Rabbiga hortiisa yaal.

7 Oo saf kastaba waxaad ku shubtaa foox saafi ah, si uu kibista ugu noqdo xusuus, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

8 Oo isagu had iyo goorba sabti kasta waa inuu Rabbiga hortiisa ku hagaajiyaa; waayo, kaasu wuxuu reer binu Israa'iil u yahay axdi weligiis ah.

9 Oo kibistaas waxaa iska yeelan doona Haaruun iyo wiilashiisa, oo waa inay meel daahir ah ku cunaan, waayo, taasu isaga waa ugu wada quduusan tahay qurbaannada Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo qaynuun weligiis ah loo amray.

Nin Caytamay Oo La Dhagxiyey

10 Oo naag reer binu Israa'iil ah wiilkeed, oo aabbihiis uu Masri ahaa ayaa reer binu Israa'iil dhex galay, oo wiilkii naagta reer binu Israa'iil iyo nin reer binu Israa'iil ah ayaa xerada dhexdeedii ku diriray.

11 Markaasaa naagtii reer binu Israa'iil wiilkeedii magicii Rabbiga caayay oo habaaray, oo isagii waxaa loo keenay Muuse. Oo wiilkaas hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Shelomiid ina Dibrii, waxayna ahayd qabiilka Daan.

12 Oo isagiina way xidheen ilaa xukunkiisu ka soo baxo afka Rabbiga.

13 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

14 Kii caytamay xerada ka soo bixi, oo intii isaga maqashay oo dhammu gacmahooda madaxiisa ha kor saareen, oo dabadeedna ururka oo dhammu ha dhagxiyeen.

15 Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa.

16 Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa.

17 Oo ku alla kii qof kale dila, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa.

18 Oo ku alla kii neef xoolo ah dilaana waa inuu magaa, oo neef neef ku gudaa.

19 Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa.

20 Jabniin jabniin ha ku mago, ilna il ha ku mago, iligna ilig ha ku mago, oo isagu siduu qofka wax u yeelay, saasoo kale isagana ha loo yeelo.

21 Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.

22 Oo waa inaad sharci qudha u haysataan shisheeyaha iyo waddanigaba, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

23 Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil, oo iyana waxay xerada ka soo bixiyeen kii caytamay, oo way dhagxiyeen. Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 25

Sannadka Toddobaad

1 Markaasa Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay oo wuxuu ku yidhi,

2 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa.

3 Lix sannadood waa inaad beertaada beerataa, oo lix sannadoodna waa inaad beertaada canabka ah baarka ka jartaa, oo midhaheedana waa inaad soo xeraysataa.

4 Laakiinse sannadda toddobaad waa inay dhulka u ahaataa sabti nasasho weyn ah, oo taasu waa sabti Rabbiga loo dhawro, oo waa inaadan beertaada beeran, ama aadan beertaada canabka ah baarka ka jarin.

5 Oo sannaddaas wixii beertaada ka baxa iyagoo aan la beerin waa inaadan guran, oo canabkaaga aan la hagaajin midhiihii ka baxana waa inaadan urursan, waayo, sannaddaasu waa inay dhulka u ahaataa nasasho weyn.

6 Oo dhulka sabtidiisu cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba,

7 iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil.

Sannadka Kontonaad

8 Oo waa inaad tirsataa toddoba sabtiyood oo sannado ah, taasu waxa weeyaan toddoba meelood oo toddoba sannadood ah; oo toddoba sabtiyood oo toddoba sannadood ah wakhtigoodu wuxuu kuu ahaan doonaa sagaal iyo afartan sannadood.

9 Oo dabadeedna waa inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad buun dhawaajisaa, oo maalinta kafaaraggudka waa inaad dalkiinna oo dhan buun ka dhawaajisaan.

10 Oo waa inaad sannadda kontonaad quduus ka dhigtaan, oo dhammaan dadka dalka deggan oo dhan waxaad u naadisaan xorriyad, oo sannaddaasu waxay idiin ahaan doontaa wakhti yubilii ah; oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii, oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa qoladiisii.

11 Oo sannaddaas kontonaad wuxuu idiin ahaan doonaa wakhti yubilii ah, oo waa inaydaan waxba beeran, ama aydaan goosan wixii beertiinna iskood uga baxa, ama aydaan soo urursan canabka ka baxa geedcanabka oo aan la hagaajin.

12 Waayo, sannaddaasu waa wakhti yubilii ah, oo waa inay idiin ahaataa mid quduus ah; oo waxaad cuni doontaan midhaha berrinka iskood uga baxa.

