Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

MACNAHA ERAYO MASIIXIYADDA KU SAABSAN:

ENGLISH-SOMALI THEOLOGICAL TERMS

MAHADCELIN: Waxaa mahadsan abwaanka la odhan jirey Dr. Bogumil Witalis Andrzejewski “Macallin Guush” oo erayo diimeedkan taladiisa ka dhiibtey markii ugu horreysey ee la diyaarinayey 1992.

ASCENSION: Sare u bixid ama samada aadid. Ciise wuxuu aaday samada ama samada ayaa loo qaaday iyadoo ay xertiisu arkayaan, halkaas ayuuna kasoo laaban doonaa. Waxaa daliil ah in Ciise Masiix waa Boqorka Adduunka oo si kaamil ah ayuu dhammeeyay hawsha madaxfurashada (Sabuurka 110:1Luukos 24:50-53; Yooxanaa 6:62; Falimaha Rasuullada 1:6-11, 2:33; Efesos 1:20-21, 4:10; Cibraaniyada 1:3).

ALTAR: Meesha allabbariga, waaqdhaca ama qurbaanka lagu gawraco. Wakhtigii Axdigii Hore dadku marka ay neef allabbari u bixinayaan, waxay u dhisi jireen meel laga sameeyey dhagxaan iyo qoryo la is dul saarsaaray. Meeshaas ayaanay neefka ku gawrici jireen (Bilowgii 8:20; Baxniintii 17:15; Sharciga Kunoqoshadiisa 27:6; Matayos 5:23; Luukos 11:15; Yacquub 2:2).

ALMS: Sadaqo, oo ah hantidaada oo aad wax ka bixinayso adiga siinaya qof u baahan. Sadaqada waxaad siin kartaa qof u baahan ama kiniisaddaba (Sharciga Kunoqoshadiisa 15:11; Sabuurka 112:9; Luukos 21:1-4; Falimaha Rasuullada 20:35).

ALMIGHTY: Qaadirka, waa Ilaaha qaadirka ah ee abuuray wax kasta. Isaga ayaana leh wax kasta, mana baahdo, waayo wax kasta isagaa leh (Bilowgii 17:1; Samuu'eel Labaad 5:10; Rooma 9:29; Muujintii 11:17).

ANTICHRIST: Ka kasoo horjeeda Masiixa. Wuxuu noqon karaa mid iman doona oo Shayddaanku adeegsanayo oo la dagaalami doona Masiixa. Mararka qaarkood wuxuu Baybalku ugu yeedhaa "Ninka dembiga ah ama wiilka hallaaga" (1 Yooxanaa 2:18,22; 2 Yooxanaa 1:7; 2 Tesaloniika 2:3).

ANNOINT: Subko, subkid, subkaday. Dadka Ilaah doortay waxaa loogu subki jiray saliid, iyadoo taasi tusi jirtay inay quduus yihiin ama loo doortay jago sida nebi ama boqor (Baxniintii 28:41;40:13; Boqorradii Labaad 9:3).

ANGEL: Malag, malaa'igtu. Waa farriin-wadayaal Ilaah, inta badan lamana arki karo waayo iyagu jidh ma leh oo waa ruux (Bilowgii 16:7; Tirintii 20:16; Samuu'eel Labaad 24:16; Matayos 1:20; Luukos 1:26).

APOSTLE: Rasuul. Waa qof markhaati kaca hawsha Ciise Masiix markii ayuu dunida joogay oo farriinwade. Waxaana doorta Ilaah sidii rasuul Bawlos iyo labiyo tobankii xerta ahaa ee Ciise Masiix (Rooma 1:1,5; 1 Korintos 1:1, 9:1, 12:28; 2 Butros 1:1).

ATONEMENT: Kafaaraggud. Ereygan waxaa loola jeedaa midayn taasoo laba wax oo kala fogaa la midaynayo. Ciise ayaa ahaa kafaaraggud, waayo wuxuu mideeyey Ilaah iyo dadka oo dembiileyaal ahaa. Taasina waxay dhacday markii uu iskutallaabta ugu dhintay dembiyadeenna daraaddood (Baxniintii 29:30,37; Laawiyiintii 1:4;5:10; Rooma 3:25; Cibraaniyada 2:17;9:5).

