Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Ilaahow na tilmaanoo

Ilaahow na tilmaanoo taada uun ha ahaato
Ilaahow aan tanaadnee mu'miniinta tayee.
Ilaahow taladeenniyo tacabkeenna wanaaji
Ilaahow nagu toosi tubta khayrku ku yaal.
Masiixiyiin isku tiirsan xaqa aan ka tageynin
Tukadaannu nahee na taabsii naxariis.
Taageeraad fidisaayoo dadka waad u turtaaye
Tuugmadeenna ajiiboo yaannan toobadda seegin.
Ilaahow hana tuurin Sayidka aan u tagnee
Ibliiskii la takooray tuuggu yuusan na leexsan.
Qofkii tiisa ku raaca wuu taxaabanayaaye
Turxaan yaanan u yeelanoo tukuhu yuusan na feenan.
Aadan buu tafantaafay tuhun buu gashey Xaawo
Tarankii ay dhaleenna tobanba meel u kaxaysay.
Wadda meel xun tageysiyo toorayaal u samee
Tabcadiisiyo xeesha Ilaahow kala tuur