13 Oo sannaddaas yubilii ah midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii.

14 Oo haddaad deriskaaga wax ka iibisid, ama haddaad gacanta deriskaaga wax ka iibsatid, waa inaan midkiinna midka kale dulmin.

15 Oo sannadaha wakhtiga yubilii ah ka dambeeya siday tiradoodu tahay waa inaad deriskaaga wax uga iibsataa, oo isna wax ha kaaga iibiyo siday tahay sannadaha wax la goosto.

16 Oo waa inaad qiimaha u kordhisaa sida sannaduhu u badan yihiin, oo waa inaad qiimaha u dhintaa sida sannaduhu u yar yihiin, waayo, isagu wuxuu wax kaaga iibin doonaa sida ay tahay tirada sannadaha wax la goosanayo.

17 Waa inaan midkiinna midka kale dulmin; laakiinse waxaad ka cabsataan Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

18 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad qaynuunnadayda yeeshaan, oo aad xukummadaydana dhawrtaan oo yeeshaan, oo markaasaad dalka ammaan ku degganaan doontaan.

19 Oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, oo waxaad cuni doontaan wax aad ka dheregtaan, oo dalkana ammaan baad ku degganaan doontaan.

20 Oo haddaad istidhaahdaan, Bal maxaynu sannadda toddobaad cuni doonnaa? Waayo, waxba ma aynu beeran doonno, oo soomana urursan doonno midhaheenna,

21 markaas anigu sannadda lixaad ayaan barakadayda idiin amri doonaa, oo waxaa dhulka idiinka soo bixi doona midho saddex sannadood ku filan.

22 Oo sannadda siddeedaadna wax baad beeran doontaan, oo waxaad cuni doontaan midhihii hore, oo tan iyo ilaa aad midhaha sannadda sagaalaad soo xeraysataan waxaad iska cuni doontaan midhihii hore.

23 Oo dalkana waa inaydaan hanti weligeed ah u iibin, waayo, dalka anigaa iska leh, oo idinna waxaad tihiin shisheeyayaal iyo socoto ila jooga.

24 Oo dalka aad hantida u leedihiin oo dhan waxaad dhulka uga oggolaataan furasho.

25 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo oo uu hantidiisa qaar iibiyo, markaas xigaalkiisa ugu dhow ha yimaado, oo ha u furto wixii walaalkiis iibiyey.

26 Oo nin hadduusan lahayn qof isaga u furta, laakiinse uu mar dambe helo wax ku filan inuu dhulkiisii ku soo furto,

27 markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.

28 Laakiinse hadduusan soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa.

29 Oo qof hadduu iibiyo guri lagu hoydo oo magaalo deyr leh ku yaal, markaas intii sannad dhan ah wuu soo furan karaa gurigiisii uu iibiyey, waayo, sannad dhan ah wuxuu xaq u leeyahay inuu soo furto.

30 Oo haddaan la soo furan intii sannad dhan ah, markaas gurigii magaalada deyran ku yiil waa inuu weligii hanti u ahaadaa qofkii iibsaday, oo tan iyo ab ka ab isagaa iska leh, oo sannadda yubilii ahna gacantiisa ka bixi maayo.

31 Laakiinse guryaha ku dhex yaal tuulooyinka aan lahayn deyr ku wareegsan ha lagu tiriyo beeraha duurka ku yaal, oo iyaga waa la soo furan karaa, oo sannadda yubilii ahna gacanta kii iibsaday way ka bixi doonaan.

32 Habase yeeshee magaalooyinka reer Laawi saas ma aha, oo reer Laawi mar kasta way soo furan karaan guryaha ku dhex yaal magaalooyinka ay iyagu hantida u leeyihiin.

33 Oo mid reer Laawi ahu hadduu soo furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil.

34 Laakiinse waa inaan la iibin beertii ku taal agagaarka magaalooyinkooda, waayo, taasu waa hantidooda weligeed ah.

35 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo, oo intuu ku ag joogo masruufkiisa waayo, adigu waa inaad taageertaa, oo isagu waa inuu kuula degganaado sidii shisheeye iyo nin socoto ah.

36 Oo waa inaadan isaga ka qaadan korsocod ama wax dheeraad ah toona, laakiinse Ilaahaaga ka cabso, oo walaalkaa ha kula degganaado.

37 Oo waa inaadan lacagtaada korsocod ku deymin, ama aadan quudkaaga u siin si aad wax dheeraad ah kaga qaadatid.

38 Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inaan idin siiyo dalka Kancaan oo aan Ilaah idiin noqdo aawadeed.

39 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale,

40 laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah,

41 oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis.

42 Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo.

43 Waa inaadan cadaadis ugu talin, laakiinse Ilaahaaga ka cabso.

44 Oo ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah.

45 Oo weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan doonaan hantidiin.

46 Oo iyaga waa inaad dhaxal uga dhigtaan carruurtiinna idinka dambaysa, si ay iyana hanti ahaan ugu haystaan; oo iyagu waa kuwa aad weligiin addoommo ka dhiganaysaan, laakiinse walaalihiinna reer binu Israa'iil waa inaan midkiinna midka kale cadaadis ugu talin.

47 Oo haddii shisheeye ama socoto kula joogo uu taajir noqdo, oo walaalkaana uu agtiisa miskiin ku noqdo oo uu markaas iska iibiyo shisheeyaha ama socotada kula jooga amase shisheeyaha qoladiisii,

48 markii la iibiyo dabadeed waa la soo furan karaa. Walaalihiis mid ka mid ahu waa soo furan karaa,

49 ama adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa, amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa.

50 Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto.

51 Oo haddii sannado badanu ay weli dhiman yihiin, inta ay yihiin oo kale iyaga ha uga celiyo qiimihii furashadiisa oo ha uga bixiyo lacagtii lagu iibsaday.

52 Laakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa.

53 Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.

54 Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba.

55 Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 26

Abaalmarintii Addeecidda

1 Waa inaydaan sanamyo samaysan, ama aydaan qotonsan ekaan la qoray amase tiir, oo waa inaydaan dalkiinna dhagax la qoray u dhex dhigin inaad u sujuuddaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

2 Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.

3 Haddaad qaynuunnadayda ku socotaan, oo aad amarradayda dhawrtaan oo yeeshaan,

4 markaasaan roobkiinna idin siinayaa xilligiisa, oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, dhirta duurkuna midhahooday dhali doonaan.

5 Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan.

6 Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto.

7 Oo idinku cadaawayaashiinnaad eryan doontaan, oo iyana hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan.

8 Oo shan idinka ahu boqol nin bay eryan doonaan, oo boqol idinka ahuna toban kun oo nin bay eryan doonaan, oo cadaawayaashiinnuna hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan.

9 Oo anigu waan idiin soo jeesan doonaa, waanan idin badin doonaa oo idin tarmin doonaa, oo axdigaygii aan idinla dhigtayna waan sii adkayn doonaa.

10 Oo waxaad cuni doontaan midhihii hore oo aad wakhti dheer kaydsateen, oo waxaad soo bixin doontaan midhihii hore si aad kuwa cusub meel ugu heshaan.

11 Oo anna taambuuggaygaan idinka dhex dhisan doonaa, oo naftayduna idinma karhi doonto.

12 Oo dhexdiinnaan ku socon doonaa, oo Ilaahiinnaan ahaan doonaa, oo idinkuna dadkaygaad ahaan doontaan.

13 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo idiinka soo bixiyey dalkii Masar si aydaan u sii ahaan addoommadoodii. Qataarradii harqoodkiinna waan idinka jebiyey, oo waxaan idinka dhigay inaad madaxfurnaan ku socotaan.

Ciqaabtii Caasiyiinta

14 Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan oo dhan wada yeelin,

15 iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan,

16 markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna.

17 Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn.

18 Oo weliba haddaydnan waxyaalahaas daraaddood ii dhegaysan, haddana toddoba jeer oo kale ayaan dembiyadiinna aawadood idiin edbin doonaa.

19 Waanan jebin doonaa kibirka xooggiinna, oo samadiinnana waxaan ka dhigi doonaa sida bir oo kale, dhulkiinnana sida naxaas oo kale.

20 Oo xooggiinnuna waxtarla'aan buu idinkaga dhammaan doonaa, waayo, dhulkiinnu midho ma dhali doono, oo dhirta dalka ku taalna midho kama soo bixin doonaan.

21 Oo haddaad i sii caasisaan oo aydaan i dhegaysan, toddoba jeer oo kale ayaan belaayo idiinku soo dejin doonaa siday dembiyadiinnu yihiin.

22 Oo waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa dugaagga duurka, kuwaasoo carruurtiinna idinka dhifan doona, oo xoolihiinna baabbi'in doona, oo idin kala yarayn doona, oo jidadkiinnuna cidla bay noqon doonaan.

23 Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan,

24 markaas aniguna gees baan idinka ahaan doonaa oo waan idin layn doonaa, xataa toddoba jeer ayaan dembiyadiinna aawadood idiin layn doonaa.

25 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan.

26 Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan.

27 Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan, illowse aad i sii caasisaan,

28 markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa.