ATHEISM: Ilaah inkirid ama mulxidnimo. Waa caqiido diidan jiritaanka Ilaah, laakiinse aaminsan inay wax walba bii’addu keentay.

BAAL: Waa magaca ilaah sanam ah “Bacal” oo dadkii Bariga Dhexe ku noolaa ay caabudi jireen, gaar ahaan reer Kancaan (Sharciga ku Noqoshadiisa 4:3; Xaakinnada 6:32; Boqorradii Kowaad 18; Rooma 11:4).

BAPTISM: Maquurin/baabtiis. Waa calaamad ay dadka Masiixiyiinta ah ay sameeyaan marka qofku noloshiisa u hibeeyo Ciise Masiix, ama uu isaga rumeeyo, taasoo qofka biyo la maquuriyo, lagana soo saaro. Iyadoo laga wado in qofka noloshiisii hore ee dembiga lahayd la duugey, haddana uu bilaabayo nolol cusub oo uu Ciise Masiix saldhig u yahay (Luukos 12:50; Rooma 6:4; Kolosay 2:12).

BELIEVER: Muuminka. Qofka rumaysan jidka xaqa ah ee Ciise Masiix, oo aaminayaa in badbaadadiisa keliya ka salaysan tahay hawsha Sayid Ciise Masiix, weliba addeecana amarradiisa (Falimaha Rasuullada 16:1; Rooma 10:9-13; 2 Korintos 6:15; 1 Yooxanaa 5:1-5).

BIBLE: Kitaabka Quduuska ah ama Erayga Ilaah. Kitaabka Masiixiyiinta waxaa loogu yeeraa Baybal, ereygaasoo ka yimid af Giriig “bibliyos” micnihiisuna yahay buug. Wuxuuna u kala baxaa laba qaybood, Axdigii Hore oo ah; kitaabadii Tawreedka, Sabuurrada iyo kitaabadii ay qoreen nebiyadii reer banii-Israa'iil. Iyo Axdiga Cusub oo ah Injiilka Sayid Ciise Masiix iyo warqadaha ay qoreen rasuullada (Luukos 24:44-45; 2 Timoteyos 3:14-17; 2 Butros 1:16-21).

BLESSING: Barako, ama kaalmo uu Ilaah ina kaalmaynayo. Rabbigu mar kasta wuu la jiraa wuuna kaalmeeyaa kuwa isaga la rumaysan ama ka cabsada (Bilowgii 27:4; Tirintii 6: 24-27; Sabuurka 103:4; Maahmaahyadii 10:22; Rooma 10:12). Inkastoo qayb ka mid ah barako waa wax la taaban karo, barako ugu muhiim waa dhanka ruux, weliba ku xiran rumaysadka Ciise Masiix (Rooma 4:1-8; Efesos 1:3-14).

BREAD: Rootiga kaasoo laga sameeyey qamadi/sarreen, mararka qaarkood waxaa Baybalku ugu yeeraa kimis (kibis). Ciise Masiix ayaa jidhkiisii isku-tallaabta lagu qodbay daraaddeen ku masaaley rooti/kibis aynu inagu cunay, taasna waxaa loogu yeedhaa “Cashada Rabbiga” (Matayos 26:26; 1 Korintos 11:23-34) . Marmarna isaga ayaaba isugu yeedha “Kibista Nolosha” (Yooxanaa 6:26-59).

BLASPHEMY: Caayid, ama ku xadgudbid lagu xadgudbayo magaca Ilaah, iyadoo aan la siinayn sharaftii iyo weynaantii uu mudnaa. Waa ku dheeldheelid ama ku kajamid magaca Ilaah (Baxniintii 22:28; Yexesqeel 20:27; Muujintii 13:6).

