Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 2

Markii Ilaah dad la hadlo oo ugu yeero inay doonistiisa sameeyaan waxaa laga yaabaa inuu leeyahay wax dhaafsiisan hal ulajeeddo. Waxaynu aragnay in Eebbe u yeeray Muuse waayo dadkiisa addoonsiga ku jiray ayaa waxay u ooyeen caawimaad. Marka, hal sabab oo Muuse loogu yeerey ayaa ahayd, in la samatabbixiyo dadkii Ibraahim. Waxay dadkaasu u baahnaayeen hoggaamiye ku caawiya inay raacaan qorshaha Ilaah ee looga soo furanayo dhulkii Fircoon xukumayey.

Wayse caddahay haddaba, in Ilaah doonayey natiijooyin kale. Wuxuu u sheegay Muuse inuu Fircoon u tago oo ka dalbado in dadkiisa la sii daayo si ay Eebbe u caabbudaan. Waxay ahayd in boqorku adkayn doono niyaddiisa oo diidi doonay in dadku tagaan dabadeedna Muuse isticmaali doono mucjisooyinkii Ilaah siiyey isaga. Eebbe wuxuu shaac ka qaaday oo yiri, sida ku qoran Kitaabka Baxniintii 7:5 oo leh:

"Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo oo aan reer banii-Israa'iil ka dhex bixiyo."

Taasina waxay tusaale ka bixinaysaa sababtii labaad ee Eebbe ugu yeeray Muuse. Ilaah wuxuu doonayaa inuu isu sheego dadka oo dhan meel kastoo ay joogaan; mase ahan dad yar oo keliya.

Sababta saddexaad ee muhiimka ahayd ee Muuse loogu yeeray waxay ahayd in Ilaah u dhiibayey isaga sharciga qoran. Markaasna wuxuu u isticmaali doonay inuu qoro wax kastoo Eebbe uga muujiyey dabeecaddiisa, awooddiisa, iyo tusmooyinkiisa caabudaadda iyo ficillada dadka. Taasina waxay noqon lahayd muujinta hoggaaminta banii-aadanka.

Waxaynu ka baranaynaa u yeeristii Muuse Eebbe u yeeray inayan ahayn oo keliya dadkiisii la gumaysanayey wakhtigaas aawadeed, laakiin ay ahayd ammuur dan u ah kuweenna maanta nool. Muujintaas Ilaah, ee Muuse loo muujiyey, waa Tawreedda aynu maanta ku haysanno Kitaabka Quduuska ah. Deeqda Ilaah ee la yaabka leh aawadeed ayaan maanta haysanaa erayadaas oo sax ah. Hadalkaasi qoran waxay midkayo walba u yahay sidii Eebbe oo inala hadlaya. Waa waajibkeenna iyo wanaaggeenna inaynu dhegeysanno Ilaah, akhrinno farriintiisa oo aynu aqbalno runta uu u hayo nolosheenna.