Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 4

Sida aabbe wanaagsani kaasoo ay waajib ku tahay inuu sii adag oo qeexan u barbaariyo carruurtiisa, ayaa Eebbe erayadiisa digniinta ah kula hadlay iyaga oo nebigiisa Ishacyaahna dadkuu ku wacdiyey. Laakiin qalbiga Ilaah waxaa ka buuxsamay naxariis. "Naxariistayda aan dhammaan, marnaba lama dhaqaajin doono", ayuu yiri Rabbigu. Markaana waxaynu arkaynaa iyadoo ay jiraan erayo digniin ah ay haddana la socdaan erayo ballanqaad ah.

Dadka waa sida cawska, ayuu yiri Ishacyaah iyadoo Ilaah u muujiyey. Wuxuuna yiri: "Sharaftooda oo dhammi waa sida ubaxa duurka. Cawsku wuu qalalaa oo ubuxuna wuu dhacaa, laakiin Erayga Eebbe weligiisba wuu waari doonaa."

Erayga Eebbe uu kula hadlay dadkiisa wakhtigan waxay ahaayeen ballanka Eebbe qudhiisu isugu muujin doono dadka isagoo ah Bixiyaha dadkiisa. Waaqdhaaca xoolaad ma badbaadin karo iyaga. Xeer ama xaflado diimeedyo la gutana ma badbaadin karaan. Ilaah wuxuu iyaga u tilmaamay dembigooda oo wuxuu uga digay ciqaabta ku soo fool leh. Haah, dadku waxay ahaayeen kuwo u itaaldarran sida cawska ay dabayshu dhaqaajiso, oo quluubtoodana cabsi baa ka buuxday.

Welibana, Ilaah wuxuu u sheegay Ishacyaah inuu dadka ku yiraahdo: "Xoog yeesha. Oo ha cabsanina. Ilaahiinnu wuu iman doonaa. Wuxuuna u iman doonaa inuu idin badbaadiyo."

Waxaynu maqli karnaa codka Ishacyaah, oo ay ka muuqato farxad weyn markuu ku dhawaaqay hadalladii Rabbiga ee ahaa: "Codkaaga kor xoog ugu qaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. War bal Ilaahiinna eega! Sayidka Rabbiga ahu wuxuu la iman doonaa xoog weyn!"

Nebi Ishacyaah oo ka faalloonaya dabeecadaha Ilaah ayaa ku tilmaamay sida boqor dalal qabsanaya oo kale, oo dadkiisa ka badbaadiya ciidammada burburka. Laakiin isla markaasna, isagu waa sida arijire arigiisa u daajiya si daryeel leh. Wuxuu kuwa baahan kor ugu qaadaa gacmihiisa, oo wuxuu ku soo dhoweeyaa xabadkiisa. Eebbe wuxuu garanayaa in dadku u baahan yihiin mid awood badan oo xukuma iyaga. Laakiin waxay kaloo u baahan yihiin jacayl iyo qalbi qaboojis kaasoo qaboojiya dhaawaca nolosha. Waxay u baahan yihiin inay gartaan Ilaah inuu shakhsi yahay oo deggan yahay. Ma jiro qof Ilaah ka qarsoon amase Ilaah dandarreeyo, oo weligiis kama daalo inuu ina caawiyo.

Wuxuu yiri, "Kuwa Rabbiga isku halleeyaa xoog cusub bay heli doonaan. Oo baalal bay ku duuli doonaan sida gorgorka oo kale. Way ordi doonaan mana ay daali doonaan, oo way socon doonaan mana ay itaal darnaan doonaan."

Waxaad maqashaa erayadan ballanka ah ee wacan ee ku qoran kitaabka Ishacyaah 41:10, 13-14 iyo 43:1 kuwaasoo Eebbe kaga dhex hadlay isaga, oo waa kuwan haddaba erayadii:

"Waan idin xoogayn doonaa oo idin caawin doonaan.
Oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah.

Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doonee.
Ha cabsan, waayo aniga qudhayda waan idin caawin doonaa, ayuu leeyahay Rabbiga Bixiyihiinna ahi.

Ha cabsanina, waayo aniga ayaa idin soo furtay.
Waxaan idiinku yeerey magacyadiinna; oo kuwayga baad tihiin."