BOOK OF LIFE: Kitaabka Nolosha. Waxaa og Ilaahay, Isaga ayaana leh, waana buug ay ku qoran yihiin dhammaan kuwa nolosha weligeed ah lehi. Qofkii magaciisa laga waayo buuggaas waxaa lagu tuurayaa dab aad u holcaya ama u ololaya (Yooxanaa 20:30; Filiboy 4:3; Muujintii 3:5, 13:8, 20:15, 21:27).

CHURCH: Kiniisadda. Waa guriga Ilaahay. Inkastoo dadka qaarkiis ay kiniisadda u yaqaaniin dhismaha laftiisa, laakiin kiniisadda dhab ah waa dad badan oo Ciise Masiix rumaysan oo isku meel wax ku caabudaya (Matayos 16:18; Falimaha Rasuullada 5:11; Efesos 1:23; 1 Timoteyos 3).

CHRIST: Magaca Masiix loogu yeedho afka Giriigga “Kiristoos” (Yooxanaa 4:25). (Matayos 1:1; 16:16; Luukos 22:67).

CHRISTIAN: Masiixiyiinta, Kirishtaanka. Waa kuwa raacay Ciise Masiix, magacani wuxuu soo baxay markii uu Ciise Masiix samada aaday kaddib (Falimaha Rasuullada 11:26, 26:28; 1 Butros 4:16).

CIRCUMCISION: Gudniinka. Markii uu Ibraahim rumeeyay Ilaahay, Ilaahay ayaa wuxuu ku amray inuu is gudo isaga iyo carruurtiisa, taasoo calaamad u ahayd in uu Ilaahay doortay isaga, reer banii-Israa'iilna sidaas oo kale ayay samayn jireen. Laakiin Ciise Masiix wuxuu Masiixiyiinta u sheegay in hadday rumaysad la yimaadaan uu Ilaahay doortay iyaga, oo aan loo baahnayn gudniin iyadoo loola jeedo calaamad doorasho (Bilowgii 17:11; Falimaha Rasuullada 7:8; Rooma 2:29; Galatiya 5:1-13; Kolosay 2:11).

COMMUNION: Cashada Rabbiga. Waa cashadii ugu dambeysey ee uu Sayid Ciise la cunay xertiisa, Isagoo siiyey rooti iyo cabitaan laga sameeyay canab, oo ka dhignaa jidhkiisii iyo dhiiggiisii. Wuxuu kaloo iyaga u sheegay inay sidaas oo kale sameeyaan mar kasta oo ay awoodaan si ay isaga u soo xusuustaan, Masiixiyiinta oo dhammina way sameeyaan sidaas ilaa iyo maanta (Matayos 23:30; Luukos 5:10; 1 Korintos 11:23-27; Cibraaniyada 10:33).

CONFESSION: Qirasho. Waa qirasho aad Ilaahay u qiranayso dembiyadaada, isla markaana waa inay qirashadaas ku xigtaa dembidhaaf aad Ilaahay weyddiisatid, adigoo ka toobadkeenaya dembiyadii aad qiratay (Cesraa 10:11; Nexemyaah 9:3; Matayos 3:6; 1Yooxanaa 1:9).

CONVERSION: Is-beddelka nolosha/hanuunka. Ilaah u soo noqosho ama u toobadkeenid Ilaah (Falimaha Rasuullada 2:41, 16:27-34).

COUNSELOR: La-taliye. Waa mid ka mid ah magacyada Ciise (Ishacyaah 9:6). Ruuxa Quduuska ahna waxaa loogu yeedhaa La-taliye (Yooxanaa 14:16-26, 15:26).

COVENANT: Axdi ama heshiis la wada galay. Ilaahay wuxuu mar kasta axdi la dhigan jiray quruuntii reer banii-Israa'iil iyo nebiyadii hore, laakiin Ciise Masiix ayaa ah axdigii ugu dambeeyey ee uu Ilaahay dadka la dhigtay. Ilaahay iyo dadkuna waxay ku heshiin karaan oo keliya dhiigga Ciise Masiix (Bilowgii 6:18, 9:12, 15:1-20, Samuu’eel Labaad 23:5; Ishacyaah 55:3; Yeremyaah 31:31; Yexesqeel 37:26; Matayos 26:28; Markos 14:24; 2 Korintos 3:14; Cibraaniyada 7:22, 8:13, 12:24).