29 Oo waxaad cuni doontaan hilibka wiilaashiinna, oo waxaad cuni doontaan hilibka gabdhihiinna.

30 Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa.

31 Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono.

32 Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan.

33 Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.

34 Oo markaasaa dalku sabtiyadiisa ku raaxaysan doonaa intuu cidla yahay oo idinku aad joogtaan dalka cadaawayaashiinna oo dhan; oo wakhtigaas oo dhan dalku wuu iska nasan doonaa, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa.

35 Oo dalku intuu cidla yahay oo dhan wuu iska nasan doonaa, nasashadaas oo ah mid uusan sabtiyadiinna helin markaad degganaydeen.

36 Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan.

37 Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad cadaawayaashiinna isku hor taagtaan.

38 Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.

39 Oo intii idinka hadhana iyagoo dalka cadaawayaashiinna jooga ayay xumaatadooda u dulloobi doonaan, oo weliba xumaatooyinkii awowayaashoodna ayay u dulloobi doonaan.

40 Wayna qiran doonaan xumaatadoodii iyo xumaatadii awowayaashood, iyo xadgudubkii ay igu xadgudbeen, iyo weliba caasinimadii ay igu caasiyeen

41 oo aan aawadeed iyaga gees uga noqday, oo aan dalkii cadaawayaashooda u geeyey. Markaas hadday qalbigooda buuryoqabka ah hoosaysiiyaan, oo ay aqbalaan taqsiirta xumaatadooda,

42 ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa.

43 Oo iyagu dalka way ka tegi doonaan, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa intuu cidla yahay oo iyagu ay ka maqan yihiin oo dhan; oo iyaguna way aqbali doonaan taqsiirta xumaatadooda, maxaa yeelay, way diideen xukummadaydii, oo naftooduna qaynuunnadayday karahday.

44 Laakiinse in kastoo ay saas sameeyeen anigu intay dalka cadaawayaashooda joogaan oo dhan iyaga diidi maayo, karhina maayo, wada baabbi'inna maayo, oo axdigaygii aan la dhigtay jebin maayo, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahooda ah.

45 Laakiinse iyaga daraaddood ayaan u xusuusan doonaa axdigii aan la dhigtay awowayaashood, kuwaasoo aan, iyadoo ay quruumuhu u jeedaan, dalkii Masar uga soo bixiyey si aan iyaga Ilaah ugu ahaado, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

46 Kuwaasu waa qaynuunnadii iyo xukummadii iyo sharciyadii uu Rabbigu u dhexaysiiyey isaga qudhiisa iyo reer binu Israa'iil oo uu Muuse ugu soo dejiyey Buur Siinay.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 27

Qiimaynta Waxa Rabbiga

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin nidar galo, qofafka waa inay Rabbiga ugu ahaadaan sidaad ugu qiimaysa.

3 Oo inta labka ah oo jirta labaatan sannadood iyo ilaa lixdan sannadood qiimayntooda aad qiimayso waa inay ahaataa konton sheqel oo lacag ah oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

4 Oo qofku hadduu dhaddig yahayna markaas qiimayntaadu ha ahaato soddon sheqel.

5 Oo qofku hadduu shan sannadood jiro iyo ilaa labaatan sannadood, markaas kii lab waxaad ku qiimaysaa labaatan sheqel, oo tii dhaddigna waxaad ku qiimaysaa toban sheqel.

6 Oo haddii qofku jiro bil iyo ilaa shan sannadood, markaas qofkii lab waxaad ku qiimaysaa shan sheqel oo lacag ah, tii dhaddigna waxaad ku qiimaysaa saddex sheqel oo lacag ah.

7 Oo haddii qofku lixdan jir yahay amase ka sii weyn yahay, hadduu lab yahay waxaad ku qiimaysaa shan iyo toban sheqel, hadduu dhaddig yahayna waxaad ku qiimaysaa toban sheqel.

8 Laakiinse qofku hadduu ka miskiinsan yahay intaad ku qiimaysay, markaas waa in la soo taagaa wadaadka hortiisa, oo wadaadku waa inuu qiimeeyaa, oo qofkii nidarka galay intuu awoodo waa in wadaadku ku qiimeeyaa.

9 Oo neef Rabbiga qurbaan loogu bixiyo hadduu yahayna, wax alla wixii qofi Rabbiga saas ugu bixiyaa quduus bay ahaan doonaan.

10 Oo isagu waa inuusan doorin, ama waa inuusan neef fiican mid xun ku beddelin, ama neef xun mid fiican ku beddelin, oo hadduu neef neef kale ku beddelo, markaas neefkii hore iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan.

