Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qasiidooyin Bishaaro Ah - 1

Waa 9 qasiido oo xul ah oo la duubay magaalada Nayroobi sannadkii 1992kii. Habka waa sida qaraamiga oo kale, kaban iyo laba cod.

1. Maanta Noo Miciin

Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!

1. Masiixeennii weynaa,
Mowlaheennu doortayow !

2. Maryan kay xambaartow ,
madigii Ilaahow!

2. Midkii noo dhintow,
dembigeenna qaadow!

3. Meel kastoo aan joognoo,
magacaagaan ammaannaa.

5. Murug waa na daysoo ,
mowd ka baqi maynoo.

6. Magacaagaa sarreeyoo ,
meel walba laga ammaanaa.

7. Masiixiyiinta oo idil ,
kii ay mahadiyeenow

8. Mowlihii na uuntaa,
magac weyn ku siiyoo; Midigtiisa joogtaa.

2. Baaqiga Eebbow, Dunida Beeray

Baaqiga Eebbow dunida beeray;
Ballan kuu sheegay,
ka baaqan maayo.

1. Buuraha korkooda haddaan bil joogo,
barafku i garaacana ,
beenbeenin maayo
Badbaadshahayga.

2. Boqol sano haddaan ban joogo,
beer iyo xooliyo
bilcaanba waayana ,
beenbeenin maayo
Badbaadshahayga.

3. Haddii lay bireeyo ,
bad laygu tuuro,
bur layla dhacana ,
beenbeenin maayo
Badbaadshahayga!

4. Haddii aan baahdo,
beesa aan waayo,
beenbeenin maayo
Badbaashahayga!

5. Bugtaa i haysay,
beerkay i xanuunjin,
Isagaa i baanto ,
iga bogsiiya,
beenbeenin maayo
Badbaashahayga.

6. Baaqiga Eebbow dunida beeray;
Ballan kuu sheegay
ka baaqan maayo.

3. Alxamdulillah

1. Alxamdulilah, Alxamdulilah,
Alxamdulilah dhiigga aawadiis!
Alxamdulilah, Alxamdulilah,
dhiiga Ciise aawadiis.
Alxamdulilah, Alxamdulilah,

2. Alxamdulilah nuurka aawadiis!
Alxamdulilah, Axamdulilah,
nuurka Ciise aawadiis!

3. Alxamdulilah, Alxamdulilah,
Alxamdulilah, xoogga aawadiis!
Alxamdulilah, Alxamdulilah,
xoogga Ciise aawadiis!

4. Dhiigga Ciise waa laygu furay.
Dhiigga Ciise ayaa laygu iibshay.
Alxamdulilah, Alxamulilah,
dhiigga Ciise aawadiis!

5. Dembidhaafka waa lay siiyey;
Qalbi cusub waan helay.
Alxamdulilah, Alxamdulilah
dembidhaafka aawadiis.

4. Magaciis Baraka Leh

Magaciis baraka leh,
Magaciis baraka leh,
Magaciis baraka leh, Rabbiga.

Magaciis baraka leh,
Magaciis baraka leh,
Magaciis baraka leh, Rabbiga.

5. Goortuu Yimaado

Goortuu yimaado, oo yimaado,
inuu qaado dadkiisa;
kuwa qoduusan oo nadiifsan oo
lagu mayray dhiigiisa;
Sida xiddig bay u nuurayaan.
Waa warkiisa jannada!
Farxad badan buu na siiyey -
nolol daa’imisaa.

6. Xoog Buu Leeyahay

1. Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay -
dhiigga Ciise Masiix.
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay -
dhiigga Ciise Masiix.

2. Shayddaan waa nacayaa;
Shayddaan waa nacayaa;
Shayddaan waa nacayaa -
dhiigga Ciise Masiix.
Shayddaan waa nacayaa;
Shayddaan waa nacayaa;
Shayddaan waa nacayaa -
dhiigga Ciise Masiix.

3. Waan jecelahay;
Waan ammaanayaa;
Waan weynaynayaa -
dhiigga Ciise Masiix.
Waan aamminayaa;
Waan sarraysiinayaa;
Waan aqbalayaa -
dhiigga Ciise Masiix.

4. Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay -
dhiigga Ciise Masiix.
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay -
dhiigga Ciise Masiix.

7. Waxaan Ahay Dembiile

1. Waxaan ahay - dembiile,
waxaan ahay - dembiile.
Dunuubtii aan falay baa …
dunuubtii aan falay baa …
… daraaddeed, laguugu qodbay iskutallaabtee.
… daraaddeed, laguugu qodbay iskutallaabtee.

2. Waxaan ahay – dembiile
Waxaan ahay - dembiile.
Dulmigaan samey baa…
Dulmigaan samey baa …
… daraaddiis laguugu qodbay iskutallaabtee.
… daraaddiis laguugu qodbay iskutallaabtee.

3. Waxaan helay - dembidhaafka,
waxaan helay - dembidhaafka.
Nolol daa'ima inaan helo …
nolol daa'ima inaan helo …
… daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.
… daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.

4. Waxaan ahay - adeegahaaga.
Waxaan ahay - adeegahaaga.
Dembidhaafka inaad i siisaa …
Dembidhaafka inaad i siisaa …
… daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.
… daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.

8. Ciise Kiristoos Waan Aamminay

Bixiyahayga Ciise buu yahay;
Badbaadiyahayga oo fiican.
Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.

1. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Magaciisa waan ammaanaa ,
Dhiiggiisana waan aqbalay.

2. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Gacmihiisa waa loo qodbay
xumaantaydii aan falay.

3. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Kii ii dhintay daraaddayba.
Kii ka kacay kuwii dhintay.

4. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Dembidhaafka waan ka helay;
Carotirka buu yahay.

5. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Jacaylkiisa waa i galay;
Caasinnimo wayga saaray.

6. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Mugdigayga waa dhammaaday;
Iftiinkiisa waa i gaaray.

7. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Wuu i furay, wayga furay;
Shakigaygii wayga furay.

8. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Dembigayga wayga saaray;
Qalbi cusub wuu i siiyey.

9. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Ballankiisa waan rumeeyey,
Ruuxiisiina waa i galay.

10. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Wuxuu joogaa qalbigayga,
Gudihiisa wuu ku jiraa.

11. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Dhimashada ka biqi maayo,
sakaraadka ka cabsan maayo.

12. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Waxaan goostay inaan raaco;
Fakiskayga buu yahay.

9. Adigaa Iftiinkayga Ah

1. Adigaa iftiinkayga Ciise Masiix.
La'aantaaduna waa ii gudcuree.
… ii gudcuree.
… ii gudcuree.
La'aantaaduna waa ii gudcuree.

2. Adigaa i badbaadinaya ee;
La'aantaaduna waa ii dhimashee.
… ii dhimashee;
… ii dhimashee.
La'aantaaduna waa ii dhimashee.

3. Adigaa i hoggaaminaya ee;
La'aantaaduna waan habaabayaa.
Habaabayaa, habaabayaa!
La'aantaaduna waan habaabayaa.

4. Adigaa i gargaarahaya ee;
La'aantaaduna waan go'ahayaa.
Go'ahayaa, go'ahayaa!
La'aantaaduna waan go'ahayaa.

5. Adigaa i kaalmaynahaya ee;
La'aantaaduna waan kufahayaa.
Kufahayaa, kufahayaa!
La'aantaaduna waan kufahayaa.

6. Adigaa i caawimahaya ee;
La'aantaaduna waan cidloobayaa.
Cidloobayaa, cidloobayaa!
La'aantaaduna waan cidloobayaa.
1. Adigaa iftiinkayga Ciise Masiix.
La'aantaaduna waa ii gudcuree.
… ii gudcuree.
… ii gudcuree.
La'aantaaduna waa ii gudcuree.

2. Adigaa i badbaadinaya ee;
La'aantaaduna waa ii dhimashee.
… ii dhimashee;
… ii dhimashee.
La'aantaaduna waa ii dhimashee.

3. Adigaa i hoggaaminaya ee;
La'aantaaduna waan habaabayaa.
Habaabayaa, habaabayaa!
La'aantaaduna waan habaabayaa.

4. Adigaa i gargaarahaya ee;
La'aantaaduna waan go'ahayaa.
Go'ahayaa, go'ahayaa!
La'aantaaduna waan go'ahayaa.

5. Adigaa i kaalmaynahaya ee;
La'aantaaduna waan kufahayaa.
Kufahayaa, kufahayaa!
La'aantaaduna waan kufahayaa.

6. Adigaa i caawimahaya ee;
La'aantaaduna waan cidloobayaa.
Cidloobayaa, cidloobayaa!
La'aantaaduna waan cidloobayaa.