CROSS, CRUCIFIXION: Isku-tallaabta, laanqayr ama saliibka. Waxay ahayd caado hore oo dadka dembiilayaasha ah lagu dili jiray, iyadoo laba qori oo la is-dulsaaray lagula dejin jiray musbaaro. Ciise Masiix ayaa inaga daraaddeen loogu musbaaray isku-tallaabtaas oo kale (Matayos 16:24, 27:32-42, 28:5; Luukos 24:7; Yooxanaa 19:18; Falimaha Rasuullada 2:23; Rooma 6:6; 1 Korintos 1:23; 2 Korintos 13:4; Galatiya 2:20, 6:14; Muujintii 11:8).

DEMONS: Jinniyada. Waa u adeegayaasha Shayddaanka. Dad badan ayay noloshooda qabsadaan oo ay waali ku ridaan. Ciise Masiix ayaa dadka ka saari jiray jinniga, Isaga ayaana ka adkaa. xataa xertiisa wuxuu siiyey awood ay dadka kaga saaraan jinniyada (Sharciga Kunoqoshadiisa 32:17; Matayos 8:31; Luukos 4:41).

DISCIPLES: Xer. Kuwii ugu horreeyey ee Ciise raacay oo rumeeyay ayaa waxaa loogu yeedhi jiray xertii Ciise Masiix. Masiixiyiinta oo dhammina waa xertiisa (Matayos 5:1, 8:21, 10:42; Luukos 14:26; Yooxanaa 8:31, 13:35).

GENEOLOGY: Abtirsiinyo. Waa magacyo la taxay oo sheegaya ama tusaya awoowayaashii ama meesha uu qofkaasi ka soo jeedo. Xataa Baybalka waa lagu qoray abtirsiinyada Ciise, iyadoo loogu abtirinayo Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, Ciise hooyadii qabay (Taariikhdii Kowaad 7:40; 8:28; 9:22; Matayos 1:1; Cibraaniyada 7:3).

GENTILES: Waa dadka aan Yuhuudda ahayn (Nexemyaah 5:8; Ishacyaah 42:6; Matayos 10:5; Falimaha Rasuullada 22:21).

GLORY, GLORIFY: Ammaanta iyo sharafta. Ilaahay ayaa leh ammaan iyo sharaf aan weligeed dhammaanayn (Baxniintii 24:16, 33:18; Sabuurka 34:3, 96:3; Ishacyaah 6:3; Daanyeel 4:37; Yooxanaa 12:32; Rooma 8:18, 15:16; 1 Korintos 10:31; Kolosay 3:4; Muujintii 21:23).

GOD: Ilaah ama Eebbe. Ilaahay waa kan wax walba abuuray, wax walbana maamulaa (Bilowgii 1:1;3:9; Sabuurka 2, Sabuurka 46:10, Ishacyaah 44:6; Matayos 12:28; Markos 1:1; Cibraaniyada 12:29; 1 Yooxanaa 1:5, 4:16).

GOSPEL, GOSPELS: Injiilka. Waa afarta kitaab ee ugu horreeya Axdiga Cusub, oo ay qoreen xertii Ciise Masiix la socon jirtay markuu tegey kaddib. Weliba, waa soo koobiddan shaqsiga iyo shaqada Ciise Masiix waa war wanaagsan adduunka. Erayga Carabiga “Injiil” wuxuu ka yimid erayga Giriigga ee warka wanaagsan/ akhbaarka Wanaagsan: “yu’aangeliyon" (Matayos 4:23, 24:14; Markos 13:10; Falimaha Rasuullada 14:7; Rooma 1:15; Galatiya 1:9; Efesos 6:19; Kolosay 1:5; Muujintii 14:6).

