Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Dersiga Kow-iyo-tobnaad - Waxyaalaha dhici doona

Qof kastaba wuxuu doonayaa inuu ogaado waxyaalaha soo socda ee dhici doona mustaqbalka. Dad badan ayaa isku dayey inay wax ka sii sheegaan waxa dhici doona, laakiinse Ilaah keliya ayaa wax kasta garanaya. Habase ahaatee, wax yar ayuu isagu inoo sheegay.

IMAATINKA CIISE MASIIX

Waxyaalaha Ilaah inoo sheegay inay dhici doonaan mustaqbalka, waxaa ka mid ah in Sayidka Ciise Masiix dadkiisa uu u soo noqon doono si uu jannada ugu qaado. Kuwii isaga aamminay oo dhammu waxay ku rayrrayn doonaan inay isaga jannada la joogi doonaan. Kuwii aan isaga aamminsaneen, waxaa laga qarin doonaa jaahiisa. Innagu garan mayno Ciise Masiix markuu soo noqon doono. Haddii uu maanta soo noqdo, adigu diyaar ma u tahay? Markuu soo noqdo ma aammini kartid, waayo waad soo daahday. Waa inaad rumaysatid inta uusan soo noqon. Bal haddeer isaga rumayso!

XUKUNKA UGU DAMBEEYA

Dhacda kale ee dhici doonta mustaqbalku waa xukunka ugu dambeeya. Dhammaan banii-aadmiga waxaa xukumi doona Sayid Ciise, oo u eegaya ficilladooda. Kii kasta ee diiday Ciise Masiix waxaa lagu xukumi doonaa ciqaabta weligeed ah waa cadaabta. Waxaanan ka akhrinaynaa wax ku saabsan taas:
"Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd."
- Muujintii Ciise Masiix oo Yooxanaa loo muujiyey 20:15

Ma jeceshahay inaad cadaabta gashid? Waad geli doontaa, haddii aadan Ciise Masiix rumaysan inuu yahay badbaadiyahaaga.

CADAABTA

Cadaabtu waa meel baas oo xun. Waxaa la inoo sheegay in dadka cadaabta tagaa ay ku silcaan wehel la'aan, xanuun, sakaraad, iyo haraad. Cadaabtu waa meel dab iyo madow miiran ah. Kuwa cadaabta taga oo dhammu weligood ma kari doonaan inay halkaas ka baxsadaan oo abadkoodba halkaasay ku waari doonaan.
"Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruuddaa ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba."
- Muujintii 20:10

"Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacan ku dhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololeyaan. Oo taasuna waa dhimashada labaad."
- Muujintii 21:8

Sidee baad uga hortagi kartid inaanad cadaabta tegin? Markaad dhimatid kuuma suuraggeleyso inaad Sayidka Ciise Masiix ku aqbasho. Markaad soo hor istaagtid xaakinka qiyaamaha wakhtigii waa kaa dhammaaday. Maanta waa wakhtiga habboonaa. Sayidka Ciise Masiix hadda aammin oo waxaad markaas xaqiiqsan doontaa inaad ka baxsanaysid xukunka baas iyo cabsida badan ee xukunta cadaabta.
"...bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta."
- Warqaddii labaad ee Rasuul Bawlos u qoray dadkii Korintos 6:2

JANNADA

In alla intii Ciise Masiix u aqbasha in uu badbaadiye u yahay, waxay aakhiro oo dhan joogi doonaan jannada. Jannadu waa meel nasasho, nabad, farxad iyo rayrrayn miiran ah. Jannada waxaynu aad ku raaxaysan doonnaa innagoo weheshanaan kaamil ah Ilaah la yeelaan doonna. Jannada ma aha meel banii-aadmiga doonistiisu ay ku baahi beesho, amase damacisu ku haqabbeelo, laakiinse waa meel qoduus iyo nadiif miiran ah.

Waa inaad haddeer laba shay kala doorataa. Waa inaad haddeer cadaabta iyo jannada kala doorataa. Adigu garan maysid goor aad dhimanaysid. Haddii aad dhimato daqiiqad dhow, xaggee baad tegi doontaa? Ma jannadaad geli doontaa, mise cadaabta? Waxaas oo dhammu waxay ku xiran yihiin inaad adigu Ilaah cafis weyddiisatay iyo in kale.

Naarta ha gelin! Haddeer hubso inaad jidkii jannada ku joogtid. Noloshaada u dhiib Sayidka Ciise Masiix.

Tijaabada Kow-iyo-tobnaad - Waxyaalaha soo socoda

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Su'aalahan dhawr oo erayada dersiga ku jira kaga jawaab:

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: