Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qirashada Iimaanka

Waxaan rumaysannahay Ilaah keliya, Aabbaha, Ilaaha Qaadirka ah,
kan abuuray samada iyo dhulka iyo wax kasta, waxa la arko iyo waxa aan la arkinba.

Waxaan rumaysannahay Rabbi keliya, Ciise Masiix, oo ah Wiilka Ilaah oo keliya ah,
kan weligiis la jiray Aabbaha, Ilaah ka yimid Ilaah, Iftiin ka yimid Iftiin,
Ilaah dhab ah oo ka yimid Ilaah dhab ah, dhashay oon la abuurin,
ahna mid la siman Aabbaha; wax walbana isagaa lagu abuuray.

Innaga daraaddeen iyo badbaadadeenna awgeed ayuu samada uga yimid,
wuxuu soo qaatay jidh dad oo ka yimid awoodda Ruuxa Quduuska ah iyo Maryantii bikrada ahayd
oo sidaas ayuu ku noqday aadane.
Innaga aawadeen ayuu Bontiyos Bilaatos isaga iskutallaabta ugu qodbay;
wuu silcay oo dhintay kaddibna la aasay.
Maalintii saddexaad ayuu dhimashada ka sarakacay sida Qorniinku dhigayay; wuxuu aaday samada, isagoo fadhiya gacanta midig ee Aabbaha. Wuxuu mar labaad ku iman doonaa aamaan iyo barako inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba, boqortooyadiisuna weligeed ma idlaan doonto.

Waxaan rumaysannahay Ruuxa Quduuska ah, Rabbiga, kan nolosha bixiya,
kan ka yimid xagga Aabbaha, kan Aabbaha iyo Wiilka lala caabudo oo lala ammaano,
kan ku dhex hadlay nebiyada.

Waxaan rumaysannahay kiniisad keliya oo ah tan rasuullada oo quduusan caalamina ah.
Waxaan qirsannahay baabtiiska keliya ee cafiska denbiyada.
Waxaan sugaynaa sarakicidda kuwa dhintay, iyo nolosha danbe ee aakhiro. Aammiin.