GRACE: Nimco. Waa wax uu Ilaahay kuugu deeqay adigoo aan mutaysan ama aan mutaysan ama aan istaahilin. Ciise Masiix dhimashadiisii uu banii-aadanka isku-tallaabta ugu dhintay, waxay ahayd nimcadii ugu weynayd ee uu banii-aadanku helay (Sabuurka 45:2; Yooxanaa 1:16; Falimaha Rasuullada 15:11; Rooma 5:2, 5:20, 6:14, 11:6; Galatiya 2:21; Efesos 2:5; Tiitos 3:7).

HALLELUJAH: Ilaah baa ammaan leh ama Ilaah ammaana. Waa erey af-Cibraani ah oo macnihiisu sidaas yahay (Muujintii 19:1,4,6).

IDOLATRY: Sanam caabudid. Wax kasta oo aan ahayn Ilaaha dhabta ah oo la caabudaa waa sanam, kii caabudaana waa sanam caabude (Baxniintii 20:3-5; Samuu'eel Kowaad 15:23; Ishacyaah 44:9, Yexesqeel 23:49; 1 Korintos 10:14).

IMMANUEL: Ilaah baa inala jira ama Ilaah baa inala jooga. Magacani waa af-Cibraani, Ciise ayaana loo bixiyey magacan, waayo wuxuu ahaa Ilaahay oo dadka dhex yimid Isagoo jidh banii-aadmi leh (Ishacyaah 7:14;8:8; Matayos 1:23).

INCARNATION: Jidh-qaadasho Sayid Ciise Masiix (Yooxanaa 1:1-18; 1 Yooxanaa 1:1-4, 4:1-3).

JUDGEMENT: Xukun. Ilaahay wuxuu xukumi doonaa dadka oo dhan, wax kasta oo ay sameeyeen, wanaag iyo xumaanba (Ayuub 19:29;36:17; Wacdiyaha 3:17; Matayos 5:21; Filiboy 2:5-11; Cibraaniyada 9:27).

JUSTIFICATION: Xaq ka dhigid, iyadoo qof dembi lahaa laga dhigay mid xaq ah oo aan dembi lahayn (Rooma 3:24-28; Galatiya 2:16, 3:24; Muujintii 16:5).

LAMB OF GOD: Wankii Ilaahay. Ciise Masiix ayaa ahaa wankii Ilaahay oo loo bixiyey dembiyada adduunka oo dhan (Yooxanaa 1:29; 1 Korintos 5:7; 1 Butros 1:19; Muujintii 5:6-12, 12:11, 14:4, 21:23).

MANNA: Waa cunto Ilaahay samada uga soo daadin jiray dadkii reer banii-Israa'iil, afartankii sanno ee ay lamaddegaanka Siinay ku soo jireen, markii ay kasoo amba-baxeen Masar oo lagu gumaysan jiray. Muusena uu hoggaamiyaha u ahaa (Baxniintii 16:31,35; Yooxanaa 6:31; Muujintii 2:17).

MEDIATOR: Dhexdhexaadiye. Sayid Ciise Masiix ayaa ah dhexdhexaadiyaha inaga iyo Ilaahay, Isaga oo keliya ayaana Ilaahay loo mari karaa. Wuxuu kaloo Ciise isu soo dhoweeyey Ilaahay iyo banii-aadanka, kabacdi markii uu isku-tallaabta ku dhintay (1Timoteyos 2:5; Cibraaniyada 8:6, 9:15, 12:25).

MESSIAH: Masiixa. Waa mid ka mid ah magacyada Ciise, oo macnihiisu af-Cibraani "kii la doortay oo loo subkay" (Matayos 16:16; Yooxanaa 1:41, 4:25; Falimaha Rasuullada 2:36; Rooma 8:1; 1 Korintos 10:4, 15:20; 2 Korintos 5:27; Kolosay 3:4; Cibraaniyada 10:12; 1 Butros 3:18; Muujintii 11:15).

