Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

FARTA ILAAHAY

Waqti hore baa martiqaad wanaagsan liiga sameeyey guri Afrikaan ah oo lagu magacaabi jirey, “Farta Ilaahay”. Waxaa la ii sheegay in kuwa deriskooda ahu ka xanaaqeen magaca gurigan oo waxay kuwa gurigii iskalahaa ku haysteen inay ku ashtekeyeen dembiga cayda Ilaahii, oo ay xitaa ku hanjabeen inay meesha burburinayaan.

Tani waxay sabab u noqotay inaan dib uga fikiro su’aasha ah: Miyay dembi tahay in laga fikiro ama laga hadlo farta Ilaahay?

Intaan qofna xukumin ka hor, bal aan ka fikirno meelaha qaar oo Kitaabka Quduuska ah ku jira oo wax nooga sheegayaan farta Ilaahay. Qaybta ugu yaabka badan waxaan ku arkaynaa Kitaabkii Daanyeel halkaasoo u la kulmay Boqorka Faaris kaasoo magaciisa yahay Beelshaasar, kaasoo si xaddhaaf ah ula xafladaynayay kuwa boqortooyada ku sugnaa wax u cunaaya isaga iyo nin saraakiishiisii ladnaa aha. Wuxuuna ku sakhramaayey islawaynaantiisa iyo xooggiisa ilaa ay gaartay heer uu ku nijaaseeyo weelasha quduuska ah oo laga keenay Macbudkii Ilaahay ee ku yaalay Yeruusaalem.

Isla markiibaa waxaa derbiga kasoo muqtay gacan taasoo far waawayn ku qortay eray cajiib ah, “MENE, MENE, TEQEL, UUFARSIIN.” Farta Ilaahay waxay ku dhawaaqday xukunka u soo socdo taliyaha aan qaymaha lahayn iyo kuwa ka daba shaqeeya ee golaha wasiiradaha. “Kafadaha waa lagugu miisaamay oo wax baa kaa dhinnaaday.” (Daanyeel 5:25)

Waa farriin run ah oo loo keeney qofkan kibirsan, kii waynaa oo taxaddar la’aanta ku noola, oona leh nolol kurbo la’aanaa iyo guul! Markii farta Ilaahay ku qortay farriintaas derbiga, ninkaas wuxuu noqday sida qof dhintay. Xitaa labaatan iyo afar saacadood dhexddooda ayaa lagu dilay.

Digniin Dhab ah

Laakiin aan nafsaddeenna ka fikirno. Farta Ilaahay waxay anagoo dhan noo qortay doonistiisa, haddanu nahay dad ladan ama kuwa masaakiin ah. Ilaahay goortuu sharcigiisa quduuska ah ku siiyey Nebi Muuse Buurtii Siinay baa tobankii amar labo loox oo dhagaxyo ah uu ku qoray taas oo fartiisa uu ku qoray. (akhriso Baxniintii 31:18). Mabaadi’dii lagu qoray amarradii baa waxay waddamo badan oo dunidan ku yaala u noqotay dhagax-geeseed ee sharciga. Marti walboo waxay iska baran doonta sharciyada waddanka martida loo yahay si uu uga fogaado ciqaabta.

Sidoo kale Ilaahay wuxuu naga rabaa inaan sharciyadiisa addeecno. Inaan xukunka Ilaahay hoos aadna oo dembiga nalagu hela oona nalagu xukumo way ka darantahay xukunka aadanaha. Ciise arrintan wuu cadeeyey markuu u digaayey kuwii isaga dhageysanaayey, “Waxaan idinku leeyahay saaxiibadayow, Ha ka baqina kuwa jirka dila, oo aan dabadeed wax kale samayn karin. Laakiin waxaan idinkaga digayaa kaad tusaayaa ka baqi lahaydeen. Ka baqa kan kolkuu dilo dabadeed amar u leh inuu jahannamada ku tuuro. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Kaas ka baqa.” (Luukos 12:4-5) Sidoo kale Cibraaniyada 10:31 halkaas waxaa noo galasheegay,“Waa wax aad cabsi u leh in lagu dhaco gacmaha Ilaaha nool.”

Goortaan carruurta ahayn waan ogayn in aan caasinimada iyo dabeecadeenna xun ku baxsanayno ilaa iyo xad. Laakiin haddaan xadkaas oo dhan dhaafnay oo aan jarribnay samirkii aabbaheenna si xaddhaaf ah, fartiisa xigta suulka buu kor u qaaday inay tahay ishaar ee digniinta ugu dambayso anagana waan fahannay farriintuu gudbinaya. Tallaabo kale haddaad qaaddid dhib wayn baad isu keentay. Haddaan weli sii wadno runtii dhib baan isukeenay.