11 Oo neefku hadduu yahay neef nijaas ah oo aan Rabbiga qurbaan loogu bixin, markaas isagu neefka ha soo taago wadaadka hortiisa,

12 oo wadaadku ha qiimeeyo, hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo adiga wadaadka ahu intii aad ku qiimayso waa inay ahaataa.

13 Laakiinse isagu hadduu doonayo inuu furto, waa inuu ku sii daraa intii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed.

14 Oo haddii qof doonayo inuu gurigiisa quduus uga dhigo Rabbiga, markaas wadaadku waa inuu qiimeeyaa hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo sidii wadaadku ku qiimeeyo ha ahaato.

15 Oo kii quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu gurigiisii soo furto, markaas ha ku sii daro lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, markaas isagaa lahaan doona.

16 Oo haddii nin doonayo inuu Rabbiga quduus uga dhigo qaar ka mid ah beertuu leeyahay, markaas waxaad ku qiimaysaa inta abuurkeedu dhan yahay; xomeer muggiis oo shaciir abuur ah waa in lagu qiimeeyaa konton sheqel oo lacag ah.

17 Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.

18 Laakiinse hadduu beertiisa quduus ka dhigo sannadda yubilii ah dabadeed, markaas wadaadku waa inuu lacagta u xisaabaa intay yihiin sannadaha ka dhiman sannadda yubilii ah, oo intaad ku qiimaysayna waa in wax laga sii dhimaa.

19 Oo kii beerta quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu soo furto markaas waa inuu ku sii daraa lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo dabadeedna mar labaad buu mulkin doonaa.

20 Laakiinse hadduusan doonayn inuu beerta soo furto, ama hadduu beerta nin kale ka iibiyey, markaas mar dambe waa inaan la soo furan,

21 laakiin beertu markay wareegto sannadda yubilii ah, waxay quduus u ahaan doontaa Rabbiga sidii beer isaga loo soocay, hantideedana waxaa yeelan doona wadaadka.

22 Oo hadduu Rabbiga quduus uga dhigo beer uu soo iibsaday oo aan ahayn beerta hantidiisa ah,

23 markaas wadaadku waa inuu xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u ah.

24 Oo sannadda yubilii ahna beertu waxay u noqon doontaa kii laga soo iibsaday, kaasoo ah kii dhulka hanti u leh.

25 Oo waxa aad wax ku qiimayso oo dhammu waa inay waafaqsanaadaan sheqelka meesha quduuska ah, oo sheqelku waa inuu ahaadaa labaatan geeraah.

26 Laakiinse xayawaanka curadkooda Rabbiga gooni ahaanta loogu soocay ninna waa inuusan quduus ka dhigin, hadduu dibi yahay iyo hadduu ido yahayba, waayo, waxaa iska leh Rabbiga.

27 Oo hadduu yahay neef nijaas ah markaas isagu waa inuu ku furtaa intii aad ku qiimayso, oo weliba waa inuu ku sii daraa intaas oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo haddaan la soo furanna waa in lagu iibiyaa intii aad ku qiimayso.

28 Habase yeeshee wixii gooni loo sooco, oo qof waxyaalihiisa oo dhan Rabbiga uga sooco, hadday waxaasu yihiin qof, ama neef, ama beerta hantidiisa ah, waa inaan innaba la iibin ama la furan, waayo, wax kasta oo gooni loo sooco waa wax Rabbiga ugu wada quduusan.

29 Oo qof alla qofkii gooni loo sooco oo dadka laga sooco oo dhan waa inaan innaba la soo furan, laakiinse hubaal waa in la dilaa.

30 Oo meeltobnaadka waxa dalka ka baxa oo dhan hadday yihiin dhulka iniinihiisa ama hadday yihiin midhaha dhirtaba, Rabbigaa iska leh, oo waa wax Rabbiga quduus u ah.

31 Oo haddii qof doonayo inuu wax meeltobnaadkiisii ah furto waa inuu ku daraa waxaas oo shan meelood loo dhigay meeshood.

32 Oo kulli meeltobnaadka lo'da ah ama kan adhiga ah oo dhan, wax alla wixii lagu tiriyo ee hoos maro usha adhijirka, meeltobnaadku waa inuu Rabbiga quduus u ahaadaa.

33 Oo neefkaasu inuu xun yahay iyo inuu fiican yahay, isagu waa inuusan kala hubsan, waana inuusan beddelin, oo kolnaba hadduu beddelo, markaas isagii iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan ee aan la soo furan.

34 Kuwanu waa amarradii Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay.

^ Dib u celi bilawga