PARABLE: Masaal. Waa hab wacdis ah oo Sayid Ciise isticmaali jiray, marka uu wax wacdiyayo, Isagoo sheegi jiray sheeko nolol maalmeedka dadka la xiriira laakiinse leh macne diiniyan ah oo qoto dheer. Dadkuna way jecel yihiin inay dhegeystaan masaalada (Matayos 13:24; Markos 7:17; Luukos 12:41).

PASSOVER: Iidda Kormarida. Waa dabbaaldeg u caado ahaa reer banii-Israa'iil, oo ay ku xusuusan jireen markii Ilaahay kasoo saaray dalkii Masar ee ay addoonsiga u joogi jireen, markaasoo Ilaahay belaayo ku soo dejiyey Masaaridii. Reer banii-Israa'iil waxay habeenkan oo kale sameeyaan oo cunaan kimis aan khamiir lahayn, wanna way gowracaan (Baxniintii 12:11,21; Cesraa 6:19; Matayos 26:2; Yooxanaa 6:4).

PENTECOST: Waa maalinta kontonaad ee ka dambaysa Iidda Kormarida. Maalintani waa maalin muhiim u ah Masiixiyiinta, wayna u dabbaaldegaan, waayo waa maalintii Ruuxii Quduuska ahaa ee Ciise xertiisii ugu ballanqaaday uu ku soo dayey iyaga (Falimaha Rasuullada 2:1;20:16; 1 Korintos 16:8).

PENTATUECH: Waa shanta kitaab ee ugu horreeya Kitaabka Quduuska ah, ee loo yaqaano Tawreed, waxaana qoray Muuse. Waxayna kala yihiin: Bilowgii, Baxniintii, Tirintii iyo Laawiyiintii.

PERSECUTION: Cadaadin, dhibid ama darxumeyn. Masiixiyiintu waxay la kulmaan arrimahan oo dhan, iimaankooda aawadood. Laakiin Ciise Masiix wuxuu ugu ballanqaaday abaalgud haddii ay u adkaystaan (Matayos 5:10-12; Yooxanaa 15:20; Falimaha Rasuullada 8:1; 1 Korintos 4:12; 2 Korintos 4:9; 2 Timoteyos 3:12).

PERSEVERANCE: Adkaysi. Masiixiyiinta waxaa lagu amray inay u dulqaataan dhibaatooyinka ay adduunka kala kulmaan, waayo abaalgudka uu Sayid Ciise jannada ugu diyaariyey ayaa aad u weyn (Luukos 16:14;19:39; Rooma 5:3; Cibraaniyada 12:1).

PHARISEES: Farrisiintu. Waxay ahaayeen dariiqadii wadaado Yahuuddii ah, kuwaas oo ku dhaqmi jirey sharcigii diintii Muuse, aadna ugu dhegganaa. Ciise ayay kasoo horjeedeen markuu dunida joogay, marar badana wuu dhalleeceeyey iyaga, waayo waxay ahaayeen laba-wejilayaal (Matayos 3:7;16:6;23:13; Luukos 16:14;19:39).

PRAYER: Salaadda, tukashada ama baryada Ilaah la baryo. Masiixiyiintu wax kasta oo ay u baahan yihiin Ilaahay ayay weyddiistaan, waayo Ilaahay ayaa yiri "Weyddiista oo waa laydin siin doonaa." Tukashadu waxay keliyoo u baahan tahay rumaysi iyo qalbi saafi ah oo aad Ilaahay la hor tagto (Bilowgii 20:7; Matayos 6:9; Luukos 18:1; Efesos 6:19).

PREACHING: Wacdiska. Masiixiyiinta waxaa lagu amray inay Erayga Ilaahay ku wacdiyaan oo Injiilka bandhigayaan dhammaan banii-aadanka meel kasta ha joogeene, si ay dembiyadooda uga toobadkeenaan (Ishacyaah 61:1; Matayos 10:7; Markos 16:15; Rooma 10:15).