Farriin xoog leh

Tani waxay i xasuusisaa sixirooleyaashii ee joogay qasriga Fircoon waqtigii Nebi Muuse. Way ogaayeen digniinta Ilaahay ee calaamadda belaayiin kala duduwan leh in iyaga laga dul keenay. Markay ogaadeen inay Ilaahay xukunkiisa ku sii jeesjeesi karin oo ay xakameeyaan calaamadda la mid ah bay waxay gaareen inay gabaggabeeyaan. “Tanu waa fartii Ilaah!” (Baxniintiii 8:19) Farriintooda oo ay ugu talaggaleen taliyahooda waxay ahayd: Inaad ogaysiiskan digniinta Ilaaha Nebi Muuse ka cashar qaadataan mooyaane, waxaa laga yaabaa in noloshii wiilkiisa wayn laydin kaga gudi doona caasinimadiisa darteed. Saaxiibow, ha ku jeesjeesin farta Ilaah markuu kula hadlayo. Waa arrin dhab ah oo aan layska indha tiri karin, waayo waa arrin nolol iyo dhimasho ka dhexaysa.

Hanuun toosan

Waxaa ku jira qaab kale oo aan u isticmaali karno farteenna si aan farriinta ku keenno. Haddaan jid kale ku socdo oo iiguna horeysa, waxaa dhici kartaa in aan isku helna jidka isgoyskiisa oo aan garanaynin jidkaan mari lahayn. Nafis bay noo tahay inaan qof xigmad leh aan helno oo farta noogu fiiqo waddada saxda ah. Anaga oo dhan waan ku cusubnahay jidka nolosha. Safarkan waxaa wada galaa lab iyo dhaddig walba hal mar oo keliya. Haba ahaatee waxbarashadeenna oo dhan, hantideenna ama camalladeenna diineed waxaan ka nahay weli kuwa dareensan inay gargaar la’aan kaga sugan yihiin, wareer iyo rajo beel marmar. Miyaad doonaynin inaad hubsato Ilaahay oggolaanshadiisa, oo diyaar u tahay inaad la joogto Abuurahaaga?

La Cafiyey

Bal aan idiin sheego qiso ku saabsan naag gaar loo qabtay iyadoo sinaysanaysa oo la hor keenay Ciise. Hoggaamiyayaashii diinta baa waxay rabeen in naagtii la xukumo oona la dilo sida sharciga Nebi Muuse dhahayo. Waxaan ku akhrisanay Injiilkii Yooxanaa cutubka 8aad, sida ay Ciise agtiisa ugu soo uruureen iyagoo ku boorrinaya inuu xukunkiisa rido. Laakiin waxaa ka yaabiyey sida Ciise u soo dugay una bilaabay inuu fartiisa dhulka wax ugu qoro. Anagoo dhan baa si fiican u fiirin lahayn si aan u ogaano wuxuu qoray, laakiin waxa keliya ay noo sheegeen waa wixii uu hoggaamiyayaashii Yuhuudda ee agtiisa joogay ku yiri, “Kii idinka mid ah oo dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro.”

Midkoodna qof dhagax qaatay ma jiro. Beddelkaas way kala tageen ka bilaabato kan ugu wayn ilaa kan ugu yar. Run ahaanti iyaga baa qalbigooda iskugu qiray dembiyadoodii. Markaasaa Ciise goortuu kor u soo kacay naagtii waydiiyey, “Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin?” Intuu u cafiyey dembiyadeeda, ayuu ku boorriyay inay ku noolaato nolol cusub. Runtii naagtan waa inay addeecdo erayadiisa.

Qof baa mar yiri, “Ilaahay amarradiisa wuxuu ku qoray dhagaxyo, laakiin wuxuu qalbigiisa ku qoray carrada.” Saaxiibayaalow, ma dhici karto inaan amarrada Ilaahay iyo heerkiisa qalloocina oo waxa nagu haboonna sameeyna.

Anagoo dhan baa istaahilnaa xukun, sida aan isbardhignaa qaabka nolosheenna, erayadeenna iyo camalkeenna la jira heerka weligiis ah oo xaqnimada iyo quduusnimada oo Xaakinka aadanaha qoray.

Laakiin sidoo kale waa run in Ilaahay jacaylkiisu iyo isagoo daneynaayo dembiileyaashu uu soo celiyey xiriirkiisa iyadoo loo soo maraayo jacaylkiisa wayn oo uu ka tusay nolosha iyo dhimashada Ciise Masiixa. Waa laga yaabaa inaan fikraddaas aan ka helin, laakiin yaa su’aali karaa go’aanka Ilaahayga wayn? Ciise wuxuu beddelkeenna qaaday dembiyadeenna! Wuxuuna doonayaa inaan eraygiisa raacna si aan nolol u helno intaan weli waqti haysana: Waqtiga markaan wajihi doonna farta xukunka Ilaahay oo aan laga baxsan doonin. Siday kula tahayna: Ma Ilaah baan caynayna markaan is xusuusinayno ama kuwa kale xusuusinayno farta Ilaah?

Waxaan rajaynaynaa inaad ka heshay akhriska farriintan. Haddaad doontid inaad hesho daabacadaheenna kale, halkan guji:

Haddaad jeceshahay inaad nala soo xariirto mise su’aalo waydiiso, waan ku faraxsan nahay inaan farriintaada helno:

Email: noloshacusub@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/BishaaroWeyn