PREDESTINATION: Doorashada/qasdiga oo Eebbe diyaariyey kuwa rumaysanayaan Injiilka (Yooxanaa 6:37Rooma 8:29; Efesos 1:5-11)

PROPHECY: Waxyi, nebiyadu way waxyoon jireen, oo waxay dadka u sheegi jireen waxa dhici doona ee uu Ilaahay samayn doono. Nebiyo badan ayaa ka sii waxyooday oo sii sheegay dhalashadii Ciise Masiix intaanu dhalan ka hor. (Yexesqeel 14:9; Daanyeel 9:24; Matayos 13:14; Yooxanaa 11:51)

PROPITIATION: Caro-tir. Dhiigga Ciise Masiix ayaa qancay carada Ilaahay dembiyada/caasinimada banii-aadmiga (Rooma 3:25; Cibraaniyada 2:17; 1 Yooxanaa 2:2).

RECONCILIATION: Heshiisiin. Sayid Ciise ayaa heshiisiiyey Ilaahay iyo banii-aadanka dembiilayaasha ah, Isagoo ku heshiisiiyey dhiiggiisii isku-tallaabta ku qubtay inaga daraaddeen. (Rooma 5:10,11; 2 Korintos 5:18,20)

REGENERATION: Dib-u-dhalashada/ Cusboonaysiinta. Nolosha cusub oo kuwa aaminayaan Masiixa helaan (Yooxanaa 3:1-21; 1 Butros 1:23).

REPENTANCE: Toobadkeen. Ilaahay wuxuu qof kasta ku tilmaamay dembiile, qof kastana waxaa looga baahan yahay toobadkeen, Ilaahna waa saamax badan yahay. (Ayuub 42:6; Yeremyaah 15:19; Matayos 3:2; Luukos 24:47)

REVELATION: Muujin. Ilaah nebiyadiisa wax buu u muujin jiray si ay dadka ugu sii sheegaan, xataa dadka Masiixiyiinta ah Isaga xidhiidhka wanaagsan la leh weli wax buu u muujiyaa, si ay Isaga aad ugu sii dhowaadaan. Kitaab Baybalka ka mid ahna waxaaba loogu yeedhaa Muujintii (Bilowgii 35:7; Sharciga Kunoqoshadiisa 29:29; 41:25; Rooma 1:17; Muujintii 15:4).

REDEEMER: Bixiye ama fure. Ciise Masiix ayaa inaga furtay ciqaabtii dembiga, oo Ilaahay iyo inaga heshiis ina dhex dhigay, Isaga oo keliya uun baynuna Ilaah ugu tegi karnaa. (Samuu'eelka Labaad 7:23; Ayuub 19:25; Luukos 24:21; Tiitos 2:14).

RESURRECTION: Sara-kicid, ama ka sarakicidda dhimashada. Ciise ayaa ka sarakacay dhimashada oo ka guuleystey Shayddaanka, taas oo caddaysay inuu yahay Wiilka Ilaahay iyo badbaadiyaha dunida (Matayos 27:53; Yooxanaa 11:25; Falimaha Rasuullada 1:22; Rooma 1:4; 1 Korintos 15).

REWARD: Abaalgud. Masiixiyiinta waxaa Ciise ugu ballanqaaday abaalgud weyn oo uu ugu diyaarinayo jannada, abaalgudkaas oo kale qofna ma maqlin weligii, qofna ma arkin, caqliga banii-aadankuna ma meteli karo (Bilowgii 5:1; Matayos 5:12; Luukos 6:35; Efesos 6:8).

SADUCEES: Sadukiinta, waxay ahaayeen, dariiqada wadaado reer banii-Israa'iil ka mid ah laakiin u janjeedhay xagga siyaasadda, mana ay rumaysnayn nolol dhimashada kaddib. (Matayos 16:1,22:34; Luukos 20:27; Falimaha Rasuullada 23:6)

SANCTIFICATION: Quduus-noqonshaha. Waa quduus noqoshada ama marka qofka Ciise Masiix xerta u ah noloshiisu noqoto mid Ilaahay u sii dhowaanaysa oo uu raalli ka yahay (Efesos 5:26; 1 Tesaloniika 5:23; Cibraaniyada 13:12). . SCRIPTURES: Qorniinka. Waa magac kale oo loogu yeedho Kitaabka Quduuska ah ama Baybalka (Markos 12:10; Luukos 4:21; Falimaha Rasuullada 1:16; 1 Timoteyos 4:13; 2 Timoteyos 3:16).

SYNAGOGUE: Sunagog. Dhismaha ay Yuhuuddu Ilaahay ku caabudaan, ilaa iyo hadda meelaha ay Yuhuuddu Ilaahay ku caabudaan waxaa loogu yeeraa magacan. (Matayos 12:9; Markos 6:2; Falimaha Rasuullada 18:4)

TABERNACLE: Teendhada Rabbiga. Waa meel Ilaahay uu reer banii-Israa'iil ku amray inay Rabbiga u dhisaan berigii Muuse markii ay Masar kasoo baxeen. Halkaa ayaa waxaa joogtay Rabbiga ammaantiisa, halkaas ayuuna ka maamuli jiray dadka Isagoo u soo maraya wadaadada. (Baxniintii 25:9;40:35; Falimaha Rasuullada 7:44; Cibraaniyada 8:2;9:21)

TEN COMMANDMENTS: Tobanka Qaynuun. Waa tobankii sharci ee Ilaahay Muuse ku siiyey buur Siinay, waxaa weli inagu waajiba inaynu ilaalino iyaga, inkastoo aynaan ku badbaadin iyaga daraaddood. ( Baxniintii 20, 31:18, 34:28; Laawiyiintii 4:13, Sharciga Kunoqoshadiisa 5)

TRANSFIGURATION: Ciise Masiix muuqiisa waa isbeddelay. Markii uu buurtii korey, isaga oo la socda xertiisii kala ahaa Butros, Yooxanaa iyo Yacquub (Matayos 17:1-13; Markos 9:2-8; Luukos9:28-36).

TRIBULATION: Dhibaatooyin/aafooyin. Waa dhibaatooyin ay la kulmayaan dadka Masiixiyiinta ahi intay dunidan joogaan, Ilaahna waa u sii sheegay inay dhibaatooyinkaasi jiraan. (Matayos 13:21, 24:21; Yooxanaa 16:33; Rooma 8:35, 12:12; Muujintii 7:14)

TRINITY: Saddex-midnimada Ilaah. Masiixiyiintu waxay rumaysan yihiin in hal Ilaah jiro, laakiin uu saddex siyaalood banii-aadanka isugu muujiyey, si ay Isaga aad ugu fahmaan. Kuwaasoo kala ah: Ilaaha Aabbaha ah, Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah. Faahfaahin dheeraad ah, halkan guji

WORSHIP: Caabud, Caabudaad. Ilaah oo keliya ayaa ah kan istaahila in la caabudo, laakiin banii-aadmiga qaarkii waxay caabudaan wax ay gacmaha ku samaysteen ama abuuritaan kale (Bilowgii 22:5; Baxniintii 10:8; Sabuurka 95:6; Matayos 2:8; 1 Korintos 14:25).

ILAHA LA ISTICMALAAY

Anon. 1982. Qasiidooyin Ilaah Amman Ah. Eastleigh Fellowship Center (Mennonite), Nairobi, Kenya. 28 p.

Columbo, Salvatore. 1981. Kitaab Tukasho. Roman Catholic Diocese, Muqdisho, Somalia. 64 p.

  1. Kitaabka Quduuska Ah. Bible Society of Kenya, Nairobi. [Axdigii Hore 1,224 p., Axdiga Cusub 374 p. Erayada Masiixiga 8 p.]

Luling, Virginia. 1987. Somali-English Dictionary. Dunwoody Press, Wheaton, MD, USA. 605 p.

Yaasiin C. Keenadiid. 1976. Qaamuuska Af-Soomaaliga. Ministry of Higher Education & Somali Academy, Muqdisho